General Duke Posted July 26, 2008 Xiisad ka alsoosan Berbera oo ay isku horfadhiyaan Adhi la dhoofinayo iyo Ciidamo ku gaashaaman hub culus July 23rd, 2008 Berbera (Somaliland.org) – Xaaladda magaalada dekedda ah ee Berbera ayaa la sheegay inay kacsan tahay, kadib markii ay magaaladaas ilaa xalay ku qulqulayeen xoolo ay leeyihiin ganacsatada ka soo horjeedda heshiiska Daahir Riyaale iyo Al Jaabiri iyo ciidamo wata hub culus oo xukuumaddu kaga hortegayso in xoolahaas laga dhoofiyo dekedda Berbera. Ciidamo wata tikniko iyo Tawaangi oo ka baxay magaalada Hargeysa xalay iyo urur tawaangi ah oo fadhiyey jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera ayaa xalay gaadhey magaalada Berbera, waxa kale oo ciidamo la dhigay koontaroolada waddooyinka gala Berbera. Waxaana ciidamadaasi dul degeen xeryaha xoolaha lagu nasiyo ee duleedka Berbera, iyada oo xeryahaasna ay ku soo qulqulayaan xoolo gaadhaya kumanaan neef oo ay wataan ganacsatada ka soo horjeedda heshiiska kootada ee Al Jaabiri. Wararku waxay sheegayaan in ammaanka Dekedda aad loo xoojiyey, isla markaana konteennar lagu xidhay xooluhu ka soo galaan dekedda xalay, iyada oo dekedda agagaarkeedana lagu arkayey tawaangi. Mid ka mid ah ganacsatada xoolaha ayaa saxaafadda u sheegay inay magaalada Berbera u dhaadhiciyeen ilaa 9,000 oo neef oo adhi ah oo ay doonayaan inay dekedda ka dhoofiyaan, haatanna ay ku jiraan xeryaha adhiga ee magaalada Berbera. Dadweynaha magaalada Berbera ayaa dareensan in ganacsataduna ay haystaan xoog ciidan oo inkasta oo aan la arkin, ay doonayaan inay isticmaalaan haddii xukuumaddu xoog ku horjoogsato. Wararkii ugu dambeeyey ee Berberana waxay sheegayaan in xoolo door ahi ay ku jiraan xeryaha, ciidamaduna ay dul deggan yihiin. C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa. Quote Share this post Link to post Share on other sites