Sign in to follow this  
General Duke

Baydhabo: Somali clan leaders,law makers other VIP meet with President Yusuf

Recommended Posts

DSC00363%5B1%5D.jpgBaydhabo: Madaxweynaha dowladda KMG oo bilaabay la tashiyo ku aadan magacaabista mas'uulkii badali lahaa Geeddi

 

30. Oktober 2007

Baydhabo(AllPuntland)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa bilaabay inuu la tashiyo la sameeyo xubnaha Baarlamaanka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed isagoo kala tashanaya magacaabista Wasiirka koowaad maadaama uu xilka ka tegay Cali Maxamed Geeddi Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

 

Kulamo kala gooni gooni ah oo Madaxweynaha uu la leeyahay xubnaha Baarlamaanka iyo waxgarad kale ayuu kala hadlayaa mas'uulkii badali qaban lahaa booska uu baneeyay Cali Maxamed Geeddi, waxaana uu maanta Madaxweynaha uu la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa shalay ka codsaday Baarlamaanka in la tixgeliyo heshiiskii magaalada Riyaad ay ku saxiixeen madaxda dalka, waxaana qodobadaasi ka mid ahaa kuwii ka soo baxay shirweynihii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay Muqdishooo dhigayey in Wasiirada laga soo dooran karo Baarlamaanka bannaankiisa.

 

Xiligan waxaa ayaa waxaa Ra'iisul Wasaare KMG ah Saalim Caliyow Ibrow oo horay u ahaa ku xigeenka koowaad ee Ra'iisul Wasaaraha.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Is-casilaaddii Ra’iisal Wasaare Geeddi kadib maxaa ka socda Magaalada Baydhabo?

 

Talaado, October 30, 2007(HOL): Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo baaxad leh kadib markii uu shalay is-casilay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Cali Maxamed Geeddi.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo muddo 30 maalmood ah u heysto in uu ku soo magacaabo Ra’iisal Wasaare cusub ayaa wuxuu bilaabay la-tashiyo uu la sameynayo Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo uu maalintii shalay ahayd ku wargeliyay in ciddii talo ku biirineysa uu soo dhaweynayo.

 

Wararka aanu ka heleyno Magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynaha uu Prof. Saalim Caliyow Ibrow uu si KMG ah ugu magacaabay Xilka Ra’iisal Wasaarenimo ee Soomaaliya tan iyo inta uu ka soo magacaabayo Ra’iisal Wasaare cusub.

 

Warar kale oo aan ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynaha uu doonayo in Ra’iisal Wasaaraha uu soo magacaabayo uu ka keeni doono Baarlamaanka Soomaaliya dibaddiisa waase marka ay Xildhibaannada Baarlamaanka sharci ka dhigaan go’aan ka soo baxay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan Muqdisho lagu soo gebagebeeyay, kaasi oo ahaa in Xubnaha Xukumadda laga keeno Baarlamaanka dibaddiisa, si ay Dowladda ugu soo biiraan Aqoonyahanno wax ka qaban kara xaaladda uu dalka ku sugan yahay.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay la hadlayay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Baarlamaanka laga doonayo in uu meel-mariyo Qodobo ka soo baxay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, qodobadaas oo uu sheegay in ay saxiixeen Isaga, Prof. Geeddi, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Duubabka Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed.

 

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Baarlamaanka Soomaaliya la hor-geeyo Qodobadaas oo uu ugu xasaasisan yahay qodobka ah in Xubnaha ka mid noqonaya Xukuumadda Federaalka laga keeni karo Baarlamaanka dibaddiisa, inkastoo xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay horay u sheegeen in Shirkii Dib u heshiisiinta uu ahaa mid lagu heshiisiinayay Beelaha Soomaaliyeed, isla markaana uusan ahayn mid siyaasadeed oo ay ka soo bixi kareen qodobo wax looga bedelayo Axdiga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya oo ah meesha ugu nabad-gelyada xun Soomaaliya ayaa waxaa si weyn looga hadal-hayaa cidda uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf soo magacaabayo ee uu ku bedelayo Ra’iisal Wasaarihii is-casilay Prof. Cali Maxamed Geeddi, iyadoo sababta ugu weyn ee ay u daneynayaan arrintaasna ay tahay bal in is-bedelka ku yimid Dowladda Federaalka uu keenayo wax xal u noqda Mushkiladda nabadgelyo la’aaneed ee ka taagan Caasimadda Soomaaliya.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/lahi oo bilabey la tashiyo

30 Oct 30, 2007 - 1:54:57 AM

 

Wararka ka imanaaya Baydhabo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Cabdulahi Yusuf bilaabey la tashiyada xildhibaanada ka soo jeeda beelaha ****** kuwaas oo la filayo in uu ka yimaado Ra'isal Wasaaraha cusub.

 

DFKMG ah ayaa ku dhisan qaab qaybsi qabiil oo loogu magacaabo 4.5.

 

Dhinaca kale waxaa jira warar soo baxaya oo xusaya in Madaxweyne Cabdulahi xaawilayo in xildhibaanada DF horgeeyo qodobka ah in mas'uuliyiinta dowlada laga keeni karo Barlamanka gudahiisa iyo dibadiisa.

 

Qodobkaan ayaa sidoo kale waxaa aad u daneynaya wadamada tageera DFKMG ah kuwaas oo ay ugu horeyso dowlada Mareykanka oo la rumeysan yahay in ay lug ku laheyd istiqaalada Geedi shaley dhiibey.

