Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Maamulka Puntland iyo Maxkamada Badbaada oo si kulul isku eedeeyay

Recommended Posts

Maamulka Puntland iyo Maxkamada Badbaada oo si kulul isku eedeeyay

 

Galkacyo 01, Nov.06 ( Sh.M.Network) Maamul goboleedka Puntland ayaa ku hanjabay in talaabo adag uu ka qaadayo culuma udiinkii shalay Maxkamad islaami ah kaga dhawaaqay waqooyiga magaalada Galkacyo, iyadoo dhinaca culumada Sheekh u hadlay uu ku tilmaamay maamulka Puntland mid aan waxba ka duwaneyn qabqablayaashii Maxkamadaha ay ka eryeen caasimadda Somalia.

 

Sheekh Madiir Qorane Max'ed oo ka mid ahaa culuma udiinkii shalay magaalada Galkacyo kaga dhawaaqay Maxkamadda ku dhaqanka shareecada islaamka ee badabaado ayaa waxa uu ku eedeeyay wax qabad la'aan maamul goboleedka Puntland, isagoo ku tilmaamay Mas'uuliyiinta maamul goboleedka Puntland kuwo aan waxba ka badal-neyn qabqalayaashii dagaalkii ee Muqdisho ay ka eryeen Maxkamadaha islaamka.

 

Sheekh Mudiir waxa uu xusay, isagoo ku adkeystay in uu joogo meel ka mid ah magaalada Galkacyo in haatan ay doonayaan sidii loo joojin lahaa waxa uu ku tilmaamay dhac hantiyadeed cadaadis, caburin iyo gaal u dulleyn lagu hayo dadka reer Puntland sida uu u yiri Sheekha.

 

Wasiirka Maaliyadda Maamul goboleedka Puntland Max'ed Yuusuf Gaagaab oo isna xalay soo gaaray magaalada Galkacyo ayaa isna waxa uu sheegay in talaabo adag ay ka qaadayaan waxa uu ku tilmaamay wadaado gundo raac ah, isagoo ku gacan seyray furitaanka Maxkamad islaami ah oo shalay lagaga dhawaaqay W/ magaalada Galkacyo, waxaana uu sheegay in arinkaasi ay qalal galineyso dadweynaha sida uu hadalka u dhigaye.

 

Todobaadkii aynu ka soo gudbnay ayay aheyd markii wadaado ka soo jeeda Puntland oo soo gaaray magaalada Muqdisho ay kulamo la yeesheen Maxkamadaha islaamka, iyagoo ka wada hadlay arimo badan sida uu tilmaamay Sheekh C/qani Qorane, iyadoo Madaxweynaha Puntland cadde Muuse uu horey ugu gacan seyray in Maxkamadaha islaamka ay ku soo fidaan deegaanadooda, waxaana maanta lagu wadaa in magaalada Galkacyo oo socdaal uu ku imaanayo cadde Muuse uu kulamo arinkaan ku aadan uu la yeesho odayaasha magaaladaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this