Emperor Posted January 2, 2009 Sheekh Shariif oo dhowaan u Magacaabaya Taliyaha Maleeshiyada Isbaheysiga Jabuuti abaanduule Hogaamiye Kooxeed Horey Oga ahaan Jiray Soomaalia. Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inuu dhowaan Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqyo Taliyaha Ciidamada Isbaheysiga Dib u Xoreynta, kuwaasoo dhowaan la wareegaya xarumaha ay ka baxaan Ciidamada Ethiopia. Waxaa socda qorshe lagu diyaarinayo Ciidamo uu yeesho Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka uu hogaamiyo Sheekh Shariif, kuwaasoo haatan lagu xareeyay meel duleedka waqooyi kaga beegan Magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu ku dhow yahay inuu Taliyaha Ciidamada isbaheysiga u magacaabo Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaanle) oo ah abaanduule ciidan aad loo yaqaan, isla markaana ka mid ahaa taageerayaashii Maxkamadihii islaamka, waxaana uu kala qeyb qaatay xilligii Maxkamadaha la galeen Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho bilowgii sanadkii 2006-da. Goobaanle ayaa horay ugu soo qeyb qaatay Dagaalo xilligii Maxkamadaha ee ka dhacay Muqdisho isagoo hogaaminayay Ciidamo ka yimid Kismaayo, xilligaasoo ahaa Abaanduulihii Ciidamada Isbaheysiga Dooxada Jubba ee bur buray. Qorshaha Sheekh Shariif ka damacsan yahay Abaanduulahan labo aliflaha ahaan jiray oo ka soo jeeda Beesha **** ayaa ah mid siyaasad ku jirta, iyadoona Shariifku markan doonayo inuu cayaaro door siyaasadeed fur furan oo uu ugu gol leeyahay in Isbaheysigiisu awood ku yeesho gudaha Soomaaliya. Goobaanle ayaa la sheegay inuu dhowaan ka soo laabtay Dalka Sacuudiga Carabiya oo uu ku soo Xajiyay, waxaana la filayaa in dhowaan la wareego marka loo magacaabo Hogaanka Ciidamada Isbaheysiga Dib u xoreynta ee haatan lagu qorayo Waqooyiga Muqdisho. Lama oga sida qorshahan sida ay saameyn ugu yeelan karto Mr Indha Cadde oo ah Xoghayaha Gaashaandhiga Isbaheysiga Dib u xoreynta, inkastoo uu taabacsan yahay garabka Asmara ee uu hogaamiyo Sheekh Xasan Dahir Aweys, waxaana Abaanduulahan cusub ee loo magacaabayo Isbaheysiga Dib u xoreynta Garabka Jabuuti Goobaanle ay yihiin nin ay beel wadaag yihiin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted January 2, 2009 What! Goobaanle, the former warlord that terrorised Marka, lower Shabelle as far as Kismaayo, Indha'ade's cousin and partners in crimal activities of the south, now appointed as the head of the ARS. Bwahhahah This is the kind of mistakes I was warning the good Shariif not to take. It seems lessons have not been learnt from past wrong-routes, formerly it was Indha'ade as the defense minister and boss of the UIC militia, now his partner Goobaanle as the ARS military head, one will find hard to distinguish past from present events. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted January 2, 2009 Sheikh Shariif is truly a cow Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 2, 2009 waxa la yidhi.com Quote Share this post Link to post Share on other sites