Cowke Posted June 24, 2010 Wasaarada Kaluumaysiga Iyo Kheyraadka Badda Puntland Oo Lagu Wareejiyey Dhismo Loogu Talagalay Kaluumaysatada (Sawiro) June 24, 20104 comments | leave your own!Hay’adda VSF Switzerland ayaa maanta Wasaarada Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland ku wareejisay dhismo loogu talagalay kaluumaysatada in ay dhigtaan ama saaran kaluunka ay kasoo jilaabtaan Badda. Munaasabad lagu wareejinaayay dhismahaas ayaa ka dhacdey xarunta Wasaarada,waxaana goobjoog ka ahaa masuuliyin ka socotay Wasaarada gaar ahaan Wasiir kuxigeenka Mudane Cabduqaadir Muuse Yuusuf Jentelmaan iyo Saraakil ka socotay Hay’adda VSF oo iyadu fulisay dhismahaan. Sarkaal ka socday Hay’addaas oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in dhismahaas loogu talagalay in kaluumaysatada ay isticmaalan oo ay kaluunka saaran markii ay keenaan Badda oo ay kasoo jilaabtan. ”…Kaluumaysatada markii hore ciida ayay saari jireen kaluunka ay soo qabsadaan,hada dhismayaashan ayay saaranayaan oo ay ku habaysanayaan..”,ayuu yiri. Wasiir kuxigeenka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Cabduqaadir Muuse Yuusuf ayaa mahadcelin ujeediyey Hay’adda VSF isagoo sheegay in dhismahaan ay tahay mid muhiim ah dhamaan kaluumaysatada ku dhaqan degmada Bosaaso. Qaar ka mid ah Kaluumaysatada oo ku sugnaa goobta munaasabada ay ka socotay ayaa iyaguna soo dhoweeyey dhismanahaan iyagoo sheegay in ay wax weyn ka tari doonto howlahooda. Cabdisalaan Axmed Shire Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Chief_Aaqil Posted June 25, 2010 This is getting redicilous. First of all its not Puntland Minister Of Fishery Delivering New Infrastructure. But an Swiss NGO presenting a bit of cement blocks as infrastructure. Dont know who to blame? The Swiss NGO presenting this as development? Or the Minister who is so happy with this, that he is complementing them on tv for a bit of cement, sand and water. We should kick these NGO's out of the country. I am sure the ppl of Bossaso could have build and financed this cement blocks themselves. Quote Share this post Link to post Share on other sites