Jacaylbaro Posted March 18, 2010 Madaxweynihii hore ee dalka Benin Mudane Mathieu Kerekou, ayaa booqasho ugu tagay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, oo ku jira cisbitaal ku yaala magaalada Paris ee dalka Faransiiska. Mudane Benin, waxa uu Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, ka xog waraystay xaaladiisa caafimaad iyo guud ahaan xaaladda dalka. Sida uu Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay wakiil ku xigeenka Somaliland ee Sweden Md. Xuseen Wadaadyare, waxa uu Mudane Yaasiin Madaxweynihii hore ee Benin uga waramay taariikhda Somaliland, waxyaabaha ay qabsatay iyo geedi socodka Dimuqraadiyadeed, isaga oo si weyn uga mahadceliyay booqashada uu ugu yimid. Madaxweynihii hore ee dalka Benin, ayaa isna Madaxweyne ku xigeenka u rajeeyay caafimaad taam ah, isagoo balan qaaday inuu dalkiisa gaadhsiino doono qaddiyadda Somaliland iyo waxyaabaha ay qabsatay. Kulankaas waxa ka horeeyay mid gaar ah oo ay yeesheen Ku xigeenka Wakiilka Somaliland ee Sweden Mudane Hussein Wadadyare oo ka mid ah wafdiga la socda Madaxweyne ku xigeenka iyo Madaxweynihii hore ee Benin Mudane Mathieu Kerekou taas oo ay ku wehelinayeen wasiir ka tirsan xukuumada Benin, gabadh uu dhalay Madaxweynuhu iyo xoghahiisa gaarka. Wakiil ku xigeenku waxa uu u gudbiyey Madaxweynahii hore ee Benin salaan uu uga sido Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayale Kahin sidoo kale waxa uu ka codsaday in uu Somaliland yimaado si uu indhihihiisa ugu arko waxa ay qabsatay si uu ugu biiro saaxiibada Somaliland, waxana uu la socodsiiyey in uu Paris joogo Madaxweyne ku xigeenkii Somaliland. Madaxweynahii hore ee Benin waxa uu u sheegay in uu aad ula dhacsan yahay siyaasada xukuumada Somaliland taas oo xil weyn iska saartay amniga, waxaanu kulankaasi aakhirkii sababay in Madaxweynihii hore ee Benin uu booqdo Madaxweyne ku xigeenka. Sida uu wakiilku sheegay, Madaxweynihii hore ee Benin, waxa uu salaan qaali ah u diray Madaxweynaha Mudane Daahir Rayaale Kahin iyo shacabka Somaliland waxana uu kula dardaarmay in ay ilaashadaan nabad gelyadooda taas oo ah qaali, isagoo balan qaaday inuu Somaliland booqan doono xilliga ay u suurto gasho. Madaxweyne Mathieu Kerekou, waxa uu dalkaas xukumi jiray sannadihii 26 Ocktober 1972 ilaa 4 April 1991 sidoo kale waxa uu dalka dib u qabsaday kolkii uu kaga guuleystay Nicephore Soglo oo xukumi jiray dalkaas 4april 1991 ilaa 4 april 1996 taas oo xukunka uu dib ula wareegay Mathieu Kerekou 4 April 1996 ilaa 6 April 2006, waxa uu ku wareejiyey madaxweynaha talada hadda Mr . Yayi Boni . Quote Share this post Link to post Share on other sites
dambarsame Posted March 18, 2010 Originally posted by Jacaylbaro: Mudane Benin, waxa uu Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, ka xog waraystay xaaladiisa caafimaad iyo guud ahaan xaaladda dalka. Sida uu Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay wakiil ku xigeenka Somaliland ee Sweden Md. Xuseen Wadaadyare, waxa uu Mudane Yaasiin Madaxweynihii hore ee Benin uga waramay taariikhda Somaliland, waxyaabaha ay qabsatay iyo geedi socodka Dimuqraadiyadeed, isaga oo si weyn uga mahadceliyay booqashada uu ugu yimid. Madaxweynihii hore ee dalka Benin, ayaa isna Madaxweyne ku xigeenka u rajeeyay caafimaad taam ah, isagoo balan qaaday inuu dalkiisa gaadhsiino doono qaddiyadda Somaliland iyo waxyaabaha ay qabsatay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
dambarsame Posted March 18, 2010 waar wadaadkii gabadha faraxumeeyey miyaa xanuunsaday Quote Share this post Link to post Share on other sites