Sign in to follow this  
MoonLight1

Alshabaab cave in.

Recommended Posts

Sheekh Cali Dheere "Waan soo dhawaynaynaa Midnimada ka timid walaalkeen Sheekh Xasan waana Mujaahid aan Ixtiraam u hayno, waxaan diyaar u nahay in aan qayb ka qaadano Midnimada Sheekh Xasan Noogu baaqay"

 

Waxaa soo shaacbaxayay maalmihii la soo dhaafay gaar ahaan 72-dii saac ee la soo dhaafay Qilaaf soo kala dhexgalay Xoogaga ka soo horjeeda Dowlada iyo Joogitaanka Ciidamada Amisom ee Jooga Soomaaliya.

 

Qilaafkaasi ayaa waxa uu salka ku hayay Maamulka Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan Xoogaga Xarakada Alshabaab, kuwaasi oo Maamul Hoostaga ama Maamulkii halkaasi ka dhisnaa uu Hoos tagay isla Al-shabaab.

 

Waxaa Qeylo dhaan ka soo yeertay kadib Hogaamiye Xasan Turki oo ka mid ahaa Hogaamiyayaasha islaamiyiinta gaar ahaan kuwa raaskaanbooni’ waxa uuna gaasahaanka u daruuray Maamulkaasi Kismaayo, waxa uuna ku hanjabay in meshaasi ay balo ka soo socoto.

 

Saacado kadib waxaa Saxaafada la hadlay asaga oo arintaasi ka hadlaya Afhayeenka Sheekh Cali Dheere oo goor dhow Warbaahinta Muqdisho qaarkeed la hadlay ayaa sheegay in Shabaab ay diyaar u tahay midnimo ay la gasho Xooogaga Islaamiyiinta ah ee kale.

 

Sheekh Cali Dheere ayaa wuxuu sheegay in ay Ixtiraam iyo Tixgelin u hayaan Sheekh Xasan Turki iyo Islaamiyiinta kale oo uu sheegay in ay yihiin Aabayaashii Jihaadka sida uu hadalka u dhigay

 

 

"Waan soo dhawaynaynaa Midnimada ka timid walaalkeen Sheekh Xasan waana Mujaahid aan Ixtiraam u hayno, waxaan diyaar u nahay in aan qayb ka qaadano Midnimada Sheekh Xasan noogu baaqay"ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

 

Afhayeenka Alshabaab oo la weydiiyay Khilaafka magaalada Kismaayo ka jiro ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin xalinta arrimaha Kismaayo oo uu tibaaxay inayt diyaar u yihiin inay qanciyaan walaalaha kale.

 

"Way jiraan arrimahaas waxa kaliya oo jira ayaa ah in Wilaayadii Kismaayo ay la midoowday wilaayaadkii kale taasna wax dhib ah ma lahan laakin haddii walaala kale dhibsadeen waan kala hadlaynaa"ayuu mar kale ku celiyay Sheekh Cali Maxamuud Raage.

 

Arintani ayaa meesha ka saarayso gacan ka hadal la hadal hayay in uu dhexmari laha Xoogaga ka soo horjeeda Dowlada taasi oo lagu macneeyay arinta Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wadaadka liiska rmareykanka ee argagixisada ku jira ee Sheekh Xasan Turki ayaa isaga iyo gadiid dagaal uu wato waxa ay ku sii jeedaan Magaalafda Muqdisho isagoo ka soo ambabaxay dhinaca iyo koonfur galbeed ee ee soomaliya.

 

Wararka laga helayo ilo ku dhow dhow wadaadkan ayaa sheegaya in ujeedada Xasan Turki uu ugu soo jeedo Muqdisho ay tahay isagoo doonaya inuu kulamo la yeesho mas'uuliyiinta ururka Al shabaab kuwasoo dhawaan si toos ah u la wareegay Maamulka magaalada Kismaayo oo uu wadaadkani doonayay inuu awood ku yeesho.

 

Dhawaan ayay aheyd markii maamulka magalada Kismaayo ay ku dhawaaqeen inay ku biireen Ururka Al shabaab ayaa Sheekh Xasan Turki waxa uu durbadiiba kaga jawaabay inuusan la dhacsaneyn sida ay Maamulka kismaayo ula wareegen ururka Al shabaab.

 

Sheekh Xasan Turki ayaa hogaamiya qeyb weyn oo ka tirsan islaamiyiinta ka dagaalanta gudaha soomaliya isagoona doonayay inuu awood ku yeesho maamulka Kismaayo ama ugu yaraan ay awood qeybsi sameeyaan kooxaha islaamiyiinta oo haatan u eg kuwa ku loolamaya awooda dalka qeybaha ay gacanta ku hayaan.

 

Dadka arrimahan odorasa ayaa waxa leeyihiin hadii aan lagu guuleysan wada hadalada uu haatan u socdo Sheekh Xasan Turki inay keeni karto cabsi hor leh oo ka dhalata deeganada jubooyinka iyadoona cabsida la qabaa ay tahay awood sheegasho ka dhex dhalata kooxaha ka soo horjeeda dowlada ee iyaga haatan gacanta ku haya inta koonfurta Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this