Sign in to follow this  
General Duke

Somali passport to be launched...pics

Recommended Posts

daawo sawirada 4 baasaboor oo ay yeelanayso Dawlada Fedaralka Kumeelgarka Somaliya oo la soo bandhigay

Posted to the MOL November 10, 2006, 9:36 am

 

 

Munaasabad Ballaaran oo maalintii shalay lagu qabtay safaarada Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu soo bandhigay afar baasaboor ah oo ay Dowladdu dhowaan dhaqan gelin doonto sida la sheegay.

Munaasbadaas ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Diblomaasiyiin ka socotay Beesha caalamka iyo madax kale,iyadoo munaasabdaasna lagu soo bandhigay afar baasaboor oo nooc cusub ah.

 

Gaafow,Buubaa,CabdullaaSheekhIsmaaciil,i

Xaquuqda Sawirada: alldarwish.com

 

Gaafowoosharaxayabaasaboorada.JPG

 

goobtushirkukadhacay.JPG

 

 

Munaasabada lagu soo bandhigayay Baasaboorada cusub ayaa waxaa ka hadlay Mas'uuliyiin Dowladda oo ay ugu horeeyeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cismaaciil Buubaa iyo Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federaalka C/llaahi Sh. Cusmaaciil oo sharaxaad dheer ka bixiyay qaabka baasaboorada loo gaarsiinayo Gobolada Dalka soomaaliya.

 

Waxa ay Diblomaasiyiin ka soo qeyb gashay Munaasbada ka codsadeen in ay aqoonsadaan Baasaboorka Cusub oo ay Dowladdu soo bandhigtay,iyagoo sheegay baasaboorka uu yahay nooca (Electronic Passport).

 

"Gobol kasta wuxuu xor u yahay in uu sameysto dad loo tababaro qaabka bixinta baasabooradan, waana baasaboorada la gaarsiinayaa dhammaan gobolada dalka, waxaana howsha bixinta baasaboorka aan billaabneynaa sida ugu dhaqsiyaha" ayuu yiri Gaafow oo ahaa Madaxii waaxda Socdaalka ee Dowladii Kacaanka.

 

Waxa uu Mr Gaafow sheegay in Dadaal dheer oo ay sameysay dowladda kmg oo soconyaya muddo labo sano ah ayuu sheegay in ay keentay in la sameeyo afar baasaboor oo midibyo kala duwan leh kuwaasoo kala ah:

 

MVC-080F.JPG

1) Ordinary Passport

 

 

2) Travel document

 

 

3) Diplomatic passport

 

 

4) Service Passport

 

 

Baasaboorada Cusub ee ay Dowladdu soo bandhigtay ayaa sida la shaaciyay dhaqan geli doona muddo lix bilood kadib,kaasoo bedeli doona Baasaboorada ay hada soomaalidu istyicmaasho,kaasoo dalal badan laga diiday.

 

 

Maxamed C/qaadir Khalaf

Galkacyo, Puntland, Somaliya

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Maxkamadaha Muqdisho oo sheegay in Maddaarka Muqdisho uusan ka socon doonin Baasaboorka Cusub ee DFku ay soo saartay.

Khamiis, November 09, 2006

 

Muqdisho(AllPuntland)- Maxkamadaha Islaamiga Muqdisho ayaa maanta soo saaray diidmo ku aaddan in la baddalo baasaboorka qaddiimiga ah ee Soomaaliya.

 

Maxkamadaha ayaa sheegay in baasaboorkan cusub ee dawladdu soo saartay uu adkaynayo socdaalka, haddii lagu baddalo kii hore.

 

Baasaboorka hore ee dalka Soomaaliya ayaa caalamka oo dhan laga diiday marka laga reebo dhowr dal oo wali aamminsan xiriirka Soomaaliya, waxaana dawladdu ay qorshaysay inay soo saarto baasaboor baddala kii sida sahlan lagu heli jiray.

 

Suuqyada magaalada Muqdisho ayaa baasaboorka Soomaaliya si sahlan looga sooqaataa, ayadoo xataa dadka ajnabiga ah ee ay dadka Soomaalida kala muuqaal fogyihiin ay qaateen, sanadihii lasoo dhaafay.

 

Sargaal maxkamadaha ka tirsan oo lagu magacaabo Sheekh C/raxiin Muuddeey ayaa sheegay in maxkamaduhu aysan aqoonsan doonin baasaboorkaasi, agtoodana uusan kasocon doonin, gaar ahaan garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.

 

Wuxuu sargakan sheegay inay habboontahay in dawladdu ay sugto inta ay dhammaanayaan wada hadallada dib u heshiisiinta ee Socda.

