Sign in to follow this  
General Duke

Berbera: tension high as Mafia militias move on merchants

Recommended Posts

Xiisad ka alsoosan Berbera oo ay isku horfadhiyaan Adhi la dhoofinayo iyo Ciidamo ku gaashaaman hub culus

July 23rd, 2008

 

Berbera (Somaliland.org) – Xaaladda magaalada dekedda ah ