Jacaylbaro Posted September 10, 2009 Wefti u hogaaminayo Ergayga gaar ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ahmedou Weld Cabdallah ayaa soo gaadhay goordhaweyd Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Weftigan oo ay ku wehelinayeen ergayga saraakiil sar sare oo ka tirsan Xafiiska Siyaasada qaramada midoobay ku leedahay dalka Nairobi, ayaa la sheegay inta uu dalka joogo inuu la kulmi doono Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Guddoomiyayaasha labada Xisbi Mucaarid ee KULMIYE iyo UCID Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Eng. Faysal Cali Waraabe. Warar soo gaadhay Xafiiska Shabakada wararka ee Hadhwanaagnews ayaa sheegaya inuu ergayganu u yimi ka qeybqaadashada xalinta khilaafaadka Siyaasadeed ee wakhtigan ka aloosan dalka, iyo welib sidii uu xoojin lahaa Xafiiskii ay qaramada midoobay dhawaan shaacisay inay dalayacsiiyeen ee Hargeysa ka furteen oo muddooyinkii u danbeeyeyba xidhiidhkiisu xumaa ayaa hada u muuqda mid wax ka iska badeleen. Waxa dhawaan Magaalada Hargeysa Socdaal ku yimi Kuxigeenka Ergayga qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, kaas oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Guddoomiye Xisbi Mucaarid Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] Iyo Faysal Cali Waraabe, kuwaas oo arrimo badan kala hadlay. Ahmedou Weld Cabdallah oo imaanshiyaha caasimada Somaliland ee Hargeysa ay ugu danbeysay bishii Feberwari ee sanadkii hore 2008. Si kastaba ha ahaatee Imaanshiyaha Weftigan qaramada midoobay ee Caasimada Hargeysa ayaa ku soo beegmay wakhti wax yar uun ka hor intii aanu iman ayaa la furay wadadaweyn ee horta Madaxtooyada Somaliland oo saaka Salaadii lagu waabaristay iyada oo xidhan oo ciidanka Boolisku teedsan yihiin, ciidan intii hore ka badan la dhigay. Sidoo kale waxa xidhan maalintii sadexaad Xaruntii Golaha Wakiillada Somaliland, lamina garanayo wakhtiga rasmiga ah ee la furayo, waxa ay arrintoodu ku danbeyn doono. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 10, 2009 Wafdi uu hogaaminayo Wiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Axmed Walad Cabdala ayaa maanta gaaray Magaalada Hargaysa ee Jamhuuriyada lagamacbaxday Somaliland. Wafdi ka socda Qaramada Miodoobay oo uu hogaaminayo Wakiilka gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada Midaabay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdala ayaa maanta gaaray Magaalada Hargaysa ee Jamhuuriyada lagamacbaxday Somaliland. Waxaana Wafdiga lagu wadaa in kulamo ay la qaataan hogaanka Jamhuuriyada lagamacbaxday Somaliland iyo hogaamiyayaasha Axzaabta Mucaaradka iyadoo kulamadaasina ay qayb ka yihiin dadaalada lagu dhax dhaxaadinayo dhinacyada isku haya Somaliland oo hada maraya heerkii ugu sareeyay kadib markii dagaal gacan kahadal ah uu ku dhaxmaray golaha Wakiilada ee Somaliland ee ka soo kala jeeda Axzaabta Mucaaradka iyo Muxaafadka Xaruntooda Magaalada Hargaysa iyadoo Xaunta Baarlamaankana aysan wax shaqo ah ka socon kagadaal markii ay la wareegeen Booliska. Wafdiga ka socda Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale waxaa la socda Mas’uuliyiin ka socda hay’adaha Samafalka iyadoo booqashada Axmed Walad Cabdala uu ku tagay Magaalada Hargaysa ay noqonayso tii ugu horaysay uu ku tago Jamhuuriyada la magacbaxay Somaliland tan iyo markii Axmed Walad Cabadala loo magacaabay Wakiilka gaar ah ee arimaha Soomaaliya. Shalay ayay ahayd markii Safaarada Maraykanka ee Nairobi ku leedahay ay cadaysay in ay ku xuntahay islamarkaana aysan u dul qaadanayn dib u dhaca doorashooyinka Maamulka Somaliland taasi oo muujinaysa in Qaramada Midoobay iyo Maraykankuba ay u soo jeedaan arimaha Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 10, 2009 Hargeysa (Somalilandpress)- Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa markii ugu horaysay maanta safar hawleed ku soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargeysa. Ergay Ahmed Waled Abdalla oo ay safarkiisan ku wehelinayaan masuuliyiinta sare sare ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasada iyo bini’aadamnimada waxa madaarka magaalada Hargeysa si heersare ah ugu soo dhaweeyay masuuliyiin xukumada ka tirsan oo uu horkacayo Wasiirukhaarajiga Cabdilaahi Maxamed DUcaale. Ergayga ayaa wararka na soo gaadhayaa ay sheegayaan in mudada u joogo u kulamo la yeelanayo madaxda siyaasada sida Madaxweynaha, shirgudoonka Golaha Wakiillada iyo Golaha Guritda, Madaxda Axsaabta Qaranka, ururada bulshada, Hay’adaha Qaramada Midoobay ee wadanka ka shaqeeya. Ahmed Waled Abdulle waa safarkii ugu horeeyay ee noociisa ah ee uu ku yimaado Somaliland, iyada oo aanay isku fiicnayn xukuumada talada haysa, ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland dhawr jeer oo uu saxaafada la hadlay u sheegay in aanu ninkani marnaba maslaxada Somaliland ka shaqayn balse uu ku hawlan yahay sidii uu u dhabarjebin lahaa. Safarkan Mr. Abdalle ayaan xukuumadu shaacin, hase yeeshee hadaal ahaan suuga ugu jiray maalmihii u dambeeyay, iyada oo ay u sii gogol xaadheen laba wafti oo ka socday Qaramada Midoobay ka soo horeeyay, wadankana dib uga laabtay. Ahmed Waled Abdulle ayaa mudooyinkii u dambeeyay ku hawlaanaa dib-u-heshiiyiinta kooxaha isku haya Soomaaliya iyo sidii loo dhisi lahaa dawlada Federaal ah, hase yeeshee hadana booqashadiisan oo lagu tilmaamay mid ay qaramada Midoobay il gaar ah ku soo eegtay Somaliland ayaa la ogayn ujeedada dhabta ah ee ka dambaysa. waxase xukuumadu ku sheegtay inuu dhexdhexaadin dhinacyada siyaasada ah isku dayi doono. wararka ka soo kordha safiirkiisana fadlan ishu ka haya Somalilandpress. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted September 10, 2009 ooh muxu soodoonay ma riyaale dalbaday Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 10, 2009 ^^^Just proves you are part of Somalia does it not. Otherwiaw you would have your own Envoy. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 10, 2009 we don't need our own envoy ,, does America have one ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 10, 2009 ^^^No but Walid Abdalla is not mediating America is he? Give it up, the man is your envoys as you said above in your own post. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted September 11, 2009 Wefti u hogaaminayo Ergayga gaar ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Misleading. Waa ergey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, which includes Waqooyi Galbeed, not as a separate entity. ______________ War ninka isjeclaa. Yaa ogaado this very picture will be put on somewhere on that clustered wall. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted September 11, 2009 Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiy aar: War ninka isjeclaa. Yaa ogaado this very picture will be put on somewhere on that clustered wall. lol...haddii uusan is jeclayn miyuu meesha isku dhejin lahaa?! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Thankful Posted September 11, 2009 That's why it's NW Somalia, he is visting all corners of the state. Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted September 11, 2009 Xamar buu soo qasey, Hargeysuu doonayaa inuu kabriid qabadsiiyo. Ninkan Soomaaliya halaga qabto Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted September 11, 2009 Nin sheekadiisii baa badaty, Soomaali belo kasta u talisay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
ANWAR Posted September 11, 2009 I think ADDE MUSE is saying in your face SOMALILAND [/qb] Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dhuujiye Posted September 11, 2009 Ahmedou Weld Cabdallah Horuy Konfuta Somalia usogubay hadana mawaxuu rabaa in uu kudaro Somaliland oo nabad ah? lolol Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted September 11, 2009 Waxaan xan waraystay inuu waqooyiga Soomaaliyana heshiisyo aan loo dhammayn Itoobiya iyo Somalia ka dhex sameeyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites