Sign in to follow this  
General Duke

Middle Shabbale: IDP's from Mogadishu's former safe havens suffer..report

Recommended Posts

abaaro.jpg

 

Cuduro iyo Abaaro Ba’an oo laga soo sheegayo degaanada Warsheekh, Cadale iyo Ceel Macaan.

 

Waxaa Cuduro iyo abaaro xoogan laga soo sheegayaa degaano aad u fara badan oo ka tirsan nawaaxiga Degmada Warsheekh, Cadale,Balcad iyo Ceelmacaan halkaasi oo ay ku barakaceen dad aad u fara badan oo ka qaxay dagaalada aan dhamaadka lahayn oo ilaa iminka ka aloosan magaalada Muqdisho.

 

Tuulooyin dhowr ah oo ka tirarsan degaanada Balcad,Ceelmacaan,Ca dalle iyo Warsheekh ayaa laga soo sheegayaa in halkasi ay ka dilaaceen cuduro faro kulul ku haaya sida cudurka shuban biyoodka iyo malaariyada.

 

 

 

Degaanadani ayaa waxaa soo foodsaartay Cunno yaraan taasi oo laga yaabo in dad badani ay u nuglaadaan in ay u dhintaan Cudurada ka dhasha nafaqa la'aanta.sidoo kale waxay dadka degaanka ka cabanayaan maciishada oo aad qaali u ah.

 

Abaarahani ayaa waxa ay saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyadaba ayadoona aysan jirin cid ilaa iyo hadda wax gurmad iyo samafal ah u samaysay dadkaasi ayadoo hey’adaha gargaarka ay xilligani ku sugan yihiin degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho.

 

ugu danbayntii dadka degaanka ayaa ka codsaday hay’adaha Samafalka inay kaalmo la soo gaaraan dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaanadaasi iyo tuulooyinka hoos yimaada waxayna sheegeen hadii aan kaalmo lala soo gaarin dadkaa in xaaladu qatar isku badali doonto.

 

Maxamed Deeq Muuse (deeqdarajo)

Deeqdarajo100@hotami l.com

 

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this