Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Largest number of civilians flee city

Recommended Posts

Barakac aanan horey loo arag oo Muqdisho kasocda.

 

Barakac aanan horey loo arag oo Muqdisho kasocda.

Thursday, 14 May 2009 13:43 BXM

 

Magaalada Muqdisho ayaa maanta boosteejooyinka gawaarida laga raaco marka aad istaagto waxaad qireysaa in Muqdisho dadkii kusugnaa oo idil ay safar yihiin oo ay magaalada isaga baxayaan.

 

Muqdisho xilligii Itoobiyaanka ay kusugnaayeen ayaa waxaa si aad ah looga barakacay xaafadaha katirsan Degmada dayniile, Huriwaa iyo xaafado ay kamid yihiin Suuqa Xoolaha, Albraka, Black Sea iyo deegaanno kooban.

 

Deegaannadaasi dadkii ka barakacay ayaa waxa ay degmo ka buureen inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana dadkaasi ay ku qanacsanaayeen in jihaad lagu jiray oo dalka itoobiyaan laga xoreynayay.

 

Maanta oo ay dalka ka baxeen Ciidamada Itoobiyaanka ayaa xaafadahaasi qaar markii lagus oo laabtay waxa ay sabab u noqdeen alshabaab in dib looga barakaco waliba lagu daro xaafado horey aanan looga barakicin.

 

Waxaa kamid ah Xaafadaha cusub ee Alshabaab ay sababta u noqdeen dadka in ay ka barakacaan Degmada Shibis, Yaaqshiid qeybo aanan horey looga cararin, Wardhiigleey, Boondheere iyo qeybaha soo horeeya ee Degmada Kaaraan.

 

Waxaa sidoo kale suuragal ah haddii dagaalada ay sii socdaan barakaca uu saameyn kuyeesho degmooyin aanan waligooda laga cararin sida Shangaani, Kaaraan iyo kuwa kale.

 

Dadka ayaa badankooda waxa ay gaarayaan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye halkaasi oo dhul banaan ay ka degayaan kadibna ku hoyanayaan marooyin iyo baakado ay is dulsaaraan oo qol ay ka sameystaan roobka marka uu yimaadana dhibaato weyn kala kulma.

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

Waxaa kamid ah Xaafadaha cusub ee Alshabaab ay sababta u noqdeen dadka in ay ka barakacaan Degmada Shibis, Yaaqshiid qeybo aanan horey looga cararin, Wardhiigleey, Boondheere iyo qeybaha soo horeeya ee Degmada Kaaraan.

 

Waxaa sidoo kale suuragal ah haddii dagaalada ay sii socdaan barakaca uu saameyn kuyeesho degmooyin aanan waligooda laga cararin sida Shangaani, Kaaraan iyo kuwa kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this