Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Garowe International Airport opened today by President Farole Cosob Air lands today

Recommended Posts

First plane to land was WFP plane that was taking back the International Airport Certifier of the ICAO (International Civil Aviation Organisation).

 

The first official plane carrying passengers and luggage were Cosob Air, which today landed at Garowe International Airport.

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Maanta Xariga ka jaray Garoonka cusub ee Caasimadda Dowladda Puntland

 

 

Waxaa maanta furitaankii Garoonka Cusub ee Caasimadda Dowladda Puntland ka soo qaybgalay, xarigana ka jaray Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud,wasiiro,xildhibaano,agaasimayaal,Saraakiil sare sare,qunsuliyada Itoobiya,Guddiggii abaabulka,shirkadaii qandaraaska ku qaadatay Garoonka Diyaardaha wasaaradda Duulista Hawada Madaxdeeda kala duwan sidoo kale waxaa isna maanta joogay Engkii xaqiijiyey in yahay Garoon ay ku soo degi karaan Diyaaradaha noocyadeeda kala duwan.

 

 

Hadaba maanta markii uu madaxweynuhu si toos ah Garoonka xariga uga jaray ayaa waxa soo fariisatay diyaaraddii ugu horraysay oo ay leedaha Hay;adda WFP.

 

 

Hadaba furitaankii ka dibna waxaa halkaasi hadalo ka soo jeediyey xubin ka mid ah guddigii qabanqaabada Garoonka ayaa ka soo sheekeeyey xaaladda uu soo maray Garoonka isagoo tibaaxay in Madaxweynaha Dowladda Puntland uu ahaa qofkii ugu horreeyey ee bilaabay garoonka markaasi oo uu Madaxweynuhu ahaa Wasiirka Maaliyadda,sidoo kale waxa uu sheegay in intii hore ay la soo gudboonaadeen ka guddi ahaan caqabado badan,laakiin intii ay Dowladan cusubi ay maamulka la wareegtay ay wax badan noo suurta gashay,waana ilaahay mahadii haddii uu maanta uu soo gaadhay halkan.

 

Sidoo kale furitaankii Garoonka waxa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Axmed Karaash oo isna ka hadlay sida ay ugu suurta gashay in uu Garoonka Caasimadda Puntland ee Garowe uu maanta si rasmi ah loo furay ayaa sheegay in uu Madaxweynuhu uu halgan dheer u galay in uu meel kasta kaga waramo xaaladaha Garoomada Puntland iyo Dekadahaba,wuxuuna wasiirku si gaar ah u ammaanay Eng u suurta geliyey in uu Garoonkani noqda mid anfac leh isagoo mar kasta noo imanayey markaanu ka codsano maantana labo maalin ka hor ayuu noo yimid si uu goob joog u ahaado garoonka Furitaankiisa.

 

Guntii iyo gabagabadii xafladii furitaanka Garoonka Cusub ee Garoowe International Airport ayaa waxa hadalo ku saabsan horumarinta arrimaha Bulshada ka hadlay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud isagoo ka soo sheekeeyey ama ka warbixiyey waxyaabaha ay Dowladda ku tala jirto in ay horumariyaan ay yihiin Garoomadda Puntland Dekedaha Puntland iyo wadooyinka oo intuba ah horumarinta arrimaha Bulshada oo uu Madaxweynuhu xusay in uu shirkii Istanbuul ee Dalka Turkiga uu kaga hadlay sidii dibu dhis loogu samayn lahaa Dekadaha iyo Garoomada Puntland.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa u mahad celiyey sarkaalka ka tirsan Hay'ada ICAO(International civil Avaition Organisation) oo ahaa qofkii ugu horreeyey ee isagu geeyey in ay halkani tahay meesha ugu haboon ee garoonka laga dhiso,waxaana iyana halkaasi uu Madaxweynuhu ugu mahad celiyey Shirkada Mubaarik Company oo iyadu fulisay dhisida Garoonka gaar ahaan Eng Cabdiqaadir.

Garoonkan ayaa magaalada Garowe waxa uu u jiraa 12Km.

 

Sidoo kale waxaa garoonka Furitaankiisa ka dib soo fariisatay Diyaaradii labaad oo sida Rakaab ay leedaha shirkadda Cosob Airline,Garoonkan maanta uu Madaxweynuhu xariga ka jaray ayaa waxa uu durba bilaabay hawshiisii rasmiga ahayd iyadoo ay weli u dhiman yihiin waxyaabo badan oo dhinaca qurxinta ah gaar ahaana Terminalka taasi oo uu Madaxweynuhuna sheegay in dhowaan si dhakhsa ah loo dhamaystiri doono iyadoo ay muhiimaddu tahay Runwayga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoonka cusub ee magalada Garowe oo la furey

 

17 Aug 17, 2010 - 3:00:46 AM

 

diyaarada12_1.jpg

Diyaardii ugu horeeyey ee kasoo dagta garoonka cusub ee Garowe

 

Waxaa maanta 17.08.2010 xariga laga jarey Garoonka cusub ee magaalada madaxda Garowe iyadoo xafladaas ku sugnaayeen Madaxweynaha Puntland, xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo marti sharaf kale.

 

Waxaa xarig jarka sameeyey Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Farole iyadoo halkaas uu ku sugnaa sarkaal sare oo ka tirsan hay'ada ICAO [ International civil Avaition organisation].

 

farole__echoea.jpg

Madaxweynaha Puntland iyo sarkaal ka tirsan hay'ada duulista caalamiga ah

 

Sarkaalkan aya waxaa uu xafladaan ku bixiyey shahaado caalami ah [ Certificate] taasoo ka dhigeysa in Garoonka ay ku soo dagi karaan diyaaradaha islamarkaana loo dhameystirey dhamaan shuridihii laga rabey.

 

Wasiirka duulimaadka iyo Garoomada Axmad Karaash oo khudbad kooban halkaas ka akhriyey ayaa sheegey in Garoonkaan la dhisayey muddo 7 sano iyadoo uu soo marey heerar kala duwan ayna ka qaybqaateen dhisamhiisa iskaashi dowladda iyo dadweynaha [ Public Private Partnership] iyo sarkaal ka tirsan hay'adda ICAO Eng. Artimon

 

Farole_2.jpg

Wasiirka duulista iyo garoomada Puntland axmad karaash

 

Mudd. Karaash ayaa sheegey in garoonkaan uu dhismey iyadoo wax tageera ah shacabka Puntland ka helin beesha caalamka isagoo yiri wixii maanta laga bilaabo waa in ay lacag ka baxshaan isticmaalkiisa [users Pay].

 

Wasiirka dulimaadka ayaa sheegey in dhismaha Garoonkaan uu bilowlgiisa lahaa Mud. Cabdiraxman Farole iyo fikirkiisa maanta uu nasiib u yeeshey inuu furo isagoo Madaxweyne ah.

 

Madaxweynaha__Wasiirka___marti_kale.jpg

Madaxweynaha Puntland, wasiirka duulista iyo madaxa shirkada mubaarak

 

Madaxweynaha Puntland oo ka hadley munaasabadaan ayaa ka sheekeeyey heerka uu soo marey dhismaha Garoonkaan iyadoo uu sheegey in dhib badan laga soo marey hirgalintiisa balse taasi tusaale u tahay in wax walba oo lagu dadaalo sidaas u dhamaan karaan.

 

 

Dhinaca kale waxaa goobtaas loogu mahad celeiyey celiyey shirkada Mubaarak oo fulisay dhismaha garoonkaan iyo madaxeeda Eng.Cabdulqaadir.

 

diyaarada_oo_dagtey.jpg

 

Ugu dambeyntii Garoonka cusub ee Garowe ayaa waxaa kasoo dagey diyaaradii ugu horeysay iyadoo halkaas ka qaadey madaxii hay'ada ICAO.

 

Garoonka Garowe oo ku yaala meel magaalada u jirta 12 KM ayaa waxaa la dhisayey wajigiisa koowaad muddo 7 sano ah iyadoo lagu dadaaley in dhismahiisu raaco shuruucda hay'adda dulimaadka aduunka ICAO.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garowe interantional Airport Oo Maanta Xariga Laga Jaray.

 

Posted by Ali on August 17th, 2010

 

Diyaarada-300x2061.jpg

 

Garowe(Puntlandi.com);-Madaxwaynaha Dawlada Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maanta xariga ka jaray Garoonka Garowe interantional Airport oo badalaya Kanoco Airport.

 

Garowe interantional Airport ayaa dhismahiisa mudo dheer ka socday duleedka magaalada Garowe ee casimada Puntland waxaana maanta lagu guulaystay in la soogabagabeeyo.

 

Xaflada Furitaanka Garoonka waxaa ka qaybgalay madaxwaynaha Dawlada Golaha wasiirada Golaha wakiilada Saraakiisha Ciidamada Wasfuud ka socotay Caalamka iyo Marti sharafkale.

 

Madaxwayne Faroole ayaa khudbad dheer ka dhagaystay gudigii dhismaha Garoonka Garowe interantional Airport waxaana ay uga warameen marxaladihii ay soo mareen.

 

Madaxwayanaha ayaa intaa kadib mahad u celiyay Gudiga Dhismaha Garoonka iyo martidii kale waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in si nabada ku soo gabagaboobo dhismaha Garoonka.

 

Madaxwaynaha ayaa sheegay in dhismaha Garoonka uu kamidahaa arimihii ay uga warbixiyeen shirkii Satanbuul taa oo laga balan qaaday in laga caawin doono dhismaha laba garoon iyo Dekeda Boosaaso.

 

Faroole ayaa shacabka reer Puntland Wadamada Caalamka Jaaliya Jaaliyada dibada ugu baaqay in ay ka qaybqaataan dhismaha Garoonka.

 

Gabagabadii Xaflada Furitaanka Garoonka waxaa si tijaabaa ugu soo caga dhigatay Diyaarad Nooca rakaabkaa waxaana isla goobta ka duulay Eng Fuliyay dhismaha garoonka iyo rakaab kale.

 

Ali Ahmed Abdi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe International Airport Oo La Furey

 

August 17, 20104

 

7213456.jpg

 

Waxaa maanta xariga laga jarey garoon cusub oo muddooyinkii la soo dhaafey laga dhisaayey magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, garoonka ayaa waxaa xariga ka jaray Madaxweynaha Puntland.

 

Furitaanka garoonka ayaa waxaa kasoo qaybgalay dad kala duwan,waxaana kusoo degtay diyaaradii ugu horeysay isla markaasna ka duushay taas oo ay iska leedahay Qaramada Midoobay gaar ahaan Hay’ada WFP.

 

Eng.Cabdulqaadir Ciise Xaaji Cumar oo ah Injineerkii fulinaayay dhismaha garoonkaan kana tirsan Shirkada Mubaarak ayaa sheegay in mudo afar sano ah lasoo waday dhismaha garoonkaan oo ku taalla duleedka magaaladda Garoowe isla markaasna u jirta qiyaastii 11-kilometre.

 

Wuxuu intaas ku daray in si wadajir ah u maalgeliyeen Jaaliyadaha dibadda iyo shacabka ku sugan gudaha Puntland,isagoo xusay in waxyar uga dhiman yahay dhamaystirka garoonka sida wadada ay diyaarada kusoo degto oo laami laga dhigo.

 

Ugu danbeyntii wuxuu sheegay in garoonka maanta ka dib la isticmaali karo ayna diyaaradaha ka duuli karaan kana soo degi karaan.

 

Garoonka diyaaradaha ee Garowe Internatioanl Airport ayaa la bilaabey xiligii dawladdii Cadde Muuse, waxaana dhismihiisu qaatey muddo gaareysa 4 sano.

 

Maxamed Siciid Yuusuf

 

Wakiilka Horseed Media

 

Garoowe,Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe:Madaxweynaha Puntland oo xariga kajaray Garoonka cusub ee Garoowe.

 

17. august 2010

 

Garoowe:(Allpuntland)-Madaxweynaha dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee magaalada garoowe oo ah mid cusub islamarkaasna uu dhisme ku socday 7-dii sano ee lasoo dhaafay ayna isku badaleen Puntland ilaa Sadex Madaxweyne oo soo qabtay Xilka Madaxtinimo ee Puntland.

