General Duke Posted April 14, 2008 Our Country Today: Forces of Intimidation Pour into the Cities of Hargeisa and Burao amidst an explosion at the Hargeisa Police Headquarters April 14th, 2008 [News] | Our Country Today: Forces of Intimidation Pour into the Cities of Hargeisa and Burao amidst an explosion at the Hargeisa Police Headquarters A huge explosion that was heard everywhere around the city of Hargeisa at 9:30 tonight seemed to be centered at the police headquarters. No body knows the reason for the explosion or the extent of damage. Our effort to reach the Police Commissioner on the phone was unsuccessful. It has also been noticed that battalions of army forces at the western frontiers are pouring into Hargeisa while others based at the eastern Sool region and their equipment are heading towards the second capital Burao and Hargeisa. It is not known why these army forces have been moved from their border bases into the capital cities of Hargeisa and Burao but it can only be a show of force to intimidate the public. Please keep visiting Somaliland.Org for any information about the news of our country. Somaliland.Org Desk Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 14, 2008 Ciidamo ka soo Ruqaansaday Jiidaha Sool iyo Awdal oo Lagu Soo Daabulay Hargeysa iyo Mudaharaad Maanta ka Dhacaya Burco Hargeysa (Jam)- Cutubyo ka mid ah ciidammada qaranka ee Somaliland ee ku sugnaa jiidda hore ee Gobolka Sool, ayaa shalay barqadii u soo kolonyeystay dhinaca caasimadda Hargeysa, halka kuwa kalena la dejiyey magaalada Burco oo la filayo inay maanta ka dhacaan mudaharaadyo lagaga soo horjeedo odayaal iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE. Ciidammada loo soo raray dhinaca Hargeysa oo ah Guutada Kaydka ee Ciidanka Qarankeedu ee fadhigeedu ahaa degaanka Adhi-caddeeye, isla markaana ay weheliyaan ciidamo kale oo dheeraad ah, ayey wararku tibaaxeen inay ku soo dhaqaaqeen amar uga yimi dhinaca taliska guud iyo xukuumadda sare ee Somaliland. Wararku waxay intaa ku dareen inkastoo aan la xaqiijin in xukuumadda Madaxweyne Rayaale cutubyadan ciidammada ah u soo celisay si ay ugu adeegsato arrimaha maalmahan u dambeeyey ka soo kordhay caasimadda Hargeysa ee la xidhiidha go’aanka muddo-kordhinta ee Golaha Guurtidu muddada sannadka ah xilka ugu kordhiyeen Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa iyo dareennada xasaasiga ah ee ka dhashay qaraxii loo geystay xarunta Guurtida iyo weliba cabsida laga qabo xadhigga xukuumaddu kula kacday xubno ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE. Sidoo kalena hayaanka ciidankaas ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay hanjabadaaha ka soo yeedhaya axsaabta mucaaradka ee ka dhanka ah xukuumadda, isla markaana shaaca ka qaadeen in aanay Madaxweyne u aqoonsan doonin Md. Daahir Rayaale Kaahin marka ay dhammaato muddada xilkiisa oo ku beegan 17ka bisha May ee sannadkan. Haseyeeshee, ciidammadaas oo aan si rasmi ah loo ogayn ujeeddada waqtigan looga soo raray fadhiisamadoodii Gobolka Sool, ayaa subaxnimadii hore ka soo kolonyeystay degaanka Adhi-caddeeye, kuwaas oo isla gelinkii dambe ee shalay soo gaadheen caasimadda Hargeysa oo socdaalkoodu ku jihaysnaa. Ciidammada ka soo hayaamay Gobolka Sool oo ku hubaysan gaadiid tikino ah iyo dab culus, ayaa waxa ay cutubyo ka mid ah oo wata 15 gawaadhida dagaalka ah la dejiyey magaalo-madaxda Gobolka Togdheer ee Burco oo la filayo in maanta ka dhacaan mudaharaadyo lagaga soo horjeedo xadhigga masuuliyiin iyo odayaal ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE oo ay ciidammada booliska ee Hargeysa xabsiga u taxaabeen maalmihii Arbacadii iyo Sabtidii la soo dhaafay iyo weliba hawlgal kale oo la sheegay inay xukuumaddu ku baadi-goobayso siyaasiyiin iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan KULMIYE, kuwaas oo ay ka mid yihiin Muj. Maxamed Kaahin Axmed iyo Dr. Cumar Cilmi Dixood. Tallaabada ay xukuumaddu kula kacday xubno ka tirsan xisbiga KULMIYE oo ay u sibir-saartay masuuliyadda qarax aan ujeeddadiisu caddayn oo Arbacadii toddobaadkan gilgilay xarunta Golaha Guurtida ee magaalada Hargeysa wax yar ka hor markii la baajiyey fadhi ay ku doonayeen inay muddado laba sannadood ah xilka ugu kordhiyaan Madaxweyne Rayaale, arrintaas oo abuurtay dareenno shaki iyo cadho leh oo ay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ka bixiyeen, kuwaas oo u arka inay tahay daandaansi iyo xaalad-abuur xukuumaddu ku doonayso in dalku galo fawdo iyo khalkhal nabadgelyo-darro, si u meelmarsato qorshaha ay ku doonayso muddo-kordhinta muranka siyaasadeed abuurtay. Dhinaca kale, cutubyo kale oo ka tirsan ciidammada qaranka ee ku sugnaa fadhiisimada xeebta galbeed ee Gobolka Awdal, ayaa iyaguna Axaddii soo gaadhay caasimadda Hargeysa, kuwaasoo isla habeen horeba ka qaybqaatay hawlgallo ciidammadu ka fuliyeen guud ahaan Hargeysa oo si adag loogu baadhayey gaadiidka iyo dadka wataba, isla markaana lagu amrayey inay gawaadhida xareeyaan iyaguna guryahooda u hoydaan. Cutubyada ciidammada qaranka ee ka soo ruqaansaday jiidda hore ee Sool iyo xeebaha galbeed ee dalka, ayaa ku soo beegmay waqti dhawrkii maalmood ee dambeeyey si weyn loo adkeeyey ammaanka magaalada Hargeysa, gaar ahaan habeenkii oo suuqyada iyo jidadka waaweyn ee caasimadda la soo dhoobay ciidamo tiro badan oo isugu jira millateri iyo boolis, kuwaas oo mid-mid u baadhayey gaadiidka. Jamhuuriya Online Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted April 15, 2008 Happy with the latest goings on I see. Quote Share this post Link to post Share on other sites