Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Bendiiradley Latest! Commander of Mudug/Cayn region Ilkacase reports!

Recommended Posts

Bandiiradleey: "Racii Koowaad, Labaad iyo saddexaadba waan jabinay, hadana waxaan dhaafnay Bandiiradleey" Taliyaha aagga Mudug ee ciidamada daraawishta.

 

Axad, December 24, 2006

 

Bandiiraldeey (AllPuntland)- Dagaal aad u kharaar oo saaka ka bilowday deegaanka Bandiiradleey ee gobolka Mudug ayaa waxaa ka soo baxay warar dheeraad ah oo ku aadan khasaaraha uu gaystay.

 

Taliyaha aagaga Mudug iyo Cayn ee ciidamada daraawiishta DGPL G/sare Maxamed Muuse (Ilka dheere) ayaa Radio Gaalkacyo u xaqiijiyay in ay guulo ka gaareen dagaalkaasi.

 

"Dagaalku wali waa socdaa, racii koowaad, labaad iyo saddexaadna waanu jabinay, hadana waxaan maraynaa bandiiradleey meel koonfurta ka xigta" ayuu yiri Mudane Ilka dheere.

 

Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in ciidamada isbahaysiga difaaca gobolka Mudug uusan soo gaarin wax khasaare ah oo dhimasho iyo dhaawac ba leh.

 

Warka ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in ciidamada maxkamadaha magaalada Muqdisho ay soo qadeen weerarka dagaalka.

 

Dhanka maxkamadaha wax war ah lagama hayo oo ku aadan khasaaraha soo gaaray inta uu la eg yahay

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galinsoor: Dagaalkii Bandiiradleey oo ku siqay degmada Galinsoor.

 

Axad, December 24, 2006

 

Galinsoor (AllPuntland)- Dagaalkii ka soconayay deegaanka Bandiradleey ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu u siqay dhanka degnada Galinsoor oo ay gaareen malayshiyooyinka maxkamadaha magaalada Muqdisho.

 

Wasiirka maaliyadda ee DGPL Dr, Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab) ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in dagaalkaasi uu ku suqay dhanka degmada Galinsoor oo haatan uu dagaalku ka socdo.

 

Waxa uu wasiirku sheegay in ciidamada maxkamaduhu ay lahaayeen weerarka soo qaadi taankiisa aysanna ka hari doonin.

 

Ma jirto cid ka socota maxkamadaha oo ka hadashay dagaalkaasi, iyo inta uu la eg yahay khasaraha dhankooda soo gaaray.

 

Degmada Bandiiradleey ayaa haatan dagan, iyada oo ay wali ka muuqdaan xaaladihii dagaalka.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cadaado: Dagaal culus oo ka soconaya duleedka degmada Cadaado.

 

Isniin, December 25, 2006

 

Cadaado (AllPuntland)- Ciidamda dawlad goboleedka Puntland iyo kuwa Koonfurta gobolka Mudug ayaa waxa ay gaareen deegaanka Galinsor ee gobolka Mudug iyaga oo u sii gudbay deegaanada dhanka Koonfureed kaga beegan.

 

Dagaal aad u kharaar ayaa waxa uu haatan ka soconayaa meel u dhow deegaanka Cadaado ee gobolka Galgaduud.

 

Saraakiil ka mid ah ciidamada Puntland oo aannu khadka taleefonka kula xirirnay ayaa waxa uu inoo cadeeyay in dagaalkii ugu danbeeyay uu haatan si toos ah uga soconayo deegaanka Cadaado oo ay doonayaan in ay dhowaan gudaha u galaaan degmada Cadaado.

 

Inkastoo ay muuqatay xaalad dagaal oo aanan la heli karin wararka saxda ah ee ku aadan dagaalka ayaa waxaa hadana mar aynu la xiriirnay saraakiisha hogaaminaysa ciidamada dawladda waxa ay inoo cadeeyeen in ay khasaare badan gaarsiiyeen ciidamada maxkamadaha ee ka soo hor jeeday.

 

Waxaa kaloo intaasi ay raaciyeen in ay gacanta ku dhigeen gadiid fara badan oo ay lahaayeen Maxkamadaha muqdisho iyaga oo gacanat ku haya in badan oo ka mid ah dhaawaca malayshiyooyinka maxkamadaha magalada Muqdisho.

 

C/salaan Dhagawayne oo isna ka mid ah hogaamiyayaasha ciidamada ayaa waxa uu inoo xaqiijiyay in ay ku sugan yihiin meel 5Km u jirta degmada Cadaado.

 

Isku soo wada duuboo dagaaladda ugu kharaar ayaa wax ay ka dhacayaan deleedka degmada Cadaado iyada oo dadka deegaanku ay ka qaxeen deegaankaasi.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cadaado :Wada hadal ku aadan sidii loo wareejin lahaa hubka iyo ciidamada ku jira deegaanka Cadaado uu u socda odoyaasha Cadaado iyo saraakiisha ciidamada isbahaysiga difaaca gobolka Mudug.

 

Isniin, December 25, 2006

 

Cadaado (AllPuntland)- Duleedka degmada Cadaado ayaa waxaa ka soconaya wada hadallo ku aadan qaabkii loo soo wareejin lahaa hub aad u fara badan oo ay lahaayeen maxkamadaha magaalada Muqdsiho iyo ciidamadii maxkamadaha ka joogay deegaankaasi.

 

Sarkiisha ugu sar saraysa ciidamada isbahaysiga difaaca gobolka Mudug iyo odoyaasha degmada Cadaado ayaa waxa ay kula ku leeyihin duleedka degmada.

 

Odoyaasha ayaa waxa ay balan qaadeen in ay soo wareejinayaan ciidamada iyo hubka ku jira magaalada gudaheeda taas badalkeedana ay u baahan yihin in ay helaan balan qaad ku aadan sidii loo nabad galin lahaa dadkaasi.

 

Taliyaha ciidamada daraawiishta ee DGPL C/laahi Cali Mire (Carays) oo ku sugan degmada cadaado ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ay doonayaan in ay soo afjaraan dhibaatooyinka ay wadaan kooxaha malayshiyooyinka ah ee taageersan maxkamadaha magaalada Muqdisho.

 

Waxa uu taliyuhu sheegay in aysan jirin wax dagaal ah oo ay kala kulmeen inta u dhaxaysa Cadaado iyo Galinsoor, marka laga reebo kooxo dhalinyaro ah oo aan sidaa u fara badnay oo sida uu sheegay ka soo cararay dagaaladii bandiiradleey.

 

Mudane Carays ayaa waxa uu cadeeyay in ciidamada ugu badan ee maxkamadaha u dagaalamayaa ay yihiin dad dhalinyaro ah oo aad u yar yar.

 

Col. C/laahi Cali Mire (Carays) ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan ciidamo aad u fara badan oo iyaga oo aan dagaalamin isa soo dhiibay, ayna u la dhaqmeen si wanaagsan, hadana ay ku hayaan meel xafidan.

 

Isku soo wada duuboo waxaa la filayaa in ciidamdu ay horay u sii socdaan.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this