Sign in to follow this  
General Duke

Washington: TFG likely to get an extension after 2009?

Recommended Posts

Mareykanka oo u ololeynaya waqti loogu daro DFKS iyo ciidamada Itobiya

Stockholm, Swedan (Calanka.com) 25-Oktober-08

 

Dowladda Maraykanka iyo QM ayaa la sheegay inay dadaal xooggan ugu jiraan sidii xilliga loogu kordhin lahaa Dowladda Federalka Somalia iyo sii-joogitaanka Ciiddamadda Ethiopianka ee ku sugan gudaha dalka Somalia.

 

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Qaaradda Afrika, Jendayo Frazer ayaa ugu baaqday Hoggaamiyayaasha dalalka Ugandha, Ethiopia iyo Kenya inay ballaariyaan sharci ahaanta DFKMGS, oo xilli-hawleedka uga harsan yahay wax ka yar hal sanno.

 

Laga bilaabo bisha soo socota ee November, waxaa lagu wadaa inay dhammaan xubnaha Dowladda Federalka xaadir ku ahaadaan Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, si ay uga qeyb galaan Kulan la doonayo in muddo shan sanno oo dheeraad ah loogu daro jiritaanka Dowwladda Federalka, iyadoo aan loo baahnaan doonin codeyn ballaaran xubnaha DFKMGS ee ay Hoggaamiye-kooxeedyaddii hore ku mideysan yihiin.

 

Dadaalka ay Dowladda Maraykanka ku doonayso in xilliga loo kordhiyo DFKMGS iyo joogitaanka Ciiddamadda Ethiopianka, ayaa waxaa caqabadaha waa weyn ee ka horimaanayo ka mid ah horumarka sharci ahaanta ee Dowladaha la shaqeeya ee ay ka mid yihiin Ethiopia iyo Ugandha oo iyagu haatan Ciiddamo u soo daad-gureynayo gudaha dalka Somalia, si ay u ilaaliyaan Dowladda Federalka iyo dagaalka ay wadaan Soomaalida ka soo horjeeda jiritaanka Dowlad noocaasi ah.

 

Ra'isul-wasaaraha dalka Ethiopia, Meles Zenawi ayaa weli u ololeynaya sidii ay QM u oggolaan lahayd DF ee xilligan ka jirta dalka Somalia nabad uga dhex dhalin lahayd Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna Zenawi rajeynayaa in taageeradad QM gacan ka geysan doonto sidii ay Soomaalidu u maamulan lahaayeen xuduudahooda.

 

Dhinaca kale, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM, Drs. Asja Rose Migrio oo u dhalatay dalka Tanzania, ayaa la kulantay Ra'isul-wasaaraha dalka Ethiopia, Meles Zenawi, oo ay kala joogtay baahida loo qabo inay Ciiddamadda Ethiopia sii joogaan dalka Somalia.

 

Dowladda Ethiopia, ayaa ka rajeynayso QM inay Ciiddamadda Ethiopianka ee duullaanka ku qabsaday dalka Somalia u aqoonsadaan Ciiddamo Nabad-ilaalin ah oo hoos imaanaya Calanka QM ama ay noqdaan kuwo amarka ka qaadanayo Ciiddamadda Maraykanka ee saldhigga ku leh gudaha dalka Jabuuti.

 

Heshiiskan waxa ku jiraa daqiiqad khatar ah, iyadoo ay Dowladda Maraykanka rajeynayso inay jarto miisaaniyadda ay Dowladaha u adeega ku hawlgalaan ee ku yaalla Geeska Afrika.

 

Si kastaba ha ahaatee, dadaalka ay QM iyo Dowladda Maraykanka ku doonayaan in xilliga loogu kordhiyo Dowladda Federalka iyo joogitaanka Ciiddamadda Ethiopianka ee taageeradda siiya DFKMGS, waxay ku soo beegantay iyadoo ay Madaxweynayaasha iyo Wasiiradda ka tirsan dalalka ku bahoobay Urur-gobaleedka Horumarinta ee dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika "IGAD" lagu wado inay Toddobaadka soo socda kulan wada tashi ah la yeeshaan Xildhibaanadda DFKMG oo iyagu ku sii qulqulayo magaallo-madaxda dalka Kenya ee Nairobi.

 

Kulankaasi oo dhici doona maalmaha Talaadada iyo Arbacadda ee soo socota, ayaa la filayaa in DFKMGS lagu qanciyo inay Dowladda ku soo biiraan shaqsiyaad ka tirsan Kooxaha kala duwan ee mucaaradsan DFKMGS.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha DFKMG ah Ee Soomaaliya oo galabta ka Degay Nairobi Kenya

 

Madaxweynaha DFKMG ah Ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa Galabta ka soo degay Gedida Dayuuradaha Ee Magalada Nairobi ee Dalka Kenya, Waxaana Madaxweynaha Garoonka Ku soo dhoweeyay Golaha Wasiirada Xunaha baarlamanka iyo Qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed Ee iyagu ku dhaqan gudaha Dalka Kenya .

 

Madaxweynaha DFKMG ah ayaa lagu wadaa in uu ka Qeybgalo Shir Ururka Igad uu isugu yeeray Magaalada Nairobi Baarlamanka Iyo Madaxda Soomaaliya oo sanadihii ugu dambeeyay ay ku jireen ismandhaaf Siyaasadeed iyo Gudaha Dalka Soomaaliya ay Weli ka soconayaan Dagaalo aan Hakad Laheyn.

 

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Soomaaliya oo aan Qadka telfonka aan kula Xiriirnay ayaa waxaa uu sheegay in madaxda Dowlada iyo Baarlamankaba iyo golaha Wasiirada ay ku jiraarShir Albaabada ay u xiran yihiin taasina u tilmaamay in ay uga hadlayaan Arimo ku saabsan Dowlada .

 

Dadkaweyna ku dhaqan gudaha Dalka Kenya Gaar ahaan Xaafada Islii Ee ku taala caasimada Dalka Kenya Nairobi ayaa in dhowaaleba waxay hadal hayeen Shirka Dowladaha Igad ay isugu yeertay dhinacyada DFKMG ah Ee Somaliya oo la filayo in 27da bishan lagu qanto magaalada Nairobi Ee Xarunta Dalka Kenya in ka badana Shirkaasi ayaan waxaan la shaacinin waxyaabaha looga Hadlayo .

 

Leylo Sh/Aadan Ismaaciil

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

What does another 5 yrs of TFG mean to you? :D

 

It's sh*t [Daddy] kicking time boys, so be prepared to lick your new, old, master's boots.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

With or without Yey

With or withouuuut Yey

Aahaa Aahaa

 

 

Originally posted by General Duke:

Jendayo Frazer ayaa ugu baaqday Hoggaamiyayaasha dalalka
Ugandha, Ethiopia iyo Kenya inay ballaariyaan sharci ahaanta DFKMGS.

They make the decision? icon12.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this