Che -Guevara Posted February 11, 2009 Warsidaha GO oo fursad u heley inuu wax ka waydiiyo Wasiirka Maaliyada Puntland Farax Cali Shire bixinta mushaharadka shaqaalaha Puntland in la bixiyey ayaa sheegey in dhamaan Wasaaradahu qaateen marka laga reebo ciidamada oo iyagu raashin la siiyey madaama tirakoobkoodu socdo. Wasiirka ayaa xusey in bixinta mushaharka timid sideed bilood kadib oo aysan shaqaalaha Puntland qaadan wax mushahar ah taasina sababtey in howl wadeenada Wasaaradahu ilaawaan xuquuqdii ay ku lahaayeen Xukuumada. Farax Cali Shire ayaa yiri " in shaqaalaha Puntland oo hela mushaharadkoda ay tahay qodobka ugu muhiimsan ee lagu doortey Xukumada uu Madaxweynaha uu ka yahay Cabdiraxman Maxamad Farole". Barlamanka Puntland ayaa ansaxiyey dhowaan misaniyad ku-meel gaar ah oo Sadex bilood ah taasoo ay horey ugu dhaqmi jirtey Xukuumadii uu Madaxweynaha ka ahaa Mud.Cadde Muse Xirsi. Xukuumada cusub oo barnaamijkeedii siyaasadeed la ansaxiyey ayaa waxaa looga fadhiyaa misaaniyad cusub iney Barlamanka Puntland horgeyso muddo Sadex Bilood gudahood ah iyada oo golaha Wasiirda xiligaas ansaxin buuxda heli doonaan. RADIO GAROWE, Bosaso Quote Share this post Link to post Share on other sites