General Duke Posted January 4, 2009 Ahmed Looter Diriye declares a Clan Jihad on Al Shabaab. As reported by the holy clan website waagacusub.com... Afhayeenka golaha Midnimadda ****** Nabadoon Ahmed Diiriye Cali ayaa Mukhtaar Rooboow Cali ku eedeeyay inuu dagaal kula jiro beesha ******. " Waxaan garan karnaa ujeedada Mukhtaar Rooboow,wuxuu wado diin maaha,ma qaadan karno Jihaad aan ka jirin Bay iyo Bakool oo lagu barakicinaa qaxootiga maskiintaa ee Galgaduud,sida la ogyahay adeer hore ayuu noloshii ugu diiday,hadana colaad ayuu ka dul furay,Waxaan ugu baaqeeynaa ninkaas inuu ka baxo dhulka ******,haduu iska dhega tiro,waxaanu nahay reer la yiraa ******,hadaan ilaaheey laga waayin,waan iska celineynaa" ayuu yiri Nabadoon Ahmed Diiriye Cali. Ahmed Diiriye wuxuu wax laga xishoodo,oo Islaamnimada ka baxsan ku sifeeyay in rag aan u dhalan ****** oo isugu jira *******,********* iyo ***** maalin walba gumaadaan Haweenka iyo Caruurta ****** " Beelweynta ****** waa inay taageertaa shirkii Jabuuti lagu gaaray,waa inay u midoowdo sidii la isaga celin lahaa cadawga horarkaa ee Mukhtaar Rooboow ka mid yahay,waana naga dhamaaday dulqaadkii"ayuu si caro leh u yiri Afhayeenka ******. Ahmed Diiriye Cali wuxuu sheegay in Abuu Maansuur yahay nin cadaawad u qabo ******,wuxuuna caqli yari ku sheegay inuu maalin walbo bartilmaameedsado Culumadda,Waxgaradka iyo rayidka ******. " War Hawiyow waxaad isweydiisaan xagee maanta xabada ka socotaa,Somaliland waa nabad,Puntland waa nabad,Jubooyinka waa nabad,Bay iyo Bakool waa nabad,maxaa Xabada keenay Xamar iyo Galgaduud,miyeeysan dhulka Rooboow joogin Amxaaro,miyeeysan ahayn saldhiga dowlad ku sheega,maxaa qasbay inuu annagoo madaxdii beeshaa maalin walba telefoon noogu hanjabo,waa waxaan la qaadan karin cadaawadiisa,waxaana ku baaqeeynaa in loo istaago Jihaad ka dhana"ayuu Diiriye caro ku yiri. Qeeyla dhaanta Afhayeenka golaha ****** ayaa ku beegan xilli Mukhtaar Rooboow xabada ka daba geeyay dadkii Mogadishu ka qaxay ee Galgaduud tegay. Goboladda uu ka dhashay ee Bay iyo Bakool waa nabad,waana tan muujineysa inuu yahay nin aan diin shaqo ku lahayn balse ku shaqeeynaya Fikrad ku dhisan barakicinta iyo burburinta beelaha ******. Golaha dhaqanka iyo Midnimadda beelaha ****** waxay labadii todobaad ee ugu dambeysay wadeen heshiis hoosaadyo lagu xaliyay cuqdadii kala dhextiil beelaha Hiraab,wuxuuna Ahmed Diiriye sheegay in loo gudbayo ****** si loo adkeeyo Midnimada iyo wadanoolaanshaha. Qurbajoogta ****** oo hore loogu yaqiin isnaceyb iyo kala aragti duwanaansho ayaa maanta lagu tilmaami karaa kuwa isku fikira oo xanuunka wada taabtay maxaa yeelay waqtiyadii hore waxay qaarkood aaminsanaayeen Riwaayadda kooxo diimeedyada Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 4, 2009 Abu Mansuur] Ahmed Diriye Clan chief Quote Share this post Link to post Share on other sites