Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Communication firm taken out of action + news from security sweep

Recommended Posts

Muqdisho: Ciidamada dowladda oo jaray khadka shirkadda Internet-ka Global iyo Howlgalada maanta ee Bakaaro

18. september 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamada dowladda oo maanta howlgal ballaaran ka fuliyay wadada labaad ee suuqa Bakaaraha ayaa gudaha u galay xarunta shirkadda Internet-ka Globalsom kuwaasoo shaqaalaha iyo maamulka shirkadda ku amray in ay damiyaan qadka internet-ka ayna albaabada u laabaan xarunta shirkadda ciddii ka dhega adeegtana ciqaab adag la kulmi doonto sida uu sheegay mid ka mid ah howl-wadeenada shirkadda oo codsaday in magaciisa aan la shaacin.

Waxaa saameyn ballaaran ay tallaabadaasi ku yeelatay macaamiishii isticmaali jirtay khadka Internet-ka shirkadda Global oo saakay hawada ka baxday dibna u soo laabatay abaaro 3-dii galabnimo iyadoo aan la ogeyn sababta loo soo fasaxay qadka iyadoo Taliye ku xigeenka howlgalada Booliska uu sheegay inuusan la socon amarka lagu xeray shirkadda Global.

 

Saameynta ku dhacday qeybaha isticmaala qadka internet-ka Global ayuu dib u dhac ku yimid iyadoo awalba dhib ku qabay culeyska isticmaaalka qadka iyo xiliyada qaar oo uu iska go’o taasoo aan la ogeyn iney tahay mid ku tala gal ah iyo mid aqoonta farsamada oo yar ay keentay.

 

Dhinaca kale ciidamada dowladda ayaa albaabada isugu dhuftay xaruntii idaacaddii Shabeelle taasoo hawada ka baxday kadib markii Boolisku ay jabiyeen albaabka xarunta Idaacadda oo ay gudaha ka xerteen shaqaalihii ku jiray markii ay diideen in ay furaan albaabka kadibna loo jebiyay.

 

Tallaabadan ayaa ah midi labaad oo horay ciidamada dowladda ay ku eedeeyeen in dhismaha Idaacaddaas laga soo tuuray bam gacmeed lala tiigsanayey ciidamada Booliska ee howlgalka ka waday wadada Aadan Cadde iyadoo maantana ay diideen in la baaro sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha Booliska oo ku eedeeyay in Idaacaddaasi ay awalba aheyd mid ku shaqeysa hadafka kooxaha ka horjeeda dowladda waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Gabagabadii waxaa weli xeran wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha halkaasoo maanta uu ka dhacay howlgal ballaaran oo hakad geliyay howlihii adeega bulshada ilaa iyo xiligana 3:00 galabnimo uu yahay mid haawanaya oo laga maqlayo rasaas teel teel ah.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Gobolka Banaadir oo maanta howlgalo ballaaran ka fuliyay Bakaaraha { 18 Sep 2007}

waxaa la daabacay Tue 18 Sep 2007 09: 51: 39

 

Howlgal saakay ay ka fuliyeen ciidamada Booliska wadada labaad ee suuqa Bakaaraha ayaa mid dhaliyay rabshado iyo qaraxyo ka dhacay halkaasi kadibna Booliska ay rasaas ku fureen goobaha laga soo tuurayey banbooyinka kaas oo uu ku dhaawacmay mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda Xawaaladda Qaran iyadoo ay gabi ahaanba xerneem goobihii ganacsiga.

 

Holwgalka ayaa sidoo kale dhaliyay in albaabada loo laabo xarunta shirkadda Ineternet-ka Gobol oo lagu amray in qadka la damiyo albaabadana loo laabo shirkadda iyadoo guud ahaan dibada loo soo saaray shaqaalihii ka howlgalayey shirkadda, taasoo keentay iney hakad galaan macaamiishii ku xerneyd qadka shirkadaas oo howlahoodii dib u dhac uu ku yimid ilaa Sagaalkii galabnimo ee maanta.

