Sign in to follow this  
General Duke

Minister Dr Dufle calls on all the Dr's in Mogadishu to help......

Recommended Posts

Shir jaraa'id oo Maanta uu qabtay Dufle isaga oo ku baaqay in Dhaqaatiirtu ay joojiyaan hawlaha sida Private-ka ay u wadaan.

 

Muqdisho (AOL 11, May, 06) Wasiir ku xigeenka caafimaadka dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya Cisman Maxamud Dufle ayaa ugu baaqay dhaqaatiirta ku sugan gudaha magaalada Muqdisho in ay joojiyaan howlaha ay ka hayaan Isbitaalada sida gaarka ah ay u leeyihiin isla markaana ay kusoo biiraan howlaha gurmadka ah ee ka soconaya Isbitaalada Madiina iyo Keysanay oo haatan lagu daryeelayo inta badan dadkii kusoo waxyeeloobay dagaalada maalintii shanaad ka soconaya xaafada Siisii iyo deegaanada ku xeeran.

 

Wasiirka oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in loo baahanyahay xiligan in dhaqaatiirta Soomaaliyeed ay usoo jeestaan wax u qabashada bulshada maadaama lagu jiro xili dagaal,Isbitaaladana lasoo dhigayo dhaawacyo aad u fara badan.

 

Mr Dufle ayaa sidoo kale ugu baaqay hay'adaha caafimaadka ka shaqeeya in lala soo gaaro xarumaha caafimaadka Muqdisho dawooyin degdeg ah oo wax looga qabanayo dhaawacyada marba marka kasii danbeysa sii kordhaya,isagoo sheegay in Isbitaalada waa weyn ay haatan la ciirciirayaan dhaawacyo aad u fara badan xili daawooyinka ay sii yaraanayaan.

 

Si kastaba ha ahaatee Baaqa wasiir ku xigeenka caafimaadka dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya Cisman Maxamuud Dufle ayaa kusoo beegmaya xili dagaalka ka soconaya magaalada Muqdisho uu galay maalintii shanaad,isla markaana sar u kac uu ku yimid dadka ku waxyeelabaya dagaaladan.

 

Dhinaca kale agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr.Sheekh Doon Salaad ayaa sheegay in Isbitaalka Madiina ay yaalaan dhaawacyo xaaladoodu ay aad u liidato,isagoo xusay in dhaawacyada ay sii kordhayaan saacadba saacada ka danbeysa,waxaana uu ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya in dagaalka ay joojiyaan isla markaana shacabka ay u naxaan.

 

 

 

 

Bashir Mohammed Abdulkadir (Al-Bashiir)

Xafiiska Allbanadir Somali Media ee Muqdisho.

Allbanadir@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this