Sign in to follow this  
General Duke

Jowhar Baidoa are getting ready to host the Somali government...

Recommended Posts

Jowhar: Banaan Bax ka Dhacay Jowhar, Shabeelaha Dhaxe oo Cambaaraysay Idaacad iyo Saxaafad ka beensheegtay

- Tuesday, March 22, 2005 at 14:09

 

Lagu Taagerayo Go’aanadii Golaha Wasiirada Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Jowhar

 

Jowhar (AllPuntland)- Banana bax balaaran oo ay kasoo qeyb galeen Mas’uuliyiinta Guddiga Siyaasada Gobolka Shabeelaha Dhexe, mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Jowhar, urrurada Haweenka Gobolka iyo kan Degmada, Ardada wax ka barata dugsiyada Magaalada Jowhar, ganacsatada iyo dadweynaha magaalada ayaa maanta ka dhacay garoonka weyn ee gobolka shabeelaha Dhexe.

 

Banaanbaxan oo ahaa mid lagu taageerayo Go’aanadii shalay ay qaateen xubnaha Golaha Wasiirada ayaa mas’uuliyiintii ka hadashay waey inta badan tilmaameen in ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan haddii ay dowladu timaad Magaalada Jowhar iyo dhammaanba goblada kale ee dalka.

 

Mas’uuliyiintii maanta ka hadashay halkaasi oo uu ka mid ahaa Ku simaha Gudoomiyaha Guddiga Siyaasada Gobolka Shabeelaha Dhexe Md: Cismaan Xaaji C/lle “Caqiil†ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaaddo kooxaha iyagu wadda tafaraaruqa iyo kala qob qobka ummada Soomaaliyeed, iyagoo mar walibana caadeystay in ay qaar ka mid ah dadka soomaaliyeed ku beer laxawsadaan arrimo Qabiil.

 

Md: Caqiil ayaa sidoo kale sheegay in maaamulka iyo shacabkiisuba ay diyaar u yihiin ay qabtaan kaalinta kaga soo aada Dowlada Federaalka in la garb istaagaan hiil iyo hooba.

 

Abshir Cali Gabre

 

AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo: Dadaal Lagu Soo Dhawaynayo Xukuumadda KMG Somaliya oo ka Socda Baydhabo

- Tuesday, March 22, 2005 at 15:07

 

Baydhabo (AllPuntland) - Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa si fiican uga soconaya diyraar garowga loogu jiro soo dhawaynta golaha xukuumadda KMG qaybteeda imanaysa magaalada Baydhabo.

 

Maamulka degmada Baydhabo ayaa bilaabay ololayaal loogu diyaar garoobayo soo dhawaynta xukuumadda oo ay kamid yihiin nadaafadayn kasocota waddooyinka magaalada Baydhabo , diyaarinta guryo loogu talo galay inay timaaddo wufuudda dawladda , dayactirka xafiisyada ay dawladdu ku shaqaynayso , iyo waliba dhamaystirka guryo qabyo ahaa oo loogu talo galay in laga dhigo Hoteello waawayn oo ay wufuuddu ku dagaan inta ay joogaan magaalada Baydhabo.

 

Inkastoo magaalda Baydhabo uu si fiican u saameeyay burburkii Soomaaliya hadana waa magaalo aad mooddo inay diyaar u tahay in wufuudda golayaasha dawladda ay dagaan marka laga eego dhinacyada ammaanka, qaabka, cimilada, iyo nolasha guud.

 

Waxaa xaqiiqo ah in magaalada Baydhabo ay ka soo kabanayso burburkii soo gaaray dagaalladii kala danbeeyay ee sokeeye ee magaaladaasi sida xun u waxyeelleeyay marka ay xukuumaddu ka shaqo bilowdo magaalada Baydhabo.

 

Dhinacyada dadku ay ka faa'iidaysan doonaan waxaa kamid ah shaqooyin ay dadku ka heli doonaan xafiisyada dawladda , shaqooyin isugu jira kuwa xafiisyada iyo tarjumaanno ay dadka shacabka ah heli doonaan iyo sidoo kale magaalada oo noqon doonta meel camiran oo caalamka looga yimaado.

 

Maamulka degmada Baydhabo waxay kale oo ay haatan bartanka uga jiraan hawlo ku saabsan sugidda ammaanka iyo xaddidaadda maleeshiyaadka hubaysan.

 

Isku soo wada duuboo, rajada reer Baydhabo ee ah in magaaladoodu ay noqoto sidii ay bari ahaan jirtay markii loogu yeeri jiray Baydhabo Jannaay ayaa ah mid aad u saraysa.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo iyo Jawhar oo laga Soo Dhoweeyey Go'aankii Golaha Wasiirada

 

Bannaanbaxyo lagu taageerayo go’aankii shalay golaha wasiirrada dowladda kmg ah ku gaareen magaalada Nairobi ee ahaa in dowladda kmg ah ay xarumo kmg ah ka dhigato magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo ayaa maanta ka dhacay magaalada Jowhar iyo Baydhabo.

