Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somalilander Killed in Abudwaq

Recommended Posts

hadhwanaag 2007-08-10 (Hadhwanaagnews) Nin u dhashay Somaliland ayaa waxaa maanta lagu dilay Tuulada Duubban oo dhanka Galbeed ka jirta Magaalada Caabudwaaq. Ninkaa Musaafirka ah ayaan ilaa iyo hada la ogayn Sababta loo dilay, laakiin waxaa ay wararku sheegayaan in uu sababsaday isbaaro loo dhigtay Gaari uu watay Gaarigaasoo ka yimid Magaalada Harta shiiq una Rarnaa Magaalada Muqdisho.

 

Dilkaas Bilaa Naxariista ah ayaa waxaa si weeyn u canbaareeyay Ururka u dooda xaquuqda aadamiga oo ka dhisan Magaaldaan Caabudwaaq, Ururkasoo lagu magacaabo Abudwak Human Right Devolement Org. (AHDO.)

 

Gudoomiyaha Ururkaas u dooda xuquuda Aadanaha ayaa si weeyn u cambaareeyay dilaas Nacasnimada ah ee loo gaysanayo dadka aan waxba galabsan. Sidoo kale, waxaa maanta si weyn u canbaareeyay dilkaas Naxariisdarada ah Ururka Dhalinyarada Caabudwaaq (SYO) oo ayaguna ku tilmaamay dilkaas mid aan waafaqsanayn islaanimada

iyo darisnimada ay beelaha Soomaaliyeed ay wada leeyhiin.

 

Sidoo kale, Ururka dhalinyaradu waxaa ay eeda dusha u saareen udayaasha dhaqanka waxaana ay ku sababeeyeen ka hor inta uu san dhicin falkaan dhimashada ahaa ayaa waxaa laga soo digay dhalinyarada qaldan ee wadooyinka dhiganaysa isbaarooyinka ay xadgudubka ugu geeysanayaan shacabka soomaaliyeed ee xili walba qulqulaya wadoooyinka ku teedsan magaaldaan Caabudwaaq oo hada Xudun u ah ganacsiga Gobolada waxqooyi & Gobolada koonfureed.

 

 

wariye:Zaynudiin,

source:Allgedo - Caabudwaaq/Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Caabudwaaq laguma aqoon dilalkani iyo waxaan la mid ah. Kuwa dilkani geyste sida ugu dhaqsiyaha badan waan in lasoo qabto, magaaladaan waa magaalo ku caan baxday so dhawanta martida iyo dadka safarka ahi ee gobolada dhexe kala gooshaya.

 

Alle hau naxariisto marxuumka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this