Sophist Posted January 20, 2004 Salaama Calaykum WR/WB 1. Sa,da Gabay Siciiddow Haddaan Siinka ka higaadsho 2. Oo Sugaantu waa badantihee aan ku solansiiyo 3. Sarbeebtuna ma fiicnee Haddaan hadalka kuu saafo 4. Gabyaa soo socdaa tahay Dadkuna waa kusugayaa e 5. Sinjigeedii baadleedihiyo ama Sansaankiiye 6. Ma saanqaado maansadu haddaan seeska loodhigne 7. ILa soco Tixdaan soo sidaa Sahamis weeyaan 8. Dalkeenii kuwaa Sahayday oo loogu Saangalye 9. Siqiir iyo Haween kama naxaan Sebi ma dhaafaane 10. Siyasada qarsoon bay intaa sogordohaayaane 11. Suntay qooshayeen bay inabadan sibiq u siiyeene 12. dhaaxay sidaa nagu wadeen oo na sirayeene 13. kuwa kula socdoo kaasocdoo saas ah baa jira e 14. Sirtaadaba ragbaa faafiyoon saxarba reebayne 15. Xadhigaad samaysaba kuwaa soohdintii fura e 16. Sama kama tashaan oo xumaha kama sariigtaane 17. Suldad adag hadii ay helaan Saanad iyo xoogba 18. Siday doonayaan oo qudhuun bay kusocod siine 19. Sidii uu gumaysigu rabey sahal u raaceene 20. Mar haddaan sidaa nahay kufrigu waa siduu rabey 21. Allow Sahal Amuuraha Adaan Saaka kuu caban e 22. Afartaa sidii seesla dhigay maysku wada seemay 23. Sa,dii aan ka qaadiyo miyaan siinka ka habowshey 24. Masargooyey maansada ragbaan sow sow garanayne 25. Soomaalideenaan arkaa say u socotaaye 26. Inkastay Sabaan adag martoo silicday oo hoogtey 27. Saf saf laysu laayiyo dagaal Seef u wada qaaday 28. Oo xumaha wada saad satoo maanka laga siibey 29. Markay nabadu seerowdey oo laysu socon waayey 30. Sacabada markay dhigatay oo wada sabaalow dey 31. Oo ay Siqiir iyi kabiir Sahay la,aan dhooftay 32. Suleekhooyinkeenii qaxbay Silic la,aadeene 33. Sangadhuudhigaa naga dhergey iyo Saancadaaleba e 34. Oo wada Sarkaal miidhan iyo Suxufi qaarsheegtey 35. Tobanaan Sanoo tegey makrii ay is wada seegtay 36. In Amxaarka loosacabtumoo loona kalasiibto 37. Oo Soohdima kuu cayimo oo ku kala sooco 38. Sawaaxili inaad raad sataa waa Sikhiifnimo 39. Sidii uu gumaysigu rabey sahal u uraaceene 40. Mar haddaan sidaa nahay kufrigu waa siduu rabey 41. Allow Sahal Amuuraha Adaan Saaka kuu caban e 42. Afartaa sidii seesla dhigay maysku wada seemay 43. Sa,dii aan ka qaadiyo miyaan siinka ka habowshey 44. Masargooyey maansada ragbaan sow sow garanayne 45. Waxba Hadalku yuu ila Sibqane waxaan Kusoo seesay 46. Kolhadaan xaqsoor Saafiyoo simani la keenaynin 47. Oo Qoloba Subaxday Rabaan Soconay yeedhayso 48. Oo aan Sifihi dawoladnimo Sahankii ii muuqan 49. Oo magaca Soomaaliyeed layslasixi waayey 50. Sunnadiyo Qur,aankiyo hadaan Diinta lagu seesin 51. Hayeeshee Siduu dhaamilaa Saawa saawuhu 52. Saadaal Wanaagsani mahadhin Suruqdi mooyaane 53. Allihii Samada Uumay oo Saatiraan sugi e Faysal Max’ed Cabdalle (Gar,ansaxa) Holland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted January 20, 2004 Gabaygan Waa saban wuxuu soo baxay Bishii May 28,1994tii, waana mid sifeynaya Aduunkan waxa ka jira Gaar ahaan Soomaalida Siyaasad ahaan sida ay marinkii ay u seegtay, Gabaygu wuxuu