Thankful Posted March 29, 2008 Regardless of what the cyber warriors may think, people on the ground there are fully aware of what this admin has built in Puntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Thankful Posted March 29, 2008 Garowe, Puntland:Madaxweynaha DGPL ayaa maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo loogu talagalay in laga dhigo xabsi weyn oo ay yeelato Caasimada DGPL. Dhismahan laga dhisayo Caasimada Garowe ee ah jeelka ayaa waxa iska kaashaday maalgelintiisa xukuumada DGPl iyo Hay;ada UNDP. Dhagax dhigan ayaa maanta waxa goob joog ka ahaa guddoomiyaha gobolka nugaal Cabdi Xirsi Cali,duqa degmada Garowe ahna guddomiyaha golaha degaanka ee Garowe,agaasimaha guud ee wasaaradda arrmaha gudaha,agaasimaha waaxda Maamulka ee wasaaradda arrimaha gudaha,agaasimaha guud ee Howlaha guud iyo gaadiidka,agaasimaha waaxda baratakoolka ee Madaxtooyada,saxaafada iyo marti sharaf kale. Dhismahan ayaa waxa loogu talagalay in uu noqdo jeel ay yeelato Magaala Madaxda Puntland ee Garowe,iyadoo jeelkii hore uu noqday mid yar kuna dhex yaala Magaalada dhexdeeda. Hadaba dhagax dhiga ka dib ayaa waxa ay saxaafadda weydiisay Madaxweynaha DGPl sida uu u arko dhismahan uu dhagax dhigay,waxaanu ku jawaabay waxaan u arkaa wax fiican waayo awal hore waxa jira jeel yar oo noqday magaalada gudaheeda,wuxuuna kaloo intaa raaciyey waxaanu jeelkan ugu talagalnay in lagu xiro dadka dambiilayaasha ah,wuxuuna ku dhamaan doonaa sidaanu ugu talagalnay in uu socdo dhismahani muddo 90beri ah haddii alla idmo. Intaasi ka dib ayaa waxa hadal kooban soo jeediyey guddoomiyaha gobolka Nugaal cabdi Xirsi wuxuuna mahadnaq u soo jeediyey Madaxweynaha DGPL Mudane Maxamuud Muuse Xirsi oo isagu soo jeediyey in la helo jeel ay yeelato Caasimadu maadaama kii hore yar yahay,waxaana loo dhamayn doonaa sida ugu dhakhasaha badan. sidoo kale waxaa isna hadal kooban yidhi Taliye xigeenka Ciidanka Asluubta C/dillaahi Maxamed Mire,wuxuuna mahadcelin u soo jeediyey Madaxweynaha DGPL. Intaasi ka dib ayaa waxaa iyana halkaasi ka hadashay Shamis Shaywaal oo sheegtay in ay jeelka hadda jira in ay ka soo qaadatay kaalin buuxda muddo labaatan sanno ah oo ay iyadu maxaabiista quudin jirtay,hadana ay aad ugu faraxsan tahay in la dhiso jeel cusub oo ay yeelato Caasimada Garowe ee Puntland,waxayna intaasi raacisay in jeelkaasi hadda la dhagaxdhigay in ay ka qaadan doono kaalin wax ku ool ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites