Sign in to follow this  
Liibaan

Shacabka SSC oo Go'aansaday in ay isku Tashadaan iyo in Dib u Xoreeyaan DhulkoodaSSC

Recommended Posts

Liibaan   

indo.jpg

 

Ka hor imaatinkii gumastayaasha, Soomaalidu waxay u degganaayeen beelo beelo. Waxay lahaayeen qaab maamul oo u gaar ah, kuna kala dambayn jireen. Is-maamulkaasi oo lahaa jaranjarooyin kala hooseeya iyo xilal kala duwan,kuwaasoo ka tarjumaayey dhaqankooda iyo dabeecadda dhulkooda. Waxay kaloo lahaayeen Xeerar guud iyo kuwo gaar u ah...

 

Beelaha waaweyni waxay lahaayeen dhul ku magcaaban, dhulkaas oo haddana ugu sii kala qaybsanaa reer reer iyo jifooyin hoose. Waxayna ahayd mid aad u yar ama aan jirin in la helo dhul la wadaago oo la wada dego oo aan si gaar ah beel ugu magcawnayn. Reer kastaa wuxuu lahaa Isim (Madaxweyne), kaas oo ahaa ninka ay ka go'do talada reerku, iyo sida laga yeelayo dhulka beeshaasi ku magcaaban tahay. Iyadoo haddana sidaas dhulku ugu kala magcawnaa ayaa haddana waxaa jirtey in haddii abaaro ama biyo yaraani dhacdo in meeshii wax yaallaan la isugu tego iyadoo loogu martiyahay beesha sida gaarka ah dhulkaas ugu magcaaban. Haddii beeli dhul beel kale ku soo xadgudubtana birta ayaa la iska asli jirey.

 

Sidaas ayay Somali ku soo caano maashay. Ogowna in Maamulka Caynkaas ahi uu xitaa ka jirey Yurub tii hore iyo Adduunka oo dhan ka hor intaanu garaadka dadka oo sii kordhay aanu la iman qaab Is-maamulka Casriga ah ee maanta jira (Modern nation-state concept). Bal eeg England – waa qabiil Scots waa qabiil Ire iwm.

 

Soomalida ayaa iyaduna si sandulle ah (imposed) u qaadatay qaabkan casriga ah (nation-state) ee la isu maamulo, xilligii Gumeystaha reer Europe ee (1884-1960) iyo kadibba. Waxaana meeshii ka baxay Isimimadaa/Salaadiintii oo iyagu maamuus ahaan u sii jirey; mararka qaarna geli jirey arrimo dhaqan ee beesha hoos ahaan.

 

Arartaas waxaan uga socdaa. Soomalidu waxay lahayd Dawlad. Dhulka oo dhanna Dawladda ayaa lahayd. Ruuxa muwaadinka ahina dhulkaas meesha uu doono ayuu ka degi jirey, isagoon cidna marti ugu ahayn, oo dhulkiisii Soomaliyeed yahay. Dawladii waa burburtay oo dagaal sokeeye oo lagu hoobta ayaa dhacay. Dadkii xididka iyo xigaalka ahaa ayaa kala irdhoobay. Taasi waxay keentay in dadkii is dhexgalay 50kii sano ee ugu dambaysay in ruux walbaaba ku laabto meesha uu asal ahaan ka soo jeeday.

 

Waxaana iyana meeshii ku soo laabatay kaalintii isimada oo buuxiyey meeshii Dawladdu ka baxday.reer kastaana wuxuu dib u xaadhxaadhay soohdimihii dhulkooda iyo xeerarkii laga tegey. Laakin arrintaasi waxay ka suurto gashay meelaha qaarkood, kuwaas oo muddo ka dibna Nidaamkii Dawladnimo ee Casriga ahaa dib ugu soo laabtay, sida Puntland iyo Somaliland.

