Paragon Posted May 11, 2009 Wararka ayaa sheegaya in Diyaaradu ay jahwareer ku riday dadka Magaalada oo habeenadan ka jiifan dhawaaqa hubka noocyadiisa kala duwan oo ay is weydaarsanayeen Ciidamada Dowladda War hadda naga soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Diyaaradda AC-130 fiidnimada caawa bilawday in ay joog hoose iyadoo ku duulaysa ay dul wareegto Caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in Diyaaradu ay jahwareer ku riday dadka Magaalada oo habeenadan ka jiifan dhawaaqa hubka noocyadiisa kala duwan oo ay is weydaarsanayeen Ciidamada Dowladda, kuwa Maxkamadaha oo wada socda iyo Shabaabka iyo Xisbul Islaam oo hal dhianca ah. Wariye jooga Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu leeyahay Diyaaraddu 6 tii daqiiqo 2 jeer ayay dul maraysaa Hawada Magaalada,mararka qaarna Diyaaradu waxaad moodaa in ay hoos u soo dhawaanayso. Magaalada Muqdisho ayaa Maalmahan waxaa ka socday dagaal saf Ballaaran ah oo kooxo Islaamiyiin hubeysan oo Somali ah balse ay ka barbar dagaalamayaan dagaalyahano shisheeye oo markii ugu horeysay iyadoo aan qaris lahayn lagu arkay xaafadaha Magaalada iyo Ciidamada daacada u ah Dowladda KMG ah. Ka sokow dul wareegaas Diyaaradda ku sameynaysay Hawada Magaalada Muqdisho haddana ma jiraan wax tallaabo ah oo ay qaaday Diyaaradu. Nuuradiin Macalin http://www.midnimo.c om/view.php?id=1823 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted May 11, 2009 Odayaasha lala kulmay waxaa lagu yiri shacabka ha ka baxaan goobaha dagaal in 24 hours' time. Laakiin dawlad-diidda are not allowing shacabka ineey baxaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dhubad. Posted May 11, 2009 Xaaladu meel xun bay maraysaa miyaa? Dadkaan wadaada isku sheegaya merkii aakhiro latago bal maxay ilaahay la hortagi doonaan waa ayaka dadka Muslimiinta ah laynayee? Walaahi waayaab, all these wadaado ku sheeg have hidden agendas whether its qabiil the likes of Indha Cade or Xukun jacay like Shariifka, waxay is dhaamaan malaha. Even if Xizbul Islaam takes over today,they will fight against Al-Shabaab....it never ends! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 11, 2009 The new hindi movie ,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites