Sign in to follow this  
Gabbal

Odayaasha Gedo welcome to Baidoa..

Recommended Posts

Gabbal   

Baardheere: Wafdi ballaaran oo dhinacyo kala duwan leh oo uu hogaaminayo Ugaaska Beesha Sade Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo Baydhabo u ambabaxay.

Wednesday, May 17, 2006

 

Axmed C Saalixi

 

Baardheere(AllPuntland)-Wafdigan Balaaran ee uu horkacayo Ugaaska Beesha Sade ee G/Gedo Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ayaa waxay ka ambabaxeen Saaka aroortii Magaalada Baardheere ,iyagoo ku sii jeeda magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah Xubnaha DFKMG Soomaaliyeed.

 

Wafdigaan oo ah kii ugu balarnaa ee u ambabaxa Magaalada Baydhaba tan iyo waxii ka dambeeyey markii dowlada ay degtay Baydhabo ayaa ka kooban 9xubnood,waxaana lagu micneeyey Socdaalka ay ku tagayaan Baydhabo Martiqaad ay ka heleen Madaxweynaha DFKMG Mudane C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Maxamuud Cabdi Shakuul oo ka mid ah Xubnaha wafdiga oo u waramayey Saxaafada ka hor inta ayan ka tegin Magaalada Baardheere ayaa sheegay in socdaalkooda oo dhawr jeer oo hore uu baaqdey ay iminka suurto gal ka dhigtey inay baxaan ka dib markii Shaley ay xiriir xaga telefonka ay la sameeyeen Madaxweynaha,ka dibna ay isku waafaqeen inay soo baxaan .

 

Dib u dhaca ku yimid Safarkan oo uu tilmaamey in dhawr jeer oo hore uu baaqdey ayuu sheegay in Xilligaasi ay sabab u ahaayeen Madaxweynaha oo Safaro ugu maqnaa dalka dibadiisa iyo Abaaro Ba,an oo ka taagna G/Gedo oo saamixi waayey inaan booqano magaalada baydhabo.

 

waxuuna intaasi ku darey mudada ay joogaan Baydhabo Madaxweynaha ka sokow inay la kulmi doonaan Madax ka tirsan DFKMG ah,isla markaana ay isla soo qaadi doonaan sidii G.Gedo Dowlada ay ugu caawin lahayd Adeegyada kala duwan ee bulshada iyo dib u dhiska.

 

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed Iyo Ra'isul Wasaare Geedi Oo Saaka Si Kala Goon-Gooni Ah Ugu Soo Booqday Ugaaska Beesha SADE Ugaas Cumar Ugaas Xirsi Xaruntiisa fariisinta u ah Ee Guriga Walaalaha Ee Magaalada Baydhabo

 

Waxaa saaka abaarahii 9:00 subaxnimo saacada afrikadabari ku soo booqday Ugaaska Beesha SADE Ugaas Cumar Ugaas Xirsi xarunta ee guriga Walaalaha Ee xarunta Golaha Wasiirada Ee Magaalada Baydhabo Madaxweynahana DFKG ah Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed iyo xubno sare sare oo ka tirsan madaxda iyo masuuliyiinta dowlada Soomaaliya.

 

Madaxweynaha DFKG ah ee Soomaaliya Mudane C/llaahi Yusuf ayaa booqashadiisii kaddib kulan ku aadan soo dhaweyn iyo hab maamuuseedba la qaatay Ugaaska iyo xubnihii la socdaalayay.Waxaana uu Madaxweynaha carabka ku dhajiyay in uu si ballaaran ugu hinqanayay imaanshaha wafidgaasi islamarkaasina uu ku faraxsanyahay imaanshahooda magaalada Baydhabo sidoo kale Ugaaska Beesha SADE Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ayaa mahad ballaaran u soo jeediyay golayaasha dowlada Soomaaliya isagoona uu u rajeeyay guul iyo hanaqaad lagu dhiiran karo.

 

Waxaa dhinaca kale isna saaka abaarhii 10:00 barqanimo booqasho hab sharafeed ah ugu yimid Ugaaska iyo wafdiga uu hoggaaminayo Ra'isul Wasaareha DFKG ah Mudane Dr Cali Max'ed Geedi oo ku bogaadiyay Ugaaska Beesha SADE kaalintiisa dhinaca horumarinta bulshada iyo danta qaranimada umadda Soomaaliyeed waxaana uu Ra'isul Wasaare Geedi mid mid u gacan qaaday ergadii ugaaska ka hor inta uusan ku soo dhaweynin si meeqaam sare ah jawiga magaalada Baydhabo.

 

Lama oga ilaa iyo iminka marxalada rasmiga ah oo ay wafdigaasi kala hadleen madaxweynaha iyo Ra'isul Wasaarehaba balse warar dheeraad ah oo ay gedonet ka soo xigatay xubno muhiim ah oo kamid ah wafuudaasi ayaa muujinaya in kulankii saaka uu la xiriiray hanaan sharafeed soo dhaweyn ah oo kaliyah waxaana la filayaa in markale ay kulamo wadatashi ah ay wafdigaasi la qaadan doonaan madaxdaasi ugu sar sareysa DFKG ah.

 

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa maalinimadii shalay gaaray wafdigan oo ka koobanaa 9 xubnood oo uu hormuud u ahaa Ugaas Cumar kuwaasoo habeenimadii arbacadii aynu ka soo gudubnay ka ambabaxay magaaladan baardheere kaddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Ugaaska Madaxda sare sare ee DFKG ah gaar ahaan Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Maxamed Gaarane

gedonet-Baardheere,GEDO.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this