Jacaylbaro Posted March 27, 2008 SDWO (Kuwait 26/03/08) Jaaliyada Somaliland ee Kuwait ayaa casho sharaf u samaysay gudoomiyaha SDWO – (Somaliland Democracy Watch Organisation) – Mr Guled Cabdi Sheekhaash oo haatan booqasho gaaban ku jooga dalka Kuwait. Xubnaha cashada ku qaabiley Gudoomiyaha SDWO waxa ka mid ahaa Gudoomiyaha Jaaliyada Kuwait Sulayman Xaaji Firdhiye, Gudoomiye ku xigeenka Jaaliyada Xasan Xaaji Colhaye iyo xubno kale oo ay ka midyahiin Mustafe Sulub Jaamac, Maxamed Qawdhan, Mustafe Xassan iyo Rashid Cashada ka dib waxa halkaas warbixin kooban ka soo jeediyey Gudoomiyaha Jaaliyada Kuwait Sulayman Xaaji Firdhiye iyo Gudoomiye ku xigeenka jaaliyada Xassan Xaaji Colhaye oo ka warbixiyey waxqabadka jaaliyada. Sida uu ka dhawaajiyey Gudoomiye Sulaymaan jaaliyadani waxay soo jirtay tan iyo 1982 oo ay qayb weyn ka qaadatay halgankii dheeraa ee SNM markii Somaliland lagu dhawaaqay 1991kiina ay isku bedeshay magacan hada ay sidato ee Jaaliyada Somaliland ee Kuwait. Jaaliyadu dalkan Kuwait iyo dalkii hooyaba waxqabadkeedu wuu ka muuqdaa xaga dalkan Kuwait gudahiisa jaaliyadu waxay had iyo jeer caawisaa dadka dhibaato kala kulma xaga sharciyada dalkan sida ciqaamadaha iyo fiisooyinka dalkan lagu joogo. Jaaliyadu waxay leedahay koox fanaaniin ah oo la yidhaah Naasa Hablood oo qalabkii musiga oo dhan ay jaaliyadu u dhamaystirtay, gudoomiyahu waxa uu sheegay in jaaliyadan ay mabnuuc ka tahay qabyaalada iyo siyaasadu. Xaga waxqabadka dalkii hooyo gudoomiyahu iyo gudoomiye ku xigeenku waxay shaaca ka qaadeen inay jaaliyadani tahay ta ugu waxqabadka badan marka la eego jaaliyadaha dibadaha ka dhisan oo dhan, waxaanu tusaale u soo qaatay waxqabad aad u balaadhan oo jaaliyadani gacanweyn ka geysatay suurtagalnimadeeda oo ay ka mid yahiin inay ku guulaysteen iyagoo adeegsanaya hayadaha gargaarka ee dalkan Kuwait in dhakhtarka Hargeysa lagu kordhiyo oo laga dhiso shan qol oo ah qaybaha qaliinka oo casriya una dhigma dhakhtarada caalamiga ah oo qalabkiisii oo dhami u dhanyahay qaybahan oo uu madaxweyne ku xigaanku xadhiga ka jaray bishii August ee 2007, iyadoo lacag dhan $400 kun oo doolar ay ku baxday mashruucan. Waxa kale oo jaaliyadu u qorsheysan in dabayaaqada bishan March ay diraan 170 haamaha ay ku jirto walaxda loo yaqaan Ogsajiinta oo lagu qalabayndoono dhamaan dhakhtarada dalka oo dhan iyo qalabkii ogsajiinta dhalinayey ee dib u buuxinayey marka ay haamahani dhamaadan oo aan oo loo baahandoonin in haamo ogsajiin ah dibada looga keeno dhakhtarada dalka oo dhan. Waxqabadka Jaaliyadu gobolada dalka oo dhan way wada gaadhay sida laba dhakhtar oo ay hada ka wado magaalada Burco, Qalab ay leeyihiin magaalooyinka Borama iyo Ceerigaabo ayay jaaliyadu dirtay wiigan gudahiisii. Gudoomiyahu waxa uu sheegay in dhamaaan waxqabadka iyo xidhiidhka jaaliyada ee dalka gudahiisa uu wakiil uga yahay Cabdiqaadir Xaashi oo ah mulkiilaha Maansoor Hotel ee Hargeisa oo hore uga mid ahaa jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Kuwait. Gebogebada gudoomiyahu waxa uu jaaliyada Kuwait iyo guud ahaanba reer Somaliland oo dhan u soo jeediyey in la isku duubnaado oo marka hore nabadgelyada la ilaaliyo meel kasta oo la joogaba, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi waxaan sadexda xisbi qarana u soo jeedinayaa inay ixtiraamaan dastuurka dalka u yaal oo la raaco wixii lagu heshiiyay oo aan hadhow dooroshooyinka la isku qabqabsan. Gudoomiyaha SDWO ayaa u garaabay warbixintii jaaliyada Kuwait kuna raacay inay jaaliyadani tahay jaaliyada ugu waxqabadka badan xaga hormarinta dalkii hooyo isla markaasna ay haboontahay in loo aqoonsado laguna tixgeliyo waxqabadkaas balaadhan ee ay muujiyeen. SDWO News Desk - Kuwait Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted March 27, 2008 Sorry to digress but the food looks yummy. What is it? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 30, 2008 loooooool ,,,, get a ticket and fly to Kuwait Quote Share this post Link to post Share on other sites