Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: EU official holding meetings with PM

Recommended Posts

Baydhabo: Wafdiga ka socda Midowga Yurub oo la kulmay RW Soomaaliya.

18. januar 2008

 

Baydhabo(AllPuntland)- Raysalwasaaraha dowlada Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen ayaa la kulmay Wafdi ka socday dowladaha Midowga Yurub oo shalay tagey Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ,sida ay sheegtay dowlada Soomaaliya.

 

Kulankaan oo ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa looga wada hadlay xaaladaha gargaarka ee dadka ka Barakacay Magaalada Muqdisho iyo gacansiinta Xukuumada Faderaalka ee Jamhuuriyada Soomaaliya,ayagoo ay dhinaca dowlada joogeen gudoonka baarlamaanka Soomaaliya iyo Raysalwasaaraha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in ay dowlada Soomaaliya ubaahan tahay in wax lagala qabto arimaha gargaar-gaarsiinta dadka ku dhaqan inta udhaxeysa gobalada Shabeelooyinka iyo Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya.

 

Nuur Cadde wuxuu kaloo sheegay in ay dooneyso Xukuumadiisu in gacan laga siiyo howlaha baaxada leh ee horyaala ,markaasna la doonayo in ay ku qabato mudo kooban,isagoo sheegay in waxyaabaha sida aadka ah udoonayaan ay ka mid ah tahay Qorida Dastuurka Faderaalka ee Soomaaliya.

 

RW wuxuu kaloo tilmaamay in ay dowladiisu gacan lixaad leh ka geysneyso sidii gargaarka si rasmi ah loo siin lahaa dadkii ka soo baxay Magaalada Muqdisho ka dib markii ay ka bilowdeen dagaalada & Rabshadaha ,inkastoo ay dadkaasi joogeen Meelo ka mid ah gudaha dalka Soomaaliya.

 

Wafdiga Midowga Yurub ayaa dhinacooda sheegay in ay taageerayaan dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,ayna ay soo dhaweynayaan Xukuumada Cusub ee uu dhawaan soo dhisay Raysalwasaare Nuur Cadde taasoo ah mid tiro yar tayo badana leh.

 

Midowga Yurub wuxuu sheegay in looga baahan yahay dowladan hada jirtaa in ay wax ka qabato sidii wada hadal ay ula yeelan lahaayeen Madaxda mucaaradka dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ka soo horjeeda ,markaasna looga baahan yahay in lasameero tanaasul dheeraad ah si loo gaaro nabad waarta iyo Doorasho xor ah oo la qabto sannadka 2009-ka.

 

Kulankaan ay yeesheen Madaxda dowlada Soomaaliya ee hada joogta Magaalada Baydhabo iyo Wafdigaan ka socda dowladaha ku bahoobay Midowga Yurub ayaa ku soo beegmaya xili ay Xukuumada Cusub dadaal ugu jirto wada hadal ay la gasho kooxaha dagaalada ka wada Magaalada Muqdisho.

 

Faarax Cabdulqaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this