Sign in to follow this  
ansaar17

Maleeshiyaadkii la soo dhoobey Muqdisho oo tiro badan oo ka mid ah ay u baxsadeen gob

Recommended Posts

ansaar17   

Maleeshiyaadkii la soo dhoobey Muqdisho oo tiro badan oo ka mid ah ay u baxsadeen goboladoodii, qaar kalena ay ku soo biireen muqaawamada.

 

 

Muq, 20, 03, 07 (M-Shacabka)

Maamulka calooshood u shaqeystayaasha oo fulinaya awaamiirta cadowga Tigreega ee dalka qabsadey ayaa magaalada Muqdisho soo dhoobey maleeshiyaad beeleedyo laga soo aruuriyey gobolada Puntland iyo gobollo kale, kuwaasoo loogu talagaley iney xasuuq u geystaan dadka Soomaaliyeed ee deggen Muqdisho, si ay cadowga ugu suurtagasho inuu damiyo halganka looga soo horjeedo oo caasimada dalka ka socda.

 

 

Sidaas awgeed waxaa jirey baaqyo isdaba joog ah oo ka soo baxayey dhaqdhaqaaqa wax iska-caabinta shacbiga dhulka Hijrooyinka, kuwaasoo loogu yeerayey maleeshiyaadkaas ineysan ka qeybgalin qorshaha cadowgu ku xasuuqayo shacabka Soomaaliyeed, ayna u furan tahey iney ku soo biiraan muqaawamada ama ay isaga baxaan ciidanka calooshood u shaqeystayaasha.

 

 

Hadaba Alle fadligii dadku isku mid ma ahan, isku caqlina ma lahan, tiro ka mid ah maleeshiyaadkaas ayaa isaga baxsadey xerooyinkii caloshood u shaqeystayaasha, kuwaasoo dib ugu noqdey goboladoodii ay ka yimaadeen gaar ahaan 150 ka mid maleeshiyadaas oo wata gaari tikiko ah waxey dib ugu noqdeen gobolka Hiiraan oo ay ka soo jeedeen, halka 100 ka mid ah ay goosteen iney ka mid noqdaan muqaawamada, ayagoo muujiyey iney diyaar u yihiin ka qeybgalka halganka looga soo horjeedo cadowga Tigreega iyo calooshood u shaqeystayaasha.

 

 

Mid ka mid ah maleeshiyaadkaas oo magaciisa ku sheegey Warsame ayaa wariyaha bogga muqaawamada u caddeeyey in loola macaamili jirey xilligii tababarku uga socdey Balli doogle sida maxaabiista oo kale, waxa uu yiri " waxa kor naga ilaalin jirey ciiamada cadowga Tigreega, waxaana ka jirey xerada dhexdeeda midab kala soo sooc oo askarta ka timid Puntland sadbursi ka badan kuwa kale ayey la siin jirey"

 

 

Wuxuuna intaas ku darey Warsame " waxyaalaha nagu qasbey inaan baxsano waxa ugu weynaa ayadoo na lagu armey in aanan u kala aabo yeelin cidna marka hawlgala Muqdisho bilowdo oo dadka Muqdisho degen oo dhan ay yihiin cadow, arikaasoo ay u hamuun qabeen maleeshiyaadka qaarkood tababarka nagula jirey, marka waxaan ogaaney in waxa loo socdo aysan aheyn dawladnimo?e ay yihiin aargoosi qabiil"

 

 

Waa Alle fadligii haddii la heley cid si rasmi ah uga warbixisa dhagarta ay damacsan yihiin maamulka calooshood ushaqeystayaasha iyo Cadowga Tigreegu, taasoo ka dhigeysa in la iska difaaco labadaas cadow arin waajib ah, Muqdishana waxa lagula dagaalmayo ay tahey iney iska diido cadowga xoogga ku soo galey dhulkeena iyo kuwa nacamlyaasha u ah.

 

www.m-shacabka.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this