 

Furitaankii maanta ee Garoonka Caalamiga ah ee Garoowe ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha dawlada Puntland,Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska dawlada,Wasiiro,Wasiiro xigeeno & Madax kasocotay Hay’ada Caalamiga ah ee Arimaha Bulshada ee International civil Avaition organization (ICAO), gaar ahaan Saraakiil kasocday Waaxdeeda Duulista.

 

 

Wasiirka Duulista hawada & Garoomada ee dawlada Puntland Axmed Cilmi Cismaan(Karaash) ayaa si qoto dheer uga warbixiyey Garoonka & Marxaladihii kaladuwanaa ee uu soo maray,Waxaana uu sheegey in uu kamid yahay waxqabadyada shacabka reer Puntland ay gaareen,isagoo intaas kudaray in Madaxweynayaashii kaladuwanaa ee Puntland soo maray ay iyana iyana qeybtooda ka qaateen,Sidoo kale Wasiirku Wuxuu sheegey in madaxweynaha Puntland uu ahaa Maskaxdii kadanbaysay in Garoonkan lasameeyo.

 

Madaxweynaha dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr,Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) oo si toos ah Maanta garoonka Garoowe xariga uga jaray ayaa sheegey in garoonkan uu soo maray Marxalado kaladuwan,waxaana uu intaas ku daray in dawlada Puntland ay Garoonkan iyadu maalgashatay iyadoo shacabkeeda kaashanaysa,isagoo Bulshada caalamka ugu baaqay inay isticmaali karaan garoonka.

 

Saraakiil caalami ah oo goobjoog ka ahayd Furitaankii garoonka maanta ayaa si toos ah u sheegtay in garoonkan uu noqday mid kusoo biiray Garoomada Soomaaliya & Caalamka,waxaana ay Saraakiishani oo qaarkood ay kasocdeen hay’ada Duulista Caalamiga ah ay Caalamka u sheegeen inuu Garoonkani buuxiyey shuruudihii looga baahnaa inuu noqdo Garoon ay Bulshada Caalamku aqoonsantahay,Waxaana maanta si toos ah halkaas uga duushay midkamid ah Diyaaradaha usoo degta Hay’adaha Caalamiga ah.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe Internatioanl Airport oo maanta si rasmi ah looga furay magaalada Garoowe

 

Posted to the Web Aug 17, 16:55

 

Garoowe:-Waxaa maanta xariga laga jarey garoon cusub oo lagu magacaabo Garoowe Internatioanl Airport oo in mudo ah uu dhismihiisa uu ka socday magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntlland.

 

Garoonka cusub ee magaalada Garoowe laga furay ayaa waxaa maanta xariga ka jaray madaxweynaha dowladda Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole waxaa kale oo xafladii furitaanka ka soo qayb galay gudoomiyaha gudiga loo xil saaray in ay dhisaan garoonkaan Cabdi Xaaji Yuusuf Shuluco, Madaxa Shirkada Mubaark oo ah shirkada dhistay Airporka madaxna uu u yahay Eng. C/lqaadir Ciise Xaaji Cumar iyo masuuliyiin ka tirsan Hay,adda ICAO.

 

 

Garoonka cusub ee laga furay magaalad Garoowe ayaa waxaa uu magaalada u jiraa qiyaastii ilaa 11 KM waxaan qorshaha dhismihiisa uu socday mudo dhowr sano ah, markii Garoonka la furay ayaa waxaa ka soo degtay diyaaradii ugu horeysay oo laga leeyahay Qaramada Midoobay gaar ahaan Hay,adda WFP.

 

 

Garoonka diyaaradaha ee Garoowe Internatioanl Airport ayaa waxaa dhismihiisa la bilaabay xiligii uu dowlada Puntlland Madaxweyne ka ahaa Gen. Cadde Muuse Xirsi, Garoonkaan cusub ayaa waxaa ka maqan in laami la saaro iyo in la dhiso xafiisyadii kala duwaan ee adeega u ahaa Garoowe Internatioanl Airport.

 

M_M_Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland oo Xariga ka jaray Garoon diyaaradeed ay yeelato caasimada.

 

2_116.jpg

 

Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta xariga ka jaray Garoon Diyaaradeed oo heer caalami ah oo ay yeelato Caasimada Puntland ee Garoowe, tan iyo markii la boobay Garoonki hore ee Garowe burburkii dowladii dhexe ee Somaliya kadib .

