Sign in to follow this  
General Duke

US scathing attack on Eritrea further isolates the day dreamers

Recommended Posts

Addis Ababa: Jandayi Frazer: “Erateriya waxay shirka ku casuuntay Argagixiso sida Xasan Xasan Aweys waxayna hub u dirtay kooxda al-shabaab ee Aadan Ceyrow”

9. September 2007

 

Addis Ababa(AllPuntland)- Haweeneyda kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka ee arrimaha Africa Jendayi Frazer ayaa ku eedeysay dalka Erateriya in ay gabaaad siisay kooxo argagixiso caalami ah oo ku jira liiska dadka lagu tiriyo iney xiriir la leeyihiin ururka Al-Qaacida.

 

“Qaraarkii ay isku raaceen Q/Midoobay oo tirsigiisu ahaa 13224 iyo dowladda Mareykanka halka golaha amaankuna uu ku ansixiyay qodobka 1267 kaasoo Xasan Daahir la xiriirinayo argagixiso caalami ah iyo kooxda Al-Shabaab iney yihiin xubno xiriir dhow la leh Argagixisada caalamiga, ayey dowladda Erateriya u suura gelisay shirka Asmara inuu soo fariisto xubin ka tirsan argagixisada la baadi goobayo ee Xasan Daahir Aweyse, taasoo muujineysa cadeyn buuxdana u tahay in Erateriya ay gacan siisa Argagixisada” ayey tiri Mrs. Frazer.

 

Sidoo kale Mrs. Frazer waxay ku eedeysay dowladda Erateriya in hub iyo saanad milateri siisay kooxda Al-Shabaab ee Muqdisho ka dagaalama oo uu hoggaamiyo Aadan Xaashi Ceyrow oo ay sheegtay inuu tababar ku soo qaatay dalka Afghanista,.

 

Mrs. Frazer waxay tilmaamtay in shirka Asmara lagu carqaladeynayo shirkii dib u heshiisiinta iyo dowladda Federaalka, iyadoo tilmaamay in caalamkuna uu dadaal ugu jiro sidii mira dhal u noqon lahaa go’aanadii shirweynihii dib u heshiisiinta ee Muqdisho ka dhacay.

 

Waxay kaloo intaa raacisay Jandayi Frazer in dowladda Mareykanka ay u taagan tahay sidii lo taageeri lahaa dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya taasoo wax badan ka qaban doonto xaalada dalka uu iminka ku sugan yahay, iyadoo sheegtay in dhawaan shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya uu ka furmi doono dalka Talyaaniga, ayna ka qeybgeli doonto shirkaasi ay soo qaban qaabiyeen kooxda xiriirka caalamiga.

 

Gabagabadii Mrs. Frazer waxay sheegtay in Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia ay kala hadashay sidii loo dhowri lahaa xaquuqda aadanaha iyadoo beenisay in ciidamada Ethiopia ay gabood fal ka geysteen gudaha dalka Soomaaliya waxayna difaacday in xadgudubyo ay u geysteen ciidamada Ethiopia dad rayid ah.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jendayi Frazer Oo Ku Eedeeysay Xukuumada Asmara In Ay Hoysiiso Argagixisada Caalamiga Ah..

Posted to the MOL September 9, 2007, 1:04 pm

 

Dowlada Mareykanka ayaa ku eedeeysay dowlada Erateria in ay kaalmeyso waxa ay loogu yeeray argagixisada ayna wiiqeyso nabadda Soomaaliya . Kaaliyaha xog hayaha arimaha dibada Mareykanka Jendayi Frazer ayaa tilmaantay in Asmara hoy siiso argagixisada taasina loo cuskanayo talaabada dalkeeda uu ku joogo Xasan Daahir Aweys oo dagaal culus la galay dawlada KMG ah ee Somaliya.

 

Waxa ayna arintaani ka sheegtay dalka Itoobiya oo ay kula kulantay Ra`isul wasaaraha dalkasi Mr Zanwi oo ay ka wada hadleen sidii loo dar dargilin lahaa ciidamadii horay loogu yaboohay Soomaaliya.

 

Waxaa ay sheegtay in sir badan ay hayaan maraykanku kaasoo ku aadan in xukuumada asmara ay gacan buuxda siiso argagixisada caalamiga ah.

 

Hadalkaan ka soo baxay dowladda maraykanka ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili xukuumada asmara ay marti galisay shir ka dhan ah dowladda fadaraalka soomaaliya,iyadoo shirkaasina uu soconayo maalintii 4-aad.

 

 

Cismaan Xasan Cali(Fantastic)

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this