Sign in to follow this  
ansaar17

Fahfaahin dheeraad ah oo ku aadan dagaal maanta ka dhacay Guriceel

Recommended Posts

ansaar17   

Guriceel 05, Feb.07 ( Sh.M.Network) 2 ruux ayaa ku dhimatay 7 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray inta la og yahay dagaal maanta deegaanka Guriceel ee gobolka G/gaduud ku dhex maray dadka deegaanka iyo ciidamo ka soo jeeda Puntland oo ka tagay Muqdisho.

 

Dagaalkaan oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Guriceel, iyadoo wali aan la ogeyn qasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi, waxaana dagaalkaasi uu ku sii siqay dhinaca koonfureed ee magaaladaasi.

 

Labada ruux ee geeriyootay ayaa sida la sheegay waxa ay ahaayeen ciidamadii dowlada ee ka soo jeeday Puntland halka Dadka ku dhaawacmay dagaalkaan oo u badan rayid la geeyay Isbitalka Starliin ee magaalada Guriceel halkaasi oo lagu daweynayo

 

Dagaalkaan ayaa inta uusan dhicin ka hor waxaa ciidamada Puntland oo watay gawaari dagaal ay isi soo rasaaseeyeen ciidamo jooga afaafka hore ee degmada Matabaan, iyadoo markii ciidamada Puntland ay soo dhaafeen ay hadana isku dhaceen ciidamo deegaanka ah oo jooga magaalada Guriceel.

 

Labada dhinaca ee dagaalamay ayaa iskala baxay magaalada Guriceel, iyagoo u baxay meel koonfur kaga beegan halkaasi.

 

Ciidamada dowladda Somalia ee ka soo jeeda Puntland ayaa waxa ay u weecdeen dhinaca deegaanka Balanballse, ka dib markii iska caabin xoogan ay kala kulmeen dhanka wadad laamiga ah.

 

Waa markii ugu horeysay oo ciidamada Puntland iyo kuwa deegaanka ay ku dagaalamaan deegaanka Guriceel.

 

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda KMG ah oo ku aadan isku dhacaasi.

 

 

C/kariim Bulxan

 

Shabelle Media Network G/gaduud

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Kamalu Diin:

No other news source sited such info where those journalists are reporting from? If I guess - Matabaan.

From AllPuntland to Allwadani, it is being reported. ;)

 

This in my opinion is adding to resentment and a need for revenge.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^So this is proof, you must be having nightmares saxib.

 

Guriceel: Ciidamada dawladda iyo dhallinyaro hubaysan oo tacshiirad ku dhex martay duleedka Guriceel

Isniin, February 05, 2007

 

 

Guriceel(AllPuntland)-Wararka goor dhow aannu ka helayno degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in halkaasi tacshiirad ay ku dhex martay ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kooxo hubaysan.

 

Saxafi kusugan magaalada C/waaq oo lagu magacaabo Bulxan oo u waramayay AllPuntland ayaa sheegay in kolonyo ka mid ah ciidanka dawladda federaalka oo ka yimid Muqdisho, kuna sii jeeday gobollada dhexe ee dalka ay tacshiirad deg deg ah kala kulmeen kooxo hubaysan.

 

Ciidanka Federaalka ayaan tacshiiradaasi jawaab wayn ka bixin, waxayna dib ugu gurteen koonfurta magaalada Guriceel, ayadoo la sheegay inay shacabka ka ilaaliyeen inay ku dhex dagaallamaan.

 

Koonfurta Guriceel ayaa waxaa iska hor imaad waqti gaaban socday uu dhex maray kooxaha soo weerarary ciidanka dawladda ,ayadoo la sheegay in cagta la mariyay qaar kamid ah raggii tacshiiradda furayna la qab qabtay.

 

Xaaladda degmada Guriceel ayaa ah mid aad u deggen kadib markii ay ciidanku ku guulaysteen weerarkii gaadmada ahaa ee lagu soo qaaday.

 

Ciidamada federaalka ayaa la sheegay in qayb kamid ah ay socdaalkoodii gobollada dhexe sii wateen , halka qaarna ay ku biireen ciidamo halkaasi horay ugu sugnaa.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
ansaar17   

lol you believe that crap.

 

2 parliament members have been captured and third unknownleader is also in the hands of the militias.

 

"ayado la sheegay" saxiib wax la sheegay war ma aha ee waa wax lasheegay.

 

 

go read the facts isntead of wasting your time with propaganda.

 

visit gedonet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Like they captured the 11 American soldiers and like IndaCade was about to capture Baidoa in seven days. You are indeed a joke saxib.. Facts from where, over emotional Yusuf Garad and Shabbele radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ansaar17   

first, i didnt say anything about capturing baidoa as i recently joined this forum,

 

second, there is no neutral media according to you since anything you don't agree with you label it propaganda.

 

Finally, what allpuntland wrote was on the basis of what someone said and not even being specific whom they contacted.

 

Koonfurta Guriceel ayaa waxaa iska hor imaad waqti gaaban socday uu dhex maray kooxaha soo weerarary ciidanka dawladda , ayadoo la sheegay in cagta la mariyay qaar kamid ah raggii tacshiiradda furayna la qab qabtay.

 

this is no fact but heresay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^No its not you, but the clan courts, their leaders and cheerleaders who make all sorts of claims as the ones you just made, the truth is this was a small incident, which the same Qadsiye.com bull will catch on to as some amazing victory, which it is not...

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

Dagaalkaan, ayaa waxaa la sheegay in u ka dhashay markii ciidamada Punt-land ee la sheegay in ay ka mid yihiin ciidanka dowladda federaalka ay rasaaseeyeen dadka deegaanka Matabaan, taasoo keentay in dadka deegaanka Gurceel ay isku diyaariyaan ciidankii soo xabadeeyey deegaanka Matabaan.

 

2 askari ayaa geeriyootay markii tacshiirad culus lagu furay ciidanka Punt-land oo marayey bartamaha magaalada Gurceel, waxayna taasi keentay in iyagoo baxsanayaa ay u cararaan dhinaca degmada Ballan-balle.

 

Dad ku sugan degmada Gurceel oo aan la xariirnay, ayaa noo xaqiijiyey in inta badan dadka dhaawacmay ay ahaayeen dad rayid ah oo ku noolaa magaalada Gurceel.

 

Dagaalkaan qaraar, ayaa la sheegay in ciidankii uu dhexaray ay isla aadeen dhinaca Ballan-bale, inkastoo wararkii ugu dambeeyey ay xaqiijinayaan in rasastii ay joogsatay markii ciidanka Punt-land ay gaareen Ballan-bale

 

Ciidamda Punt-land, ayaa ka ambabaxay dhinaca magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda dhinaca Punt-land.

 

Punt-land ayaa ciidamo gaaraya 2 kun u soo dirtay dhinaca gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, si ay ula shaqeeyaan M/weyne C/laahi Yuusuf.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this