 

Ra'isal Wasaaraha cusub ayaan la gareyneyn meesha uu ka imaan doono iyada oo warar aan la xaqiijin sheegayaan in uu ka imaan doono banaanka Barlamanka.

 

Dowlada Mareykanka ayaa xaawileysa in Rai'sal Wasaaraha cusub ka yimaada mucaradka dowlada kuwooda qunyar socodka ah.

 

Dhinaca kale ku-xigeenkii Ra'isal Wasaare Geedi Saalim Aliyow Ibrow ayaa loo magacaabey ku-simaha Wasiirka Kowaad kadib markii Cali Maxamad Geedi Istiqaalad u dhiibey Madaxweynaah DFKMG maalntii shaley.

 

Ibrow oo siyaasad ahaan u dhowaa Ra'isal Cali Maxamad ayaa xariga ka furtey isbaheysigiisa intii uu ku maqnaa wadanka Ethiopia [safarkiisii hore] ayaa sii hayn doona xilka inta laga soo magacaabayo Ra'isal Wasaare cusub taas oo noqon doonta muddo 45 cisho ah.

 

Garowe Online,Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Yuusuf Oo Shirar Hoose Ka Bilaabay Baydhaba

 

(Baydhaba}30.10-7

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa kulamo gooni gooni ah ka bilaabay Magaalada Baydhaba,

 

kaasoo ah wada tashiyo uu Xildhibaanada iyo Beelaha ****** kala yeelanayo sidii uu usoo magacaabi lahaa Raysal Wasaare cusub.

 

Warar ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Kulamada uu Madaxweynuhu la yeelanayo Xildhibaanada ay yihiin kuwo intooda badan talo iyo wada tashiyo ah oo ku aadan cida uu u magacaabi lahaa Raysal Wasaarenimada.

 

Madaxweynaha ayaa la sheegay in xubno badan oo Beesha ****** ka tirsan ay u gudbisteen codsiyo ah inuu u magacaabo Raysal Wasaare si ay u buuxiyaan Booska Cali Geeddi.

 

Warar hoose oo aynu heleyno ayaa sheegaya in Xubno ay ka mid yihiin Prof. Afrax oo ah Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Gacma Dheere ay u gudbisteen qoraal ah in ay jagada Raysal Wasaarenimo loo magacaabo.

 

Madaxweynaha ayaanu jirin ilaa iyo hada cid gaar ah oo uu wato, waxaase la isla dhex marayaa inuu wado qorshe ah in Raysal Wasaaraha banaan ka soo magacaabo, waxaana isa soo taraya xubnaha loo magacaabayo oo dadka qaarkii ay sheegayaan in ay noqon karaan midkood Cali Mahdi iyo Nin aqoonyahan ah oo lagu magacaabo C/llaahi Warsame loo magacaabayo xilkaas

 

Widhwidh Online News Desk...Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/laahi Yuusuf ah oo bilaabay la tashiyada magacaabida R/lwasaarihiisa.

 

Madaxweynaha Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa la xaqiijiyey in uu bilaabay la tashiyo ku aadaan cidii uu u magacaabi lahaa Ra’isalwasarahiisa.

 

La Tashiyada madaxweynaha ayaa la sheegay inay isla shaley galinkii dambe ay bilowdeen iyadoo xildhibaanada baarlamanka ee ka soo jeeda Beelaha ****** uu madaxweynuhu latashiyo kala sameynayo magacaabsita Ra’isalwasaraha, maadaama awood qaybiga ay ku dhisan tahay Dawlada Federaalka KMG beelahaasi u leeyihiin Ra’isalwasaaraha.

 

 

 

Warar aan si buuxda loo shaacin ayaa sheegaya in madaxweynuhu siyaasiyiinta iyo odayasha dhaqanka ee beeshaasi uu kala hadley cidii loo magacaabi lahaa jagaadaasi, waxaana ilaa iyo haatan la hadal hayaa dad kala duwan oo qaarkood ku jira baarlamanka iyo kuwa aan ku jirin.

 

 

 

Warar laga helay dad wargal ah ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu baarlamanka waydiinsan doono in wax laga badalo qodobo ka mid ah dastuurka si ay u suurta gasho in Ra’isalwasaaraha iyo xubnaha wasiirada ay ka imaan karaan banaanka, iyadoo axdiga KMG uu qabo in baarlamanka KMG ah dhexdiisa ay ka yimaadaan wasiirada iyo ra’isalwasaaraha.

 

 

 

Dadka mid ka mid ah ay u muuqanayo in loo magacaabo Ra’isalwasaaraha ee sida gaarka ah isha loogu hayo ayaa waxaa ka mid ah C/laahi Warsame oo horey wasiirka maaliyada uga ahaa xukuumadii Max’ed Siyaad Barre, laakin baarlamanka aan ka mid aheyn, C/kariim Faarax Laqanyo oo horey u ahaa safiirkii Soomaaliya ee Itoobiya, Max’ed Max’uud Guuleed (Gacmadheere) oo ahaa wasiirkii arimaha gudaha ee xukuumadii Geedi, Bashiir Raage Shiiraar aan baarlamanka ka mid aheyn, Xasan Dhimbil oo ahaa wasiirkii garsoorka ee xukuumadii Geedi, iyo xubno kale oo ka mid ah ururada bulshada Rayidka, iyadoo sidoo kale la hadal hayo nin ka mid ah maamulayaasha hay’adaha warbaahinta Soomaalida.

 

 

 

SBC International News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

The old man is working hard. IA, he will reap the fruits of his work in the times ahead by delivering the promise he made when he was elected.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this