Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Ahmedou Ould-Abdalla Arrives Somaliland

Recommended Posts

Wefti u hogaaminayo Ergayga gaar ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ahmedou Weld Cabdallah ayaa soo gaadhay goordhaweyd Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

Weftigan oo ay ku wehelinayeen ergayga saraakiil sar sare oo ka tirsan Xafiiska Siyaasada qaramada midoobay ku leedahay dalka Nairobi, ayaa la sheegay inta uu dalka joogo inuu la kulmi doono Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Guddoomiyayaasha labada Xisbi Mucaarid ee KULMIYE iyo UCID Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Eng. Faysal Cali Waraabe.

 

Warar soo gaadhay Xafiiska Shabakada wararka ee Hadhwanaagnews ayaa sheegaya inuu ergayganu u yimi ka qeybqaadashada xalinta khilaafaadka Siyaasadeed ee wakhtigan ka aloosan dalka, iyo welib sidii uu xoojin lahaa Xafiiskii ay qaramada midoobay dhawaan shaacisay inay dalayacsiiyeen ee Hargeysa ka furteen oo muddooyinkii u danbeeyeyba xidhiidhkiisu xumaa ayaa hada u muuqda mid wax ka iska badeleen.

 

Waxa dhawaan Magaalada Hargeysa Socdaal ku yimi Kuxigeenka Ergayga qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, kaas oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Guddoomiye Xisbi Mucaarid Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] Iyo Faysal Cali Waraabe, kuwaas oo arrimo badan kala hadlay.

 

Ahmedou Weld Cabdallah oo imaanshiyaha caasimada Somaliland ee Hargeysa ay ugu danbeysay bishii Feberwari ee sanadkii hore 2008.

 

Si kastaba ha ahaatee Imaanshiyaha Weftigan qaramada midoobay ee Caasimada Hargeysa ayaa ku soo beegmay wakhti wax yar uun ka hor intii aanu iman ayaa la furay wadadaweyn ee horta Madaxtooyada Somaliland oo saaka Salaadii lagu waabaristay iyada oo xidhan oo ciidanka Boolisku teedsan yihiin, ciidan intii hore ka badan la dhigay.

 

Sidoo kale waxa xidhan maalintii sadexaad Xaruntii Golaha Wakiillada Somaliland, lamina garanayo wakhtiga rasmiga ah ee la furayo, waxa ay arrintoodu ku danbeyn doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi uu hogaaminayo Wiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Axmed Walad Cabdala ayaa maanta gaaray Magaalada Hargaysa ee Jamhuuriyada lagamacbaxday Somaliland.

 

Wafdi ka socda Qaramada Miodoobay oo uu hogaaminayo Wakiilka gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada Midaabay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdala ayaa maanta gaaray Magaalada Hargaysa ee Jamhuuriyada lagamacbaxday Somaliland.

 

Waxaana Wafdiga lagu wadaa in kulamo ay la qaataan hogaanka Jamhuuriyada lagamacbaxday Somaliland iyo hogaamiyayaasha Axzaabta Mucaaradka iyadoo kulamadaasina ay qayb ka yihiin dadaalada lagu dhax dhaxaadinayo dhinacyada isku haya Somaliland oo hada maraya heerkii ugu sareeyay kadib markii dagaal gacan kahadal ah uu ku dhaxmaray golaha Wakiilada ee Somaliland ee ka soo kala jeeda Axzaabta Mucaaradka iyo Muxaafadka Xaruntooda Magaalada Hargaysa iyadoo Xaunta Baarlamaankana aysan wax shaqo ah ka socon kagadaal markii ay la wareegeen Booliska.

 

Wafdiga ka socda Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale waxaa la socda Mas’uuliyiin ka socda hay’adaha Samafalka iyadoo booqashada Axmed Walad Cabdala uu ku tagay Magaalada Hargaysa ay noqonayso tii ugu horaysay uu ku tago Jamhuuriyada la magacbaxay Somaliland tan iyo markii Axmed Walad Cabadala loo magacaabay Wakiilka gaar ah ee arimaha Soomaaliya.

 

Shalay ayay ahayd markii Safaarada Maraykanka ee Nairobi ku leedahay ay cadaysay in ay ku xuntahay islamarkaana aysan u dul qaadanayn dib u dhaca doorashooyinka Maamulka Somaliland taasi oo muujinaysa in Qaramada Midoobay iyo Maraykankuba ay u soo jeedaan arimaha Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa (Somalilandpress)- Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa markii ugu horaysay maanta safar hawleed ku soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

Ergay Ahmed Waled Abdalla oo ay safarkiisan ku wehelinayaan masuuliyiinta sare sare ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasada iyo bini’aadamnimada waxa madaarka magaalada Hargeysa si heersare ah ugu soo dhaweeyay masuuliyiin xukumada ka tirsan oo uu horkacayo Wasiirukhaarajiga Cabdilaahi Maxamed DUcaale.

 

Ergayga ayaa wararka na soo gaadhayaa ay sheegayaan in mudada u joogo u kulamo la yeelanayo madaxda siyaasada sida Madaxweynaha, shirgudoonka Golaha Wakiillada iyo Golaha Guritda, Madaxda Axsaabta Qaranka, ururada bulshada, Hay’adaha Qaramada Midoobay ee wadanka ka shaqeeya.

 

Ahmed Waled Abdulle waa safarkii ugu horeeyay ee noociisa ah ee uu ku yimaado Somaliland, iyada oo aanay isku fiicnayn xukuumada talada haysa, ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland dhawr jeer oo uu saxaafada la hadlay u sheegay in aanu ninkani marnaba maslaxada Somaliland ka shaqayn balse uu ku hawlan yahay sidii uu u dhabarjebin lahaa.

 

Safarkan Mr. Abdalle ayaan xukuumadu shaacin, hase yeeshee hadaal ahaan suuga ugu jiray maalmihii u dambeeyay, iyada oo ay u sii gogol xaadheen laba wafti oo ka socday Qaramada Midoobay ka soo horeeyay, wadankana dib uga laabtay.

 

Ahmed Waled Abdulle ayaa mudooyinkii u dambeeyay ku hawlaanaa dib-u-heshiiyiinta kooxaha isku haya Soomaaliya iyo sidii loo dhisi lahaa dawlada Federaal ah, hase yeeshee hadana booqashadiisan oo lagu tilmaamay mid ay qaramada Midoobay il gaar ah ku soo eegtay Somaliland ayaa la ogayn ujeedada dhabta ah ee ka dambaysa. waxase xukuumadu ku sheegtay inuu dhexdhexaadin dhinacyada siyaasada ah isku dayi doono. wararka ka soo kordha safiirkiisana fadlan ishu ka haya Somalilandpress.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wefti u hogaaminayo Ergayga gaar ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya

Misleading. Waa ergey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, which includes Waqooyi Galbeed, not as a separate entity.

______________

 

walad1.jpg

 

War ninka isjeclaa. Yaa ogaado this very picture will be put on somewhere on that clustered wall.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiy aar:

War ninka isjeclaa. Yaa ogaado this very picture will be put on somewhere on that clustered wall.

lol...haddii uusan is jeclayn miyuu meesha isku dhejin lahaa?!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this