Jacaylbaro Posted April 10, 2007 Wariyaha Idaacada Simba uga soo waramo Boosaaso Cabdi Risaaq Sheekh Aduun ayaa sheegay in xiisado colaadeed iyo is abaabul ciidan laga dareemayo Magaalooyinka Garowe,Boosaaso iyo Gaalkacyo kadib markii la xaqiijiyay in Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland ay ku sii siqayaan degaano ay hore uga arimin jireen Maamulka Cadde Muuse. Wariye Sheekh aduun oo xiganayay ila kala duwan oo wareed wuxuu tibaaxay in dagaalka uu khasaaro badan dhaliyay,sidoo kalana jiidaha dagaalka laga maqlayo xabado goos goosa. Ciidanka Jamhuuriyada Somaliland ayaa la sheegay inay la wareegeen gacan ku heynta Baran,Dhahar iyo degaano kale iyadoo dhinaca kalana la xaqiijiyay in laga gubay lix gaari dagaal Ciidanka Maamulka Puntland ee degaanadaas hore u joogay. Wasiirka Sports-ka ee Somaliland Dr Maxamud Siciid ayaa Waagacusub u sheegay in dagaalka uu qarxay kadib markii ay ka warheleen weerar gaadmaa oo kaga yimid dhinaca Puntland xilli ay hoowlo ku marayaan degaanadaas. Dharbaaxada ku dhacday Ciidanka Cadde Muusse boqor ayaa sabab looga dhigayaa beelaha gobolada Sool iyo Sanaag oo tageeridii gaashaanbuureed kala laabtay. Xildhibaano ka socday Aqalka Wakiiladda Somaliland ayaa booqday Laascaano xilli ay ku sugnaayeen cududii ugu balaarneed ee Ciidamada Puntland taas oo noqotay fajac,waxaase nalka uu mar qura ka damay Maamulka Cadde Muusse ,markii laga war helay in taliyahii Ciidanka gobolka Sool uu ku biiray Ciidamada Somaliland. Beesha duubays ee Warsangeli ****** ayaa taageeraddi gebi ahaan kala noqotay Maamul goboleedka puntland. Beeshan ayaa si cad u sheegtay inay taageersan yihiin Somaliland. Ciidamadii Daraawiishta ee Puntland ayaa inta badan faarujiyay difaacii dhinaca Gaalkacyo taas oo qudheeda cabsi badan leh,lagana yaabo in si sahala loogu duso. Dhinaca kale dagaalo xoogan ayaa la soo sheegayaa inay ka dhex qarxeen dalalka Itoobiya iyo Ereteria taas oo abuureeyso jawi Colaadeed oo laga yaabo inuu saameeyo guud ahaan geeska Afrika. waagacusub.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
me Posted April 10, 2007 Originally posted by Jacaylbaro: Ciidamadii Daraawiishta ee Puntland ayaa inta badan faarujiyay difaacii dhinaca Gaalkacyo taas oo qudheeda cabsi badan leh,lagana yaabo in si sahala loogu duso. ^Riyo Cade Muuse is now paying for his shady deals.. behind the back of the locals and in my opinion he deserves to pay for it. Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted April 10, 2007 Ala Somali iyo wariyenimo maxaa kala haysta, waar meesha cnn udira oo warka sax ah keena, mid kasta opposite ayuu sheegayaa. Runta iyo beentu goormay isku mid noqdeen waa yaabe? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Deep Blue Posted April 10, 2007 Sansaan colaadeed oo laga dareemayo Laascaanood iyo Xudun Boosaaso:- Waxaa magaalooyinka Laascaanood iyo Xudun laga soo waramayaa inuu ka jiro diyaar garow ciidan oo xoogan kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in Ciidamda Somaliland ee ku sugnaa duleedada Labada Magaalo ay laga dareemay dhaq dhaqaaq. Qeyb ka mid ah dadka Magaalada Xudun ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar garow ku jiraan iyagoo taageero ka helaya ciidamada Daraawiishta Puntland oo iyana u dhashey deegaanka. Maalintii shaleyto ahayd ayey ciidamo Somaliland ah oo kusoo durkay Tuulada Awrboogeys ayey dib uga noqdeen kadib markii Ciidankii Somaliland ee tegey Dhahar laga itaal roonaadey. Wararku waxay ku darayaan in xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood ay ciidamo badan oo Daraawiishta ahi ay soo galeen ilaa iyo xaleyto, ciidamadaas oo sida warku nagu soo gaarey xoojinaya ciidamadii hore u joogey tuulada Adhi cadeeye ee Duleedka Laascaanood. Magaalada Laascaanood ayaa waxaa ku sugan wasiirka Gudaha, Mr Xaabsade oo in mudo ahba aan warkiisa la hayn, dad badana ay aaminsanaayeen in xilkiisii laga qaadey. LaasqorayNET/Boosaaso Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted April 10, 2007 Exaggeration! Not cool. Quote Share this post Link to post Share on other sites