 

Munaasabad balaaran oo lagu qabtay Garoowe International Airport oo si aada loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxda dowlada Puntland oo uu hor kacayey madaxwaynaha Puntland Wasiiro ay ka mid ahayeen wasirka Duulista hawada Puntland iyo wasiiro kale,

 

Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Gudigii dhisayey Garoonka iyo Shirkada Ecowa oo qayb ka qaadatay dhismaha garoonka,

 

Inta badan qudbado aad u dhaadheer lagama soo jeedin waxaase sharaxaad ka bixiyey Garoonka cudub Mid ka mida Gudigii loo xilsaaray dhismaha Garoonka Cabdi xaaji shuluco oo sheegay garoonku la soo wady mudo dheer balse hada waxaa la dhameeyay ay tahay wajigii koowaad oo ay diyaaraduhuu isticmaali karaan, loona bahan yahay in laga wada qayb qaato dhismaha garoonka

 

Wasirka Duulista Hawada Axmed Cilmi Cismaan Axmed Garaash oo isna hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in dowlada hada jirta oo uu madaxwaynaha ka yahay C/raxmaan Faroole ay tahay garonkii ugu horayey ee xariga laga jaray iyadoo kuwa kalena uu hada ku socdo dib habanyn balaaran

 

Ugu danbayntii ayaa madaxwaynaha puntland C/raxmaan maxamed faroole inta uusan xariga ka jarin garoonka isla markaasna aysan ku soo dagin yiaradii ugu horaysay kana dulin ayuu waxaa uu ka sheekeyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray garoonku iyo cidii ka qayb qadanaysay.

 

Madaxwyanhu waxaa uu sheegay oo kale in u qayb ka yahay garoonkaani dhamaystirkiisu shirkii turkiga oo la balan qaaday in laga caawiyo dhamaystirada Labada garoon ee Bosaso iyo Garowe .

 

C/naasir Yaasin Salaad

SBC International- Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garowe International Airport Innaugurated

 

Garowe(17th-August-2010): His Excellency, President Abdirahman Mahamed Mahamud (Farole), the President of Puntland State, cut the tape to officially open a new airport at Garowe,the administrative capital of Puntland.

 

The new airport is located some 12 Kms from the heart of Garowe city. The first phase was completed after seven years of hardwork through a public private partnership.

 

The innauguration ceremony was attended by members of the Puntland cabinet, authorities from the local government and invited guests.

 

Also present at the ceremony was a high ranking official from the International Civil Aviation Authority (ICAO).

 

Speaking at the innauguration ceremony, the Minister for Civil Aviation and Airports, H.E Mr. Ahmed Karaash spoke briefly on the efforts that gave fruit to the Airport. He attributed the success of the airport project to years of tireless efforts put in by a public/private partnership.

 

The Minister said that the Airport project was the brainchild of President Abdirahman Mahamud, who was back then the Minister of Finance. He added that it was a sign of goodluck for the President to bear witness and cut the tape to officially innaugurate the fruits of his innovation.

 

Speaking on immediate operational procedures, the Ministers revealed that the airport users will be charged a fee. Justifying the collection of user fees, the Minister said that the fees will contribute to the sustainability of the airport.

 

The President of Puntland , H.E Dr. Abdirahman Mahamed Mahamud, said that the construction of the airport took a long period of time and was a journey filled with challenges and constraints. The President told the gathering that the success of the airport project was a good example of the outcome of hardwork.

 

Appreciations were expressed to a local construction firm, Mubarak construction company, for their technical contribution to the construction of the airport.

 

The end of the ceremony was marked by the touchdown of the first plane to land at the airport. The plane took off from Garowe Airport-which meets the required international standards set by ICAO-with the ICAO representative.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^It has been a long time coming. Inshaallaah the run way needs to have tarmac and a terminal is needed but all those things will be done as the biggest challenge was to built an airport that is ICAO certified and make the airstrip/airport operational.

 

It means people who use the airport have to pay for it when coming to Garowe International Airport as it is a per head user charging airport.

 

The capital deserved it. I commend also the diaspora who worked hard on this project and are now reaping hopefully the fruits of this sacrifice of theirs both material, labour and their wealth.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this