 

Dad wayne dhowr boqol ahaa oo ku dhaqan magaalada Jowhar,ayaa isugu soo xoomay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar,iyagoo ku dhawaaqayay erayo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsanyihiin in magaaladoodu ay ka mid noqoto goobaha dowladdu ku soo dagayso ka hor inta aanay tagin magaalada Muqdisho ee caasimadda ah,oo ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi uu sheegay in dowladdu ay xafiis ka furan doonto inta ammaankeedu ka hagaagayo.

 

Dadkaasi maanta bannaan baxa ka dhigay magaalada Jowhar waxaa khudbad u jeediyay sii hayaha xilka guddoomiyenimada gobolka Shabeellada dhexe Cusmaan Xaaji Cabdulle "Caqiil" oo u sheegay in looga baahanyahay in ay xil wayn iska saaraan,sidii dowladda ay ugu soo dhawayn lahaayeen magaalada Jowhar,ayna wax badan ka qabtaan dhinacyo fara badan ,sida Nadaafadda, Ammaanka iyo arrimo kale oo dowladda u suurto galin kara inay Jowhar si hagaagsan uga howl bilowdo.

 

Sidoo kale magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo dowladdu ay dooratay in ay ku sii shaqayso ayaa iyan adadka ku dhaqani waxay muujiyeen sida ay ugu faraxsanyihiin in magaaladoodu ay mutaysato in dowladdu ay ku soo dagto.

 

Ururrada bulshada rayidka ah ee magaalada Baydhabo ayaa maanta bayaan ay soo saareen ku muujiyay sida ay ugu bogsanyihiin go’aankii golaha wasiirradu shalay ku guddoonsaday in xarumo kmg ah ay dowladdu ka dhigato magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo, laakiin Xildhibaan Maxmed Ibraahim Xaabsade,oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo horayna u sheegay in aanu oggolayn in caasimadda dalka Muqdisho xitaa si kmg ah looga baddalo ayaa mar kale maanta ku celiyaya in aan mowqifkiisii waxba iska baddalin,isagoo sheegay in aanu soo dhawaynaynin in magaalada Baydhabo ay dowladdu ku soo dagato.

 

Liibaan cabdi Cali

hayaan_8@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaalada Baydhabo saaka laga abaabulayay Bannaanbax lagu soo dhaweynayo go’aankii Golaha Wasiirada.

 

Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada baydhabo ee xaruunta gobolka baay ayaa sheegaya in garabyada RRA da ee kala hoggaamiyaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) Wasiirka Garsoorka iyo Caddaaladda iyo Xasan Maxamed Nuur Shaatigaduud ay abaabulayaan bannaanbax lagu taageerayo go’aankii Golaha Wasiirada ku gaareen in Baydhabo iyo Jowhar Dowladda KMG ah u guurayso.

 

Saraakiisha Labadaas garab ayaa ii xaqiijiyay in bannaanbaxan uu yahay mid lagu taageerayo go’aanka Golaha Wasiirada, waxayna sheegen in dadka ku nool Labada Gobol Baay iyo Bakool ay soo dhaweynayaan in dowladda KMG ah xaruun ka dhigato magaalada Baydhabo.

 

Dhanka kale xalay ayaa la gaarsiiyay Maxamed Ibraahim Xaabsade in la dhigi doona bannaanbaxan hase ahaate Xaabsade ayaa sheegay inaan baydhabo soo caga dhigan Karin Dowladda KMG ah, iyadoo arrimahan laga yaabo in mar kale keenan dagaal sokeeye oo dhex maro garabyada RRA da.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Diinsoor: Dibad baxayaal taageeraya DF Soomaaliya iyo Imaanshaheeda Baydhabo

- Wednesday, March 23, 2005 at 14:58

 

Diinsoor (AllPuntland)- Bannaanbax ballaaran oo lagu taageerayo DFKGS isla markaana lagu taageerayo inay DFKGS timaaddo magaalada Baydhabo ayaa maanta ka dhacay magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.

 

Bannaanbaxayaal boqolaal gaaraya ayaa socod ku maray waddooyinka magaalada Xuddur kuwaasoo ku qaylinayay ereyo ay ku taageerayaan in Baydhabo ay u qalanto inay noqoto xaruta kumeel gaarka ee dalka Soomaaliya ,

 

Bannaanbaxayaasha ayaa markii ay soo gabo gabeeyeen socodkii ay DFKG ku taageerayeen waxaa hadallo ujeediyay maamulka degmada Xuddur gaar ahaan guddoomiyaha degmadaasi oo lagu magacaabo Maxamed Macallin Axmed.

 

Magaalada Xuddur oo ah magaaalo dad badani ay ku dhaqan yihiin ayaan waxbadan ka fogayn magaalada Baydhabo ee u caleemo saaran xarunta kumeelgaarka ah ee DFKGS waxayna ujirtaa 180km.

 

Dhinaca kale Bannaanbax kaasi kasii wayn ayaa maalinta bari ah la filayaa inuu ka dhoco magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay , halkaasi oo si rasmi ah uga soconayo qaban qaabada bannaanbaxaasi .

 

Gobollada Baay iyo Bakool ayaa ah gobollada sida wayn looga taageersanyahay in Soomaaliya ay hesho dawlad Soomaaliyeed kadib markii dalku uu dawlad la'aa muddo 14 sano ah.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this