Major-General Cawad Posted August 2, 2005 Gabay Gobolada Dowlad/Goboleedka Puntland. • Guyaal iyo guyaal baanan trin maansadii gabaye • Gedeheed waanigii dhigoo gooyayoo nacaye • Geed dheer intaan fuulay baan raaxo dheer galaye • Gadaal baan xusuusaha u dayey dunida guudkeeda • Gumaystaan xusuustiyo kuwii gubay dhulkeeniiye • Gardaradii nasaarada ayeey gocatay laabtiiye • Gebigeed ifriiqiya ma rabin inay gumeeyaane • Gaar ahaanna soomaaliya ciilku ii gubaye • Midna waygu gaaroo anay gooni ii tahaye • Garacyada dhasood waa kuwii gubayey waayeelka • Gowraca maxay kaga tagen gaban yar oo wiila • Geeliyo waxay naga dhaceen geesaloow adhiye • Waaa tay gumaadeen raggii gaadhka hayn jiraye • Garaaadkayga waatay xidheen meel gasiirada e(jasiiradda siishalis) • Gacalkayga waa kala jareen goboladiisiiye • Galgaliyo nugal bay xidheen seerayaal gudube • Badda garacad waa tii la yiri yaan la soo geline • Anaguna gadoodnoo kufriga gelinay tooreeye • Guluf iyo coladaan ridnoo giirka wada taagnay • Galad eebbe weeyee dulmigu gaax ma uu laha e • Waatay ka goosheen arliga naga guureene • gobanimo markaasaan helnoo geelu noo dhalaye • golayaal ayaa lagu shiraa geedihii bariye • gobeleed punland baan dhamaan geliney diiwaane • guddoon baannu leenahay hadeer loo gudboonyahaye • Gaalkacayo Boosaaso iyo gebiyadii Laaska(Laasqoray) • galgaliyo xubeeriyo ilaa dhahar gadaasheeda • gurya samo taleex iyo buraan waa sinaan garabe • gidigood Garoowaa xukuma xarunta guud weeye !!!!!! • gallad bay dadkaygii beryahan farax la guuxeene • aniguna gedaasaan ahoo guul ayaan helaye • Guuleysta geediga wadoo geliya goob khayr leh.. • dhamaad. maxamad bashiir gumburi1885@yahoo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites