General Duke Posted August 24, 2008 Xildhibaan Bare Aadan Shire Hiiraale oo Isu Dhiibay Ciidanka Dowlada Kenya Wararka laga helayo Deegaanka girile oo qiyaastii 190km koonfur galbeed kaga beegan magaalada Baardheere ayaa sheegaya in xubnihii hogaanka magaalada Kismaayo iyo Xildhibaan Bare aadan Shire hiiraale ay soo gaareen . Wararka ayaa sheegaya in kolanyadaasi oo wata dhowr gaadiidka dagaalka ah ay wataan dhaawac aad u fara badan inkastoo aan la cadeynin tirade dhaawacaasi ayadoo tiro kalena ay uga dhinteen dagaalo goos goos ah oo ku soo dhexmaray qeybo ka mid ah deegaanka Dhooblay oo ka tirsan Gobolka J/hoose . Dhaawacaasi iyo tirada geerida ayaa ka dhalatay kadib markii dagaal xoogan xalay 9:00 fiidnimo ku dhaxmaray kooxaha taabacsan Maxkamada iyo qaar ka tirsan maleeshiyo beeleedka Magaalada Dekedaleh ee Kismaayo kuwaas oo xiligaasi ku soo wajahnaa deegaano ka tirsan Gobolka Gado laakin usuurtoobi weyday . Ugu yaraan 15Ruux oo ka tirsanaa kooxihii dirarayay ayaa wararku ay sheegayaan in ay ku dhinteen goobtii uu dagaalku ka dhacay ayadoo 20 kalena uu dhaawac ka soo gaaray sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo ku sugan deegaanka tuulada Banka jiiro oo ku taala Deegaan u dhow degmada Dhoobleey ee gobolka J/hoose. Wararka laga helayo dad xog ogaal ah oo ku sugan Deegaanka Dhoobleey ayaa sheegaya in 30-meeyo baxbuus ah dagaalkaasi lagu Qabsaday iyadoo maxbuustaasina qaar ka mid ah la gaarsiiyay Deegaanka Dhoobleey sida ay wararku xaqiijinayaan . Dagaaladaasi ayaa la rumeysan yahay in ay ka Dhasheen Kadib markii kooxo balaaran oo ku dhaqan Deegaanadaasi ay is abaabul ku sameeyeen sidii ay ula dagaalami lahaayeen xubnahaasi maamulka Magaalada Kismaayo oo iyagu awoodii ay ka fara maroorsadeen kooxo islaamiyiin ah maalmo kahor kuwaasi oo ku soo wajahnaa Gobolka Gado . Wararka aynu ka heleyno deegaanka girile ayaa ku waramaya in iminka xubnahaasi ay durbaba Kulan la Qaateen maamulka dhinaca Kenya ee xadka laleh tuuladaasi iyadoo ay weydiisteen in ay u fidiyeen gagaar la xiriira kaalmo dhinaca dhaawaca ah in la gaarsiiyo deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi bari Ee dhinaca soomaalida Kenya iyo in Magangalyo siyaasadeed la siiyo. Maal mihii la soo dhaafay ayay aheyd kadib markii maamulkii magaalada Kismaayo iyo Xildhibaan Bare hiiraale ay ka soo ambadeen deegaankaasi kadib markii kooxaha islaamiyiinta ay xoog ku maquuniyeen awoodii maamulka Magaalo xeebeeda Kismaayo inkastoo haatana ay wararaku sheegayaan in xaalada Deegaanadaasi ay yihiin kuwo aad u degen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Khalid2 Posted August 24, 2008 Bare sheri has taken his time in Kismayu,things are changing mucjiso day to day!!!! Where is Morgan? Quote Share this post Link to post Share on other sites
MZanzi Posted August 24, 2008 This article must be one of the worst and untrue article i ever read. Your analysis simply misses the reality. You must be writing this from very far away where you do not get a chance to see the reality. Quote Share this post Link to post Share on other sites
unknown1 Posted August 24, 2008 no the most untrue story was about when dude posted, abu mansur injured in gang-fight in muqdisho. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 24, 2008 Adeer when groups loose in Kismayu they tend to go to Nairobi. Hiiraale is gone, Morgan is in Mogadishu and doing ok. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted August 26, 2008 Laa xawla walaa quwata ilaa bilaah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted August 26, 2008 Hiiraale is gone, Morgan is in Mogadishu and doing ok. lol@Morgan doin ok, I heard he became Tabliigh, good for him, Kismaayo mar horuu ka samrey! Horn, what is your take on this, I know you are sayin the millitias put their Cimaamado on and are in Kismaayo, but I mean, do you see the return of Hiiraale in the near future, I think wadaada ku sheega hada qabsadey Kismaayo iney soo dhaweenayaan hadii uu si nabada ku imaanayo magaalda maadaama ay tahay magaaladiisa ahna magaala Soomaaliyeed. Kolleey Hiiraale waa nin tactical ah, imisa jeer buu baxsadey, dhulka aad buu u yaqaanaa wallee Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 26, 2008 I think he could run for the Olympics ,,, .. and i heard weliba dameero fuulka si fiican buu u yaqaanaa ,,, loool Horn, odaygii xagee buu joogaa hadda ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites