Sign in to follow this  
General Duke

We assasinate NGO workers armed opposition admits

Recommended Posts

Mucaradka oo qirtay beegsiga Hay'adaha gargarka

14 Jul 14, 2008 - 5:22:32 AM

 

Afhayeen u hadlay mucaaradka dagaallada hubeysan kula jira DF ayaa qiray inay iyagu ka dambeeyaan dilalka iyo ugaarsiga shaqsiyaadka u shaqeeya hay'adaha gargaarka caalamiga ah iyo kuwa gudaha. Ka dhageyso halkan " You tube"

 

Mas'uulkaan oo magaciisa kusoo gaabiyay Sheekh Max'ed sheegayna inuu ka tirsan yahay Jabad lagu magacaabo [Jabhal Islaamiyah] ayaa ****olka ka rogay in sababta ay u beegsanayaan hay'adaha gaargaarka gaar ahaan kuwa UN-ka ay yihiin iyagoo aamisan inay gacan siiyaan DF iyo ciidamada Ethiopia.

 

"Hay'adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay waxay qayb ka ahaayeen dagaalkii lagu jabiyay Midowga Maxkamadaha, waxayna hubka, lacagta iyo shidaalka siinayay ciidamadii la dagalamayay mujaahidiinta" ayuu saxafadda u sheegay Sheekh Max'ed.

 

Sarkaalkaan, wuxuu si gaar ah carabka ugu dhuftay Hay'adda UNDP oo uu sheegay inay mushaaraad siiso ciidamada DF, isla markaana ay ahayd hay'adii shidaalka ku shubaysay diyaaradihii dagaalka ee lagu duqeeyay qaybo ka tirsan Somalia xilligii ay dagaallada u dhexeeyeen Maxkamdaha iyo ciidamada dowlada oo gacan ka helayay kuwa Ethiopia.

 

"Mujahidiinta waxaan ugu baaqayaa inay beegsigooda koowaad ka dhigtaan hay'adaha gargaarka, waayo waxay gacan siinayaan cadowga, howlahasna way bilowdeen waxaase dhiman dhameystir" ayuu mas'uulkaan u sheegay Idaacad ka howlgasha Muqdisho oo lagu magacaabo Codka Nabadda.

 

Mar la weydiiyay hay'adaha maxaliga ah ee ay begsanayaan ayuu ku sheegay inay ka mid tahay hay'ad ay ku bahobeen haweenka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo COGWO, taasoo uu sheegay inay tahay mid lagu jahawareerinayo Somalida, ayna beegsan doonaan illaa ay ka toobad keenaan talaabooyinkooda.

 

Qoraallo lagu diray Internet-ka iyo kuwo kale qoraal ahaa loo daadiyay ayaa waxaa ku qornaa in la beegsanayo hay'daha gargaarka, iyadoo la xusuusto in dhowr ruux oo ka shaqeynayay gargarka lagu dilay Muqdisho, hareraheda iyo weliba gobolada dalka qaarkood.

 

Xubno ka tirsan Hay'adaha gargarka oo ay ka mid yihiin Madaxii INXA C/naasir Axmed, Madaxii Peace Line Shirwac iyo mas'uul ka tirsan COGWO oo lagu magacabo Cayni Abukar Gacal ayaa ka cararay Muqdisho, iyagoo gaaray Somaliland, si ay uga nabadgalan ugarsiga lagu hayo samofalayasha.

 

Ururrada gargarka ee Maxaliga ah oo shir ku yeeshay Muqdisho shalay [July 13, 2008] ayaa waxay ka doodeen dhibaatooyinka soo foodsaaray, iyagoo u diiday saxaafadda inay ka warbixiyaan qodobbada kasoo baxay heshiiskooda.

 

Wararka hoose ayaa waxay sheegayan inay go'aan ku gaareen madaxda Hay'adahaas inay howlahooda gargaar joojiyaan, ayna ka baxaan tagaan goob walba oo ay u arkaan in lagu ugaarsan karo.

 

Dhaqdhaqaqa Al-shaabab iyo Isbahaysiga Asmara ayaa waxay labaduba iska fogeyeen dhawaan ku lug lahanshaha dilalka loo geysnayo madaxda Hay'adaha gargarka, iyadoo mas'uulkaan uu shaaca ka qaaday sir qarsoonayd.

 

Mucaaradka ka soo horjeeda DFKMG ah ayaa u muuqada kuwo fikrad kala duwan ka qaba dilalka loo gaysanyo dadka howlaha gargaar ama magaca ku leh bulshada Somaliyed.

 

Afhayeenka koxda Al-Shabaab ayaa horey u beeniyay in ururkiisu wax lug ah ku leeyahay dilkii loo gaystey wakiilkii UNDP ee Muqdisho.

 

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: Islamist spokesman supports aid worker killings

14 Jul 14, 2008 - 10:52:26 AM

 

MOGADISHU, Somalia July 14 (Garowe Online) - A man who spoke on behalf of an armed Islamist group in Somalia has claimed responsibility for a spate of recent assassinations, mainly targeting local and foreign aid workers.

 

The spokesman, who identified himself only as Sheikh Mohamed, said during an audio recording that aid agencies "assist" Ethiopian troops and Somalia's interim government forces.

 

Sheikh Mohamed specifically signaled out the United Nations Development Program (UNDP), which he said funds the Somali army.

 

Further, he accused UNDP of aiding Ethiopia's 2006 invasion, which ousted the Islamic Courts movement from Mogadishu, saying: "The UN agencies took part in the war that destroyed the Islamic Courts, and they [uN] gave weapons, money and fuel to troops fighting against the Mujahidiin (Islamic fighters)."

 

A number of aid workers have been killed in Mogadishu and other parts of Somalia since last month, with the UN and local aid agencies now considering to halt their operations there.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this