Sign in to follow this  
Saalax

Hay’adda PSI oo Wacyi-galin ka Bilowday Magaaladda Ceerigaabo

Recommended Posts

Saalax   

Friday, 23 April 2010 11:54

 

Hay’adda PSI oo Wacyi-galin ka Bilowday Magaaladda Ceerigaabo

 

Ceerigaabo (ceerigaabo.com) Hay’adda Population Services International (PSI) waxay ka mid tahay hormoodka hay’adaha aan macaash-doonka ahayn ee ka shaqeeya Suuq-geynta bulshada u danta ah (Social Marketing). Waxay ka shaqaysaa 65 dal oo ah kuwa soo koraya.

 

Hay’addu Waxay dalab u abuurtaa alaabta iyo adeega caafimaadka iyada oo isticmaalaysa hababka suuq-geyneed ee ganacsiga iyo ololeyaal hor leh oo lagula xidhiidhayo bulshada si loo dhiirigaliyo loona joogteeyo is-bedel ku yimaada hab-dhaqanka caafimaadka bulshada. PSI waxay la shaqaysaa ganacsiga gaarka loo leeyahay si kor loogu qaado helitaanka alaabadaas iyo adeeggaas; tiiyoo qiimuhuna yahay mid ay awoodi karaan dadka u nugul khataraha.

 

Hay’adda Caalamiga ah PSI oo Xafiiskeeda Dalku ku Yaalo Magaala Madaxda Jamhuuriyadda Somaliland Ee Hargaisa’ PSI Waxay ka shaqaysaa Goboladda Somaliland oo dhan’ Iyadoo Hadda xarun Cusub Ka furtay Magaala Madaxda Gobolka Sanaag Ee Ceerigaabo.

 

 

 

PSI Waqtigan Xaadirka Waxay Wacyi-galintan ka bilowda Magaaladda Ceerigaabo iyadoo gaadhi doonta degmooyinka iyo Tuulooyinka Sanag Gabi ahaanba’ Wacyi-galintu Waxay ku saabsan tahay Kiniinka Biyo layskaga Nadiifiyo ee (Chlorine-ta ) Magaciisa Istilaaxa Soomaaliga ahna loo yaqaano BIYO SIFEEYE.

 

Biyo Sifeeye Waa Kiniin Wax ku Ool ah ‘ Si fududna loo Isticmaali karo si loogu Daweeye Biyaha Cabitaanka Ee Qoyska. Biyo Sifeeye Waa in la Isticmaalaa Sanadka oo dhan’ Mar walbana loo adeegsadaa biyaha laga Helo Qasadaba’ Berkedaha’ Baliyada’ Ceesha’ iyo Biyaha roobka ee la kaydsado. Haddii aad Kiniinka Biyo Sifeeye Waxaad ka badbaadi kartaa Xaruunka Cushanka Ilaah Inaguma Keenee.

 

Biyo Sifeeye Waa Kiniin Waxtar u leh Caafimaadka Caruurta wuxuna Yareeyaa Fursada ay Caruurtu ku qaadi karaan Shubanka oo ay Unug yihiin. Qoyska Isticmaala Biyo Sifeeye wuxu noqdaa mid Caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay’ Caruurtiisuna ay Higsadaan Waxbarasho Wanaagsan iyo Koriinkooda oo Fiicnaada.

 

Hay’adda PSI waxay si toosa ula shaqaysaa goobaha Caafimaadka Waxaadna ka heli kartaa Kiniinka Biyo Sifeeye Pharmacy-yadda Magaaladda Ceerigaabo’ oo uu kuugu diyaar yahay. Wacyi-galinta PSI ka Bilow Magaaladan Ceerigaabo ayaa ah mid lagu barayo bulshada Isticmaalka Kiniinka Biyo Sifeeye’ Wacyi- galintan ayaa laga Samayaa Xarumaha Caafimaadka ee Kiniinka Biyo Sifeeye laga Heli karaayo ee Magaaladda Ceerigaabo.

 

Kiniinka Biyo Sifeeye Hal Xabo ayaad ku ridanaysaa Shirikaanka Labaatan Litir Qaadka ee badanaa biyaha lagu dhaansado’ Waxaadna Sugaysaa muddo dhan Sodon Daqiiqadood’ Taas macnaheedu waxa weeye intaa ka dib waa Isticmaali kartaa Biyahaagii waana Safaysan Yihiin .Haddii aad Rabto in Qoyskaagu Noqdo mid Caafimaad Qaba Maalin kasta iyo Markasta Istimaal Kiniinka BIYO SIFEEYE.

 

Cumar Siciid Nuur

 

Ceerigaabo.com

 

Ceerigaabo-Office Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this