 

Haddaan Tusaale u soo qaato Beesha DH ee SSC, markii dhulka dib loogu soo laabtay waxaa isimadu u guntadeen in maamul iyo kala dambayn degaankooda laga sameeyo.si aanu u iman isku dhac dadkaan kala dhaqanka iyo lahjadaha ah ee meel kasta ka yimid oo giddigood dhulka asal ahaan ka soo jeeda. Waxaana Isimada iyo Cuqaasha Dhulbahane iyagoo hoggaaminya shacabkooda ku guuleysteen in aan wax dhul ah oo ku magcaaban reerkaas cid kale gacantiisa gelin, degaankoodana lagu soo xadgudbin. Waxay ka gaabsadeen in ay wax ku darsadaan Soomaaliland oo sheegatay in ay ka go'day dhulka intiisa kale iyagoo xeerinaya Midnimida Somaliyeed.

 

1998 ayay waxay ka qayb qaateen, dhisiddii dawlad Goboleedka Puntland, taas oo looga dan lahaa in dib loogu laabto Qaab mamulkii Casriga ahaa oo la samaysto Maamul inta laga gaaryo Dawlad Soomaliyeed. Waxayna kula Bahoobeen dadkii aya Isirka dhow ahaayeen. Beesha DH ee SSC waxay Puntland kaga qayb qaateen Muruq iyo maskax iyo dhulkii Beesha DH ee SSC gaarka ugu magacownaa ee Sool, Koonfurta Sanaag iyo gobolk Cayn loo yaqaan ee Buuhoodle Casimadda u ahayd. Halkaasina waxaa Masuuliyaddii Dhulku Ku wareegtay Dawlad Goboleedkaas ay kula maataanoobeen Walaalahooda ee beelaha Puntland.

 

15 Oktober 2007, ayaa ciidamada Somaliland waxay la wareegeen Gacan ku hayntii Magalaada Laascaanood iyagoo bannaanka u oo saaray Kuwii Puntland. Waxayana ku dhawaaqeen in Laascaanood iyo gobolkii ay Caasumadda u ahaydba ay ka mid yihiin dhulka ka go'ay Soomalida inteeda kale ee Somaliland labaxay. Taas oo ka cadhaysiisay dhammaan reer Puntland iyo Soomaalida kale ee midnimada jecelba.

 

Haddaba Maamulkii Puntland ee meesha laga qabsaday iyo kan hadda joogaba midkoodna iskuma hawlin soo celinta dhulka laga qabsaday, sababta taasi u dhacdayna waa arrin aan cid garanaysa jirin ilaa imminka. Waxa kaliya ee maamulkii hore ee Cadde Muse iyo kan hadda ee Faroole ka siman yihiin in ay warbaahinta ka sheegaan in Laascaanood ay soo celinayaan, waajib saaranna ay tahay.

 

Beeshii DH ee SSC dadkeedii la qaxiyey, dhulkoodii gaarka ahaana la haysto ayaa ku qancay in 2 sano kadib aan waxba loo soo wadaa jirin. Hiil ee Puntland ka sugaanna aanu meesha ka soo muuqan, sidaa daaraadeed waxay go'aansadeen in ay isku tashadaan, waxayna abaabuleen shir ay beeshu isugu timid kaasoo Horseed loogu Wanqalay, kana dhacay Nairobi. laguna sameeyey Urur leh Guddoomiye (Hoggaamiye) iyo ku xigeen iyo Golihiisa fulintaba; Kuwaas oo u hawlgeli doona soo celinta dhulka la haysto.

 

Laguna soo gabo gabeeyey Gooddigii Garaad Jaamac Garaad Cali ee BBcdu sii daysay.ee beryahanba la hadal hayey...

 

Waxaase Dad badan is weydiinayaan Dhulka maqan ee Xoreyntiisa gulufka loogu ballamay in ay ka mid yihiin kuwii Beesha hore uga maqnaa sida Caynaba iyo Ceerigaabo.

 

Waxaa la hubaa in ay guulasanayaan dadka Xaqa ahi. sidii Ilaahay looga bartay. Laascaanood iyo meelo kalena gacanta dadkii lahaa ku soo noqonayaan. Waxaana kaloo hubaal ah in shacabka reer Punland ay hiil iyo hooba la garb istaagi doonaan oo aanay Walaalahood hawsha ku keliyeynaynin.

