Sign in to follow this  
General Duke

Geedi, attacks Bin Laden. stay out of Somalia

Recommended Posts

Baydhabo: Cali Maxamed Geeddi oo jawaab kulul siiyay Cusaama Binlaaddin.

Sunday, July 02, 2006

 

Baydhabo(AllPuntland)- Raysulwasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa ka jawaabay hadal uu jeediyay hogaamiyaha ururka Alqaacida Cusaama Binlaaddin.

 

Cali Maxamed Geeddi oo shir jaraa'id goor dhow oo galabta ku qabtay magaalada Baydhabo wuxuu sheegay in Cusaama Binlaaddin uusan wakiil ka ahayn shacabka Soomaaliyeed, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay diinta uga soo horeeyeen Cusaama Binlaaddin.

 

Md: Geeddi wuxuu sheegay in Cusaama Binlaaddin uusan ahayn hogaamiye diineed , ee uu doonayo inuu fidno iyo qas ka sameeyo dalka Soomaaliya.

 

Wuxuu sheegay Geeddi in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin dad nabadeed oo aan ubaahnayn in la marin habaabiyo , wuxuuna u sheegay Cusaama Binlaaddin inuu faraha kala boxo arinta Soomaaliya.

 

Wuxuu kaloo sheegay Geeddi inay dawladda u caddaatay in Cusaama Bin Laaddin uu ku lug leeyahay arimihii lagu eedaynayay ee ahayd inuu Soomaaliya ku leeyahay xiriiro xag jir ah.

 

Cali Geeddi wuxuu sidoo kale sheegay in haddii ay leeyihiin dalal ay ku ekaadaan Cusaama Binlaaddin iyo raggiisa , haddii kale dawladda federaalka Soomaaliya ay tallaabo cad ka qaadan doontio.

 

Hadalkan ayaa kusoo beegmay mar uu cajal maqal ah soo diray Cusaama Binlaaddin , kuna sheegayo in maxkamadaha la taageero .

CCC Farayaamo

AllPuntland

 

 

 

 

 

 

 

 

Related Articles

Share this post


Link to post
Share on other sites

BAYDHABO: Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Max'ed Geeddi oo u jawaabay Sheekh Usama Binu Laden

Posted to the Web Jul 02, 17:48

 

 

Baydhabo (PP) - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geeddi oo gor dhow shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa si weyn u weeraray Sheekh Usaame Binu Laden oo ah hoggaamiyaha Shabakadda Al-qaacida.

Ra'iisul wasaare Geeddi oo tixraacayay hadal uu xalay jeediyay Sheekh Usaame binu Laden oo ku saabsan Soomaaliya iyo midowga Maxkamadaha ayaa sheegay inuu yahay nin aan mas'uul ka ahayn Soomaaliya ayna Soomaaliya ka taliso Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu ugu baaqayo isaga iyo inta la midka ahba inay ku ekaadaan dalalkooda oo aysan isku dayin inay Soomaaliya dhiba ka abuuraan.

 

"Usaame Binu Laden isaga iyo waaliddiintiis iyo weliba isirkiisa intii aysan dhalan ayay Soomaaliya ahayd meel ay ku nool yihiin dad Muslimiin ah isagana kama yeelayno hadda inuu guubaabiyo kooxo isaga wakiil ka ah oo ku sugan gudaha Soomaaliya" ayuu si kulul u yiri Prof. Geeddi oo intaas ku daray: "Cajaladdii uu faafiyay Usaame waxay caddeyn buuxda u tahay tuhunkii uu horay caalamku uga qabay Soomaaliya oo ay uga shakisnaayeen inay ku sugan yihiin xubno argagaxiso ah oo wakiil ka ah Usame".

 

Prof. Geeddi ayaa sheegay inay tahay arrinta Sheekh Usaame binu Laden mid ku talo gal ah oo uu ku doonayo inuu ku sii huriyo Dhibaatada ka jirta Soomaaliya, waxaana uu sheegay Prof. Geeddi inay dowladda Federaalka Soomaaliya si xoog ah kaga saari doonto kooxaha wakiilka ka ah ee ku fikirka ah ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

 

Hadalkaan uu ka jeediyay Shirka jaraa'id ee uu qabtay Prof. Geeddi ayaa u muuqday kuwo ay ka buuxaan caro iyo inuu ka carooday hadalkii ahaa inay shacabka Soomaailyeed la dagaalamaan dowladda Federaalka oo uu Usaame ku sheegay inay tahay mid dabo-dhilif u ah shisheeyaha.

 

Hadalkan ka soo yeeray raysalwasaare Geedi oo uu kaga hadlayey Cajaladii Osma Bin Laden, ayaa kusoo beegmatay waqti ay wadanka dibadiisa ay Safaro ugu maqanyihiin Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliya Mudane. C/laahi Sheekh Ismaaciil.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this