Sign in to follow this  
General Duke

AU, EU US all focus on Somalia

Recommended Posts

Washington: Dowladda Mareykanka oo ku yaboohday xukuumada Soomaaliya 16 Milyan

Khamiis, January 04, 2007

 

Washington (Allpuntland)- Dowladda Mareykanka ayaa lacag dhan 16 Milyan oo Dollar-ka dalkaasi ku yaboohday xukuumadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

 

Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Condoleeza Rice ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay ku yabooheysi dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya lacag dhan 16 Milyan oo Dollar, taasoo lagu caawinayo dowladda KMG ah oo u adeegsan doonto dhinacyada amniga iyo arimaha gargaarka bini’aadanimada.

 

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Ismaaciil Maxamed Hure (Buubaa) ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan dhaqaale markii ugu horeysay dowladda Mareykanka ay ku yaboohday Dowladda Federaalka taasoo uu sheegay in loo adeegsan doono dhinaca amaanka, wuxuuna intaa raaciyay in Madaxweynaha KMG ah C/llaahi Yuusuf Axmed uu kulamo uu la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan xukuumada Washington iyagoo ka wada hadlay isbadalka cusub iyo sida dowladda Mareykanka ay ugu qeyb qaadan laheyd taageerida dowladda Soomaaliya.

 

Condoleeza Rice ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay u xil saartay arrimaha dalka Soomaaliya haweeneyda lagu magacaabo Jentayu frazer oo haatan ku sugan magaalada Adis Ababa halkaasi oo kulamo looga hadlayey arrimaha Soomaaliya kula yeelatay Madaxweynaha dalka Ugandha Yuweri Musaveni iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Melas Zenawi, iyadoo kala hadashay sidii dalka Soomaaliya loogu diri lahaa ciidamo ka socda dalalka Afrika.

 

Cali Sandheere

Allpuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this