 

Sidoo kale sarkaal u hadlay Booliska ayaa sheegay in ciidamada ay xereen xaruntii Raadiyo Shabeelle kaasoo uu sheegay in ay diideen shaqaalahaasi amaawiirta Booliska oo ay albaabka gudaha ka xerteen taasoo keentay in ay Booliska jabiyaan iridka laga galo xarunta Shabeelle kuwaasoo amray in la damiyo idaacadda dibadana ay u soo baxaan shaqaalaha.

 

Sarkaalku wuxuu sheegay in dhawaan bam gacmeed laga soo tuuray dhismaha idaacadda oo lala beegsaday boolis halkaa ka howlgalayey taasoo maanta dhalisay in laga shakiyo kadib markii albaabka ay xerteen dadkii ku sugnaa goobta ciidamaduna ay rasaas kor u rideen ayna jabiyeen iridka idaacadda taasoo uu sarkaalkan sheegay iney tahay waajib saran Booliska marka laga dhega adeegay horayna uu sheegay in looga soo tuuray bam ay sidaa yeelaan.

 

Howlgalkaasi wuxuu kaloo sababay inuu xermo wadada dheer ee wadnaha kaasoo baabuurtu aysan mareyn iyagoo isticmaalayey xaafadaha jidadka dhex mara oo masaafo dheer ay u maraan goobo ku dhow dhow, sidoo kalena shirkaddihii ka howlgalayey nawaaxigaasi ayaa albaabada la isugu dhuftay si ay dadka ka hwolgala aysan dhib uga soo gaarin howlgaladaas keenay in bam lagu tuuro Booliska iyagana ay rasaas ku jawaabaan.

 

Email: admin@gobolkabanaadir.com

Gobolkabanaadir.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shabeele iyo shirkada Global oo la xirey

18 Sep 18, 2007 - 11:42:49 AM

 

Howlgal saakay ciidamada Booliska ka fuliyeen wadada labaad ee suuqa Bakaaraha ayaa dhaliyay rabshado iyo qaraxyo ka dhacay halkaasi kadibna Booliska ay rasaas ku fureen goobaha laga soo tuurayey bambooyinka kaas oo uu ku dhaawacmay mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda Xawaaladda Qaran iyadoo ay gabi ahaanba xerneem goobihii ganacsiga.

 

Holwgalka ayaa sidoo kale dhaliyay in albabada loo laabo xarunta shirkadda Ineternet-ka Global oo lagu amray in qadka la damiyo albaabadana loo laabo shirkadda iyadoo guud ahaan dibada loo soo saaray shaqaalihii ka howlgalayey shirkadda, taasoo keentay iney hakad galaan macaamiishii ku xirneyd qadka shirkadaas oo howlahoodii dib u dhac uu ku yimid ilaa Sagaalkii galabnimo ee maanta.

 

Sidoo kale sarkaal u hadlay Booliska ayaa sheegay in ciidamada ay xireen xaruntii Raadiyo Shabeelle kaasoo uu sheegay in ay diideen shaqaalahasi amaawiirta Booliska taasoo keentay in ay Booliska jabiyaan iridka laga galo xarunta Shabeelle kuwaasoo amray in la damiyo idaacadda dibadana ay u soo baxaan shaqaalaha.

 

Sarkaalku wuxuu sheegay in dhawaan bam gacmeed laga soo tuuray dhismaha Idaacadda oo lala beegsaday boolis halkaa ka howlgalayey.

 

Idaacada Shabeele ayaa sheegtay in boolisku rasaas la dhaceen xaruntooda taas oo keentay in shaqaalaha ay miisaska hoostooda galaan.

 

Howlgalkaasi wuxuu sababay in ay dhamaan xirmaan wadooyinka soo gala goobtaas taas oo sababtey in ganacsiga goobahaas albaabada loo xiro.

 

Garowe Online,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this