Sign in to follow this  
Gabbal

Wararkii Ugu Dambeeyay Iyo Gobalada Jubooyinka

Recommended Posts

Gabbal   

Wararkii Ugu Dambeeyay Iyo Gobalada Jubooyinka

 

Oct 18,2006

by B/Xaawo-Gedo-NN

Wararka naga soo gaarayo degmada bu’aalle ee gobalka Jubada Dhexe ayaa sheegayo in ay jiraan xiisado colaadeed oo ka oogan aagagaasi ka dib markii ay deegaankaasi ku soo dhawaadeen ciidamo uu horkacayo wasiirka gaashaan dhiga ee DFKMG ah ee Soomaaliya Col. Barre Aadan Shire Hiiraale.

 

Ciidamadan oo aad u tiro badan isla markaana ku hubaysan noocyada hubka ee kala duwan sida gawaarida dagaalka ee loo yaqaano taknikada ayaa ku sii siqayo degmada Bu’lle halkaas oo ay bar-difaaceed ka dhigteen xoogag daacad u ah golaha maxaakimta Soomaaliya oo iyagu aagagaasi ka wado dhaqdhaqaaq ciidan, waxayna wararkii ugu danbeeyay xaqiijinayaan in ay xaaladu qarka u saaran tahay dagaallo qaraar oo xilliyada nagu soo aadan ka qarxo degmada Bu’aale.

 

Wararka ayaa intaa ku darayo in uu shacabka degmada Bu’aale oo ay soo wajahday cabsi weyn oo xaga amniga ah billaabay barakac iyo qax isaga oo u firxanayo aagag ka durugsan degmada Bu’aale si uu uga samata-baxo khasaaraha laga baqayo in uu ka dhasho hardanka labada ciidan ee fooda isku hayo.

 

Dhanka kale ciidamo daacad u ah Dawlada Ku meel gaar ah ee Soomaaliya ayaa ayaguna lagu soo warramayaa in ay ka gudbeen Degmada Diinsoor ee gobalka Baay. Waxayna ciidamadaas oo aad u xoogan iminka ku suganyihiin goobta lagu magacaabo Shanta-ameerica oo ku taal aagaga deegaan-ka Arabow, waxayna wararku xusayaan in laga yaabo in ay ciidamadani gacan-siinayaan ciidamada wasiirka gaashaan-dhiga ee iminka ku sii durkayo difaacyada hore ee malaysiyaad-ka golaha maxaakimta.

 

Sidoo kale boqollaal malaysiyaad ah oo ku sugan deegaan-ka Beer-xaani oo 50km u jiro magaalada Kismaayo ayaa lagu soo waramayaa in ay sii xoogaysanayaan, waxana la sheegay in malaysiyaadkaasi oo taabacsan Col. Barre Hiiraale u diyaar-garoobayaan sidii ay weerar ugu qaadi lahaayeen ciidamada maxaakimta ee ku suagn magaalada Kismaayo iyaga oo la jaan-qaadayo dhaqdhaqaaqa ciidamada daacadda u ah Col. Barre ee ku sii socda degmada Bu’aale sida uu GEDONET u xaqiijiyay madaxa malaysiyada Beer-xaani gaashaanle sare Geelle Faarax Shakad oo sheegay in ay malaysiyadiisu diyaar utahay sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd magaalada Kismaayo.

 

Dhanka kale warar hoose oo ay Gedonet ka heshay ilo xog-ogaal ah oo ku suagan magaalada Moqdisho ayaa tibaaxayo in ay socdaan dadaallo xal doon ah iyo waan-waan nabadeed oo ay soo abaabuleen kooxo isugu jiro wadaado iyo waxgarad kale oo isku dayayo in ay labada dhinac ee isku horfadhiyo degmada Bu’aale ka dhaadhiciyaan sidii looga fursan lahaa isku dhac dagaal.

 

Waxayna nabadoonadaasi la soo xariireen Ugaas Beesha **** ugaas Cumar ugaas Xirsi oo ku suagn degmada B/dheere iyo Col. Barre Hiiraale iyaga oo dhanka kalana la xariiray masuuliinta ugu sar sarrayso ee golaha maxaakimta, waxayse wararku tibaaxayaan in ayna kooxdaasi nabad doonka ah ilaa iyo iminka ku guulaysan ballan-qaad nabadeed oo ay ka helaan labada dhinac.

 

B/Xaawo-Gedo News Network

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this