 

Haddaba marka dib loo hanto dhulka maqan waxaan rajaynaynaa in aan beesha DH ee SSC ka aargoosan Walaalahood oo aanay ku dhawaaqin maamul u gaar ah, ee ay dib ugu soo noqdaan Puntland. dabdeedna dib loo saxo khaladaadkii sida dadban ama ka fiirsi la'aanta ahaa u dhacay markii la asaasayey Puntland. Kasoo ahaa mid ay beeluhu aad u kala sad-bursadeen. Waxaana jirtey in beelaha qaarkood aanay xoog saarin in ay wax helaan waayo waxaaba loo arkayey in maamulku uu jiri doono muddo kooban oo Dawlad Somaaliyeed dhakhso loo helayo.

 

Furashada Laascaanood iyo soo celinteeduba waxay noqonaysaa mid horseedda Puntland cusub, oo ka barwaaqo iyo maamul wacan kuwii hore dadkii la dulamayna xaqoodii ku helaan.

 

Waxaan halkaan dib ugu noqnayaa arrintii Garaadka ee dadka qaarkii qoonsadeen. haddaba intaynaan ka hadlin hadlkii goodiga lagu sheegay waxaan is ku dayayenaa bal waxa Gaaraad yahay.

 

Waa maxay Garaad?

 

Iydoo kooban Garaad waa Madaxweyne. waana erey bixin Soomaaliyeed ka hor inta aanay luqadaha shisheeye ina soo gelin. Ra'iis waa afcarabi waana Madax. Haddii madaxu yahay meesha jirka qofka ugu sarreysa Garaadkuna(maskax) waa inta ugu muhiimsan ee madaxa qofka, jirkana laga maamulo. Sidaa daraadeed, Garaad waa ruuxa ugu mudan uguna sarreeyey beesha.

 

Markaa Garaad waa Madaxweyne dadka uu u taliyaa inta ay doonaan ha le'kaadeene. Eeg Boqor waa xadhig ama suun Habluhu dhexda ku xirtaan oo jirka u dhexeeya; waa Boqor, dadkoo dhan ayuu u dhaxeeyaa. Soomaaliduna waxay lahaayeen ery bixnno kala duwan oo Garaad, Ugaas, Boqor, Malaaq, Wabar,Sultaan (carabi) iwm. Intuba waa isku mid oo ma kala sarreeyaan ee qoysba midkii uu jeclaystay ayey Isimkooda/duubkooda ula baxeen.

 

Haddaba Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamc Garaad Cali waa Isinka guud ee Beesha DH ee SSC. Waxaana 22/5/2006 lagu doortay laguna caleeemo Saaray Caasimaddii Dhulka Beesha DH ee SSC oo ah Laascaanood. Wuxuu ku abtirsada Isimkii u horreeyey ee Saciid H yeesho. sidaa daraadeed waa Madaxweynaha Beesha DH ee SSC oo xilku isaga ayuu saaran yahay.mid dhaqan iyo mid maamulba haddii aanay jirin Dawlad Guud.

 

Sidaa daraadeed, hadaladii Garaadku waxay ahaayeen kuwii laga sugayey Madaxweyne dhulkiisii la qabsaday oo dibadda looga tuuray inuu ama is-dhiibo oo madiidin u noqdo kuwii qabsaday ama dagaallamo meesha ay doontaba ha gaarsiisee waa arrin dabiici ah. guul ama geeri!!!!

 

Haddii dawladii meesha ka baxaday waa waajib saaran Garaadku in uu hawsha galo.sidaa daraadeed sokeeye iyo shisheeyaba ruuxii Garaadka arrinkaa ugu garaabi waayaa amaba ku qoonsadaa waa gardaran yahay.

 

Hadal iyo dhammaantii waxaan u rajaynaynaa Garaad Jaamac iyo Beesha DH ee SSC guul dhakhso ah. insha Allaah...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this