 

Dawladda Federaalka ayaa sanadkii ugu danbeeyay ku hawlanayd inay soo saarto baasaboor aan si sahlan loo bad badali karin, waxayna ku guulaystay inay baasaboorkaasi daabacdo.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nice pics, duke-oow. I would proudly love to have another red one (diplomatic pas) once more, think of all the privileges. I came from a diplomat's home and would love to carry this on if dowladnimadeenu soo noqoto ;) ofcourse in la shaqetsto waaye nooh :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Insha Allah mate..

 

Dawlada Fedaralka Kmg Somaliya oo sheegtay Baasaboor Cusub oo Somaliya yeelanayso iyo Midawga Maxkamadaha oo walac ka muujiyay Basaborka Cusub

Posted to the MOL November 10, 2006, 9:34 am

 

 

Nayroobi:- Midawga maxkamadaha ayaa walaac ka muujiyay Baasaboorka Cusub ee Somaliya yeelanayso oo dhawantaa la hirgalin doono sida uu shegay Wasirka Arimaha Dibada ee Dawlada Fedaralka Kumeelgaarka Somaliya Ismaciil Hurra Buubaa. Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday isaga oo jooga dalka Kenya in dowladdu federalku ay Sida ugu dhakhsiyaha badan ku dhaqan galinayso Baasaboorka cusub ee Somaliya.

 

 

Wasiirka Ayaa yiri" Dowladdu waxa ay dhamees tirtay Sameynta Baasaboorka Cusub waxayna bilaabi doontaa adeegsiigiisa sida ugu dhakhsiyaha badan iyadoo loo sameeyey hab computer la marinaayo oo cusub kana duwan kii hore islamarkaana waafqasan xeerarka Caalamiga ah ee socdaalka lasoo saaray.

 

 

Wasiirku waxa uu sheegay in uu ka duwan yahay kii hore isla mar ahaantaasna la badali Karin oo aan lagu soo sameyn Karin meel kale ilaa ay dowladu sameeso mooyee. Arintaan ayaa ay walaac saa’ida ka muujiyeen Midowga Maxaakiimta kadib markii ay Dowladu sidaan ku dhawaaqday iyaga oo u arka in ay siinayso Xoog saa’ida oo ay Dawladu yeelatay iyadoo ay jirto Masuuliyiin farabadan oo ka tirsan maxakiimta oo haysta baasaboorkii hore.

 

 

Walaacaan ku yimid midowga maxaakiimta ayaa ah mid keeni kara in ay istaagaan dhaq dhaqaaqyada ay maxaakiimtu ka wadaan dalalka shisheeye iyadoo ay soo marayso Dawladda federalka lana aqoon sanayo baasaboorka cusub ee Somaliya sidaa darteedna ay dhib ku keenayso midowga maxaakiimta oo aan isticmaali Karin baasaboorada ay soo saareen Dawladda Federalka ah ee Somaliya.

 

 

Maxamed C/qaadir Khalaf

Galkacyo, Puntland, Somaliya

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fanisha   

Originally posted by Allamagan:

I would proudly love to have another red one (diplomatic pas) once more, think of all the privileges. I came from a diplomat's home and would love to carry this on if dowladnimadeenu soo noqoto
;)
ofcourse in la shaqetsto waaye nooh
:D

The days of your uncle printing passports are over. Your refugee behind doesn't even have an airport to fly out of. You need to ask the "clan" courts for permission. lol.

 

Is this why General Duke pollutes the airwaves with propaganda? Is he after a diplomat passport as well?

 

Pathetic fowqal pathetic. :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Oh you are angry at behalf of the clan courts?

The days of your uncle printing passports are over. Your refugee behind doesn't even have an airport to fly out of. You need to ask the "clan" courts for permission. lol.

 

Is this why General Duke pollutes the airwaves with propaganda? Is he after a diplomat passport as well?

 

Pathetic fowqal pathetic.

Thus one can understand your comments above, that were un -Islamic, Kinda like Yusuf IndaCade and their many pretences.

 

Sister you can keep attacking the Duke, I dont mind, just dont waste your time on me when you could go for the whole government.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Fanisha:

quote:Originally posted by Allamagan:

I would proudly love to have another red one (diplomatic pas) once more, think of all the privileges. I came from a diplomat's home and would love to carry this on if dowladnimadeenu soo noqoto
;)
ofcourse in la shaqetsto waaye nooh
:D

The days of your uncle printing passports are over. Your refugee behind doesn't even have an airport to fly out of. You need to ask the "clan" courts for permission. lol.

 

Is this why General Duke pollutes the airwaves with propaganda? Is he after a diplomat passport as well?

 

Pathetic fowqal pathetic. :rolleyes:
One advice sista: dont unmask your deep insecurities here! make us favour!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this