leeyahay sidatan : Waa Saban Waa saban sokeeyuhu markeer suuqya kuu tumane Waa saban siyaasadi wax tarin sumucu qiiqaaye Waa saban sariigtii habluhu kaba sawaaleyne Waa Saban Alle ha noo sahlee saancad uu kacaye Waa saban saqiir iyo kabiir maare uu sido e Waa saban midkaad saxar ka tiri seeda kaa jariye Waa saban soomaalidu noqdeen sun iyo waabeeye Waa saban an soonkiyo salaad lagu sifoobeyne Waa saban sunada kii fushaa laga santaagaaye Waa saban suxuur loo kacayn soonki oo galaye Waa saban ninkii soof lahaa sadaqa dhiibeyne Waa saban simaadhii Janaad suusna loo bixine Waa saban sabiyo Aabihii kala socdaaleene Waa saban sarqaankii kacaa saarka loo tumiye Waa saban an sooryada la siin seedi kuu yimide Waa saban kufriga saacid kiis loo suguud dhigane Waa saban salaafxumi nafluhu kaba siqooneyne Waa saban sargaal talinayoo silic ka joogaaye waa saban hadaad sama fashaa lagu salaamayne waa saban sir iyo beentu tahay hadal sixiixeede waa saban saruurada gabdheed saasba loo dayine Waa saban siraanyada coleed saabka loo suraye Waa saban sifaad kiisa aad saarin ebidkaaye Waa saban Daruuraha salliban seymo kuu curane Waa saban saqdii loo kacaa saro colaadeede Waa saban saqiir iyo sirqaba seeftu ay mariye Waa saban saaxiib nimadu tahay sayma lagu reebe Waa saban midkaad saakushaa saahid kuu noqone Waa saban qabiil lagu saliday saaca maanta ahe Waa saban sakaal lagu ridoo suufi uu taline Waa saban sawaadkii habeen seexad aad ladine Waa saban sareedadi ilaah loo saldhigi hayne Waa saban waxaa webi sussumi sarac la beerayne Waa saban mid magaciis saxayn uu suldaan noqone Waa saban siniyo saariqnimo lagu sareeyaaye Waa saban sidii saxal nujuum sibiq ku dhaafaaye Waa saban safkaan kacay haddeer saaqid uu yahaye Waa saban an saxan saxo udgoon , lala sumbaaxoone Waa saban si loodayo nafluhu seegay marin kiiye Waa saban sifaalaha aduun lala sureeraaye Afartaas intaan sada ka dayay sadar ma qaadsiiyay Sarmaseegto hadalaan lahayn maysu wada soocay Sowd kalana siyaasadan sirgaxan balaan ku saameeyo Siyaasadi ma aha inuu sargaal sama ka weecdaaye Siyaasadi ma aha inaan qabiil saacidnaa Ebide Siyaasadi ma aha inuu sar-teen sumucu leefaaye Siyaasadi ma aha calan surnaa siibay oo nacaye Siyaasadi ma aha inaan sabool saabir noqonaaye Siyaasadi ma aha silic u dila kii sokeeya ahe Siyaasadi ma aha soofka dhaca qaalma saransoore Siyaasadi ma aha sibir kharaar sun iyo waabeeye Mana aha Soomaalida inaan , silc dilyeeynaaye Mana aha inaan soorka daro saafidii Dumare Mana aha saqiir keen inay gaajo solotaaye Mana aha santaag iyo anaa kaa sareyn Ebide Mana aha sadkaad cuni lahayd soorti waa gabiye Mana aha anaa seeda jari sidigta Maandeeqe Mana aha sariigtiyo ka taga samafal Ruuxeede Mana aha surkaan jari ninkii aan i saacidine Mana aha salaaf xumo inii lagu sifoobaaye Subbeeh-nimo ma fiicnee ragaw saxa kalaan kiina Ama silic Soomaalaay ku jira saadanbaad garane. By C/rashiid Axmed Xuseen Quote Share this post Link to post Share on other sites