Jacaylbaro Posted August 26, 2008 Berbera,(Qarannews)-Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa maanta ku qaabiley dhoolatus ciidan sanadguuradii sedexaad ee kasoo wareegtay markii Maamulka Ciidanka Xeebaha laga Saaray Ciidamada qaranka ee lagu wareejiyey Wasaarada Daakhilga Somaliland iyadoo laga dhigay Sedex Sano ka hor Police hoosyimaada Wasiirada Daakhiliga Somaliland, Xuskaasi ayaa waxa kasoo qeybgalay Wasiirka Daakhiliga Somaliland Cabdilahi Ismaaciil Cali (ciro) iyo wefti labo xubnod oo ah ka socday Hay’ada UNDP, Badhasabka Maayarka Berbera Cabdale Maxamed Cali iyo Xubnaha Ciidanka ilalada Xeebaha Somaliland oo u hogaaminayo Jananka u sareeya Janan Cismaan Jibriil Xagar. Xuska Sanad Guurada 3'aad Xafladan ayaa looga danlahaa xuska sanadguurada sedexaad ee kasoo wareegta markii ciidamdani hoostageen wasaarada daakhiliga somaliland sida la sheegay socdaalka wasiirku arintaasi ayuu aad ugu jihaysnaa, hadaba Waxa laga bilaabay oo ciidanka warbixino laga dhegeystay Xaruntooda halkaasi oo ay kasoo bandhigeen qaabka badaha somaliland ay ugu hawlagalaan iyo xirfadooda iyadoo kooxo saraakiil ahi ay dejinayeen qorsheyaasha ciidanka bada SL, Labada Xubnood ee ka socday hay’ada UNDP ayaa aad uga mabsuuday sida ay u dhisanyihiin ciidamada bada somaliland, iyagoo sheegay in loo baahanyahay waliba la sii horumariyo, Wasiirka Daakhiliga ayaa warbixin ka dhegeystay madaxda Ciidanka, kadib weftigu waxay socod ku mareen Dhoolatuskii Ciidanka: Ciidanka Xeebaha Somaliland ayaa salaam sharaf si wada jir ah u siiyey komenderkooda iyo Wasiikra Daakhiliga iyo Maayarka Berbera iyo madax kale isla markaana waxay u diyaar garoobeen oo ay bilaabeen dhoolatus ay ka sameeyeen Aaga Xeebta ku xeeran magaalada Berbera halkaasi oo xataa adeegsadeen qoryaha daran dooriga u dhacay iyo gaadiidka dheereeya ee bada kuwaasi oo siweyn loola dhacay dhoolatuskooda sida. Wasiirka Daakhilga Somaliland Cabdilaahi ISmaaciil Cali CIro ayaa la dhacay qaabka ay ugu diyaar garoobeen Xuska sanadguuradooda sedexaad markii loo aqoonsadey Ciidamo hoosyimaada Wasaarada Daakhiliga waxaanu umahad naqay taliska ciidan iyo cutubyada kala duwan ee Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland. Maayarka Berbera Cabdale ayaa isna tilmaamay inay siweyn usameeyeen Dhoolatus loo baahnaa oo ay ku muujiyen xuska sanadguurada sedexaad ah mid taariikhda ugu jirta. Ugudanbeyntii weftigu waxay booqasho ku mareen aagaa raasiga ee ciidamada degenyihiin iyo dhamaan goobaha ku shaqada leh ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites