Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Xarakada Al Shabaab oo ku hanjabtay dagaalo ka dhan Somaliland,

Recommended Posts

Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin oo dagaalo xoogan kula jirta dowladda uu madaxweynaha ka yahay wadaadka da’da yar ee Shariif Sheekh Axmed ayaa waxay sheegtay in maalmaha soo socda ay qaraxyo waaweyn ka geysan doonto gudaha Somaliland.

 

Afhayeenka guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” oo warbaahinta la-hadlay ayaa sheegay in qaraxyo waaweyn ay ka geysan doonaan gudaha Somaliland, isagoo taasi sabab uga dhigay in Somaliland laga furaayo iskuulo lagu barto Diinta Kirishtaanka.

 

Afhayeenka ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ee uu madaxweynaha ka yahay Siilaanyo ay heshiis wada-galleen kooxo uu sheegay tiradoodu gaareyso sideed oo ka socda Kaniisadda Roman Catholic, isla-markaana waxay ku heshiiyeen buu yiri in Somaliland laga furo iskuulo lagu barto diinta Karishtaanka “Christian Missionary Schools”

 

Wuxuu sheegay in Islaamiyiinta ka talisa gudaha dalka Somaliya aysan marnaba u adkeysan doonin in deegaanada xukuumadda Somaliland laga furo iskuulo dad Muslimiin ah lagu baraayo buu yiri diinta karishtaanka, wuxuuna uu wacad ku maray qaraxyo waaweyn oo ay ka geysan doonaan gudaha Somaliland.

 

Sidoo kale shacabka ku dhaqan deegaanada Somaliland ayaa wuxuu ugu baaqay in Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab ay kala shaqeeyaan sidii dagaalo qaraar loogu qaadi lahaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay in’ay dooneyso in Somaliland laga furo xaruumo ardayda reer Somaliland lagu baro diin aanan diintoodu ahayn.

 

Afhayeenka Xarakada Al Shabaab ayaa wuxuu kaloo uu sheegay in’ay diyaariyeen qaraxyo waaweyn oo ismiidaamin ah oo ay dhawaan ka geysan doonaan gudaha Somaliland, wuxuuna uu carabka ku adkeeyay goobaha ay qaraxyada ka geysan doonaan in’ay yihiin iskuulada ardayda la-rabo in lagu baro diinta karishtaanka, iyo Hotellada ay degan yihiin kooxo uu sheegay in’ay ka socdaan Kaniisadda Roman Catholic.

 

Majirto wax war ah oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland oo ku aadan amuurtaan, balse waxaa la-filaayaa in’ay kasoo saari doonaan hadalo jawaab u ah kan kasoo yeeray dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this