Sign in to follow this  
Cowke

Galmudug Govt Land-Grabbing Tactics. Editorial

Recommended Posts

Cowke   

Hadalheynta Qaranka ( Dhul Balaarsiga Maamulka Koonfurta Gaalkacyo).

 

Barnaamijka Hadalheynta Qaranka waa todobaadle inta badan aynu ku soo qaadno marxaladaha loogu hadalheynta badan yahay ee ka jira gobolada iyo deegaanada dalka Soomaaliya.

 

Todobaadkan waxaanu Barnaamijka Hadalheynta Qaranka si gaar ah ugu eegi doonaa dhul balaarsi la sheegay in maamulka koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug uu ka wado deegaano badan oo ku yaala dhinaca gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

 

Kulan balaaran oo ay maalintii shalay ahaa isugu yimaadeen Maamulada Gobolka, Degmada, Odayaasha dhaqanka, Waxgaradka, Aqoonyahanka, Culimada iyo qeybaha bulshada oo dhan ayaa looga hadlay xaaladaha amaan iyo deganaansho ee ka jira gobolka Mudug ee dhinca Puntland.

 

Intii uu socday shirka ayaa waxaa qodobadii sida kulul looga hadlay ka mid ahaa arin la sheegay in ay tahay mid ku cusub gobolka Mudug, taasi oo ah in maamulka ka dhisan xaafada Wadajir ee koonfurta Gaalkacyo uu wado howlo lagula wareegayo ama la isugu balaarinayo dhul badan oo ku yaala gobolka Mudug, kaasi oo ay deegaan ahaan degan yihiin shacabka Puntland.

 

Mas’uuliyiintii ka hadashay shirka looga arinsanayey amaanka iyo deganaanshaha gobolka Mudug ayaa waxay soo bandhigeen xog ku saabsan dhulka la isku balaarinayo waqtigani iyo cidda rasmiga ah ee wada iyo shaqsiyaadka ay gacanta ka helayaan, waxaana la sheegay in shacabka koonfurta Gaalkacyo oo gacan buuxda ka helaya Jaaliyadooda dibada ay guda galeen iibsiga dhul badan oo ku yaala Gaalkacyo.

 

Goobaha la sheegay in ay salbalaarsiga ka wadaan shacabka iyo maamulka koonfurta Gaalkacyo ayaa kala ah magaalada Gaalkacyo xaafadaha xiga dhinaca koonfureed, waxayna sidoo kale reer guuraagoodu dageen meelaha u dhow Galdogob, Jariiban, Xarfo iyo dhul kale oo miyiga gobolka Mudug ee maamulka Puntland ah.

 

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in ay heleen sir ku aadan sidii loo balaarin lahaa dhulka uu xukumo maamulka koonfurta Gaalkacyo, waxaana maamulku intaa ku daray in ay ogyihiin shacabka degan koonfurta Gaalkacyo in ay wadaan qorshayaal ay ku gadanayaan dhulalka u dhow xaafadahooda, kaasi oo ay ka bixinayaan qiima aad u weyn oo qofka ku kalifi kara in uu ka faa’ideysto kharashka intaasi le eg.

 

Shacabka xaafada Wadajir ee la sheegay in ay wadaan dhul iibsiga ayaa Maamulku sheegay in ay ku guuleysteen in ay helaan ama la wareegaan ilaa iyo 4 guri oo ku yaalay dhinaca Puntland ay maamusho, waxaana arintaasi sahlay sida maamulkuba sheegay Jaaliyada dibada ee maamulkaasi oo u taagan gacan ka siinta howlahaasi, iyadoo qorshaha ceynkaasi ahna uu soo dhameeyay Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin, kadib safar dhowaan uu ku tagey dalka dibadiisa.

 

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa shirka ka sheegay in arintaasi ay tahay mid khatarteeda leh, isla markaana looga gaashaaman karo oo kaliya in shacabka iyo maamulku iskaashado oo laga hortago cid kasta oo wada dhibaato ka dhan ah shacabka.

 

Kaqeyb galayaashii kulanka oo u badnaa qeybaha bulshada Gaalkacyo ay ka kooban tahay ayaa sheegay in dadka gobolka Mudug ee maamulka Puntland ay tabanayaan waxyaabo badan oo dhinaca maamulka ah, kuwaasi oo ay ka mid yihiin in maamulka ay ka tirsan yihiin ee Puntland uusan war u heyn waxa ka soconaya magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug, isla markaana Mudug uu ula macaamiiltamo si meel ka baxsan Puntland, tan xigta in maamulka Puntland ee uga mas’uulka ah gobolka Mudug uusan laheyn wax wada shaqeyn ah marka hoos loo sii fiiriyo laamaha ay u kala qeybsamaan.

 

Dhinaca Jaaliyada gobolka Mudug ee dalka dibadiisa ayaa sidoo kale fadhiga lagu soo hadal qaadey waxaana la sheegay in uu maqan yahay doorka Jaaliyada dibada ee hormarinta dadka iyo deegaanka gobolka Mudug, iyadoo dhamaan waxyaabahaasi aan la sixina aysan suurta galeyn in la wajaho caqabado kale ayey yiraahdeen ka qeyb galayaashii kulanka looga arinsanayey amaanka iyo deganaanshaha gobolka Mudug.

 

Maamulka gobolka Mudug ayaa hadalkiisa ku sheegay in ay jareen gebi ahaanba xiriirkii derisnimo ee ay la lahaayeen maamulka koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug, kadib markii maleeshiyaad iyaga ka tirsan ay geysteen falal amaanka khal khal galiyey oo qaarkood lagu dilay dad ka soo jeeda Puntland isla markaana lagu dhacay gaadiid ay leeyihiin, waxaana maamulku hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in haatan kadib ay la xisaabtami doonaan, oo ay sheegeen in aysan xeerin doonin mar dambe derisnimo iyo waxyaabo la mid ah.

 

Dhinaca shacabka magaalada Gaalkacyo oo ay hor boodayaan Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in maamulka ay uga dambeynayaan wixii talo iyo tusaale ah oo khuseeya shacabka iyo deegaanka guud ee gobolka Mudug, isla markaana ay garab buuxa ka siinayaan wax kasta oo ay uga baahan yihiin, iyadoo maamulkana loo soo jeediyey in ay meesha ka saaraan wada shaqeyn la’aanta dhex taala laamaha gobolka Mudug, ayna dhexda u xirtaan daafaca danaha shacabka gobolka Mudug ee Puntland, kuwaasi oo maamulkooda aanan ka helin sidii ay rabeen.

 

Guud ahaan intaasi ayaan ku soo afmeereynaa Barnaamijka Hadalheynta Qaranka, tan iyo inta aynu ku kulmeyno Barnaamij kan la mid ah Nabaadiino.

 

RBC Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this