Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Amxaar Hotel plea for Ethiopian troops finds support

Recommended Posts

Dowladda Itoobiya oo ka jawaabtay codsigii Dowladda Soomaaliya, sheegtayna in go'aan caalami ah ku soo galeyso

 

Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in go'aan caalami ah ay ku soo galeyso Soomaaliya, xilli ay soo baxayaan in Ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah ka soo gudbeen xuduudahooda.

 

Afhayeenka Dowladda Itoobiya Bereket Simon ayaa warbaahinta u sheegay in hadii xaalad Qatar ah ay arkaan inay diyaar u yihiin inay difaacaan Dowladda sharciga ah ee Soomaaliya,laakiin waxaa uu ku mar marsiyooday in aanay soomaaliya tagi karin ilaa Caalamka go'aan ka soo saarin.

 

"Waan eegeynaa xaalada, Qatar walbana waxaa diyaar u nahay inaan ka hortagno"ayuu yiri Bereket Simon oo intaa ku daray in hadii dalab uga yimaado beesha caalamka ay gudaha u galayaan dalka.

 

Shalay ayay aheyd markii Dowladda KMG u dirsaday Beesha Caalamka baaq caalami ah,kaas oo ah in gurmad deg deg ah lala soo gaaro,iyadoo dalbadatay ciidamo shisheeye oo dowladaha deriska ah.

 

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ethiopia oo ka jawaabtay dalabkii ciidan ee Somalia

21 Jun 21, 2009 - 7:53:18 AM

 

Dowlada Ethiopia ayaa si dhaqso badan uga jawaabtay dalabkii ciidan ee DF, kaasoo ahaa in 24-saac ciidamo lagu geeyo Somalia si loo jabiyo awooda mucaaradka dagaalka kula jira, waxayna Ethiopia muujisay inay diyaar u tahay faragelin ay ku sameyso Somalia.

 

Wasiirka Warfaafinta xukuumada Addis Ababa ahna afhayeena dowlada Bereket Simon ayaa saxaafada u sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu farageliyo Somalia, haddii ay gacan ka helaan dalalka Caalamka.

 

"Ethiopia waxay diyaar u tahay inay faragelin kale ku sameyso Somalia, balse waa in marka hore la helo go'aan cad oo ay beesha calaamku isku raacsan tahay, kaasoo ah in la taageero dowlada Sh. Shariif" ayuu yiri Simon.

 

Bereket wuxuu sheegay in dalabka dowlada Somalia uu yahay kii ugu haboonaan si looga difaaco kooxaha dagaalka kula jira, tanina waxay keenaysaa buu yiri in la jabiyo kooxaha dagaalka ku haya.

 

Isagoo ka jawaabayay digniin ay bixisay kooxda Al-shabaab oo ah in ciidamo walba oo la geeyo Somalia ay la dagaalamayso, ayaa sheegay in Al-shabaab ay Somalia geysay ajnabi dayro ah, kuwaasoo ay ku doonayso inay ku afgambiso dowlada sharciga ah.

 

"Ethiopia waxay rumeysan tahay in la taageero dowlada Somalia, waxaana doonaynaa in talaabo walba oo aan qaadnayno uu caalamku ka warhayo, balse inaga kaligeen ma qaadanayno talaabo gaar ah" ayuu yiri Simon.

 

Afhayeenka Ethiopia, wuxuu sheegay in dalkiisa uusan go'aan cad ku gaarin inuu xiligan ciidamo u diro Somalia, balse ay raacayso go'aanada calaamka, ayna kuwasoo sugayso oo isla markaana fulin doonto.

 

"Baaqan waa mid ku wajahan caalamka, inaguna horay ayaan kaalin muhiim ah uga qaadanay taageerada Somalida, faragelinteenii hore waxaan ka gaarnay ujeedadii aan ka lahayn" ayuu yiri Simon.

 

Hadalka afhayeenka dowlada Ethiopia ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidamadoodu ay soo buuxiyeen deegaanada ku yaala xadka Somalia iyo Ethiopia, kuwaasoo qaarkood u soo gudbay Hiiraan iyo Galguduud.

 

Ethiopia ayaa noqonaysa dowladii ugu horeysay oo ka jawaabta codsiga xukuumada Somalia oo qarka u saaran in talada laga tuuro, maadaama ay kooxaha ka horjeeda xoojiyeen dagaalada ay kula jiraan.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^The Ethiopians are coming back, now with Kenya and there will be no room for Xasan Turki and his delusions.

 

All you ever was were pawns in their game. Yusuf used Ethiopia and then left. The rest are shopping in the wrong malls.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool. The clueless secessionist, adeer you dont have a clue. Also your Riiyaale is a man who ran as an MP for the Ethiopian Parliment a real Amxaar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool. you are indeed clueless. Those people were right, correct and the Sharif Amhaar Hotel was fighting them. Thats the subject of the post dear lad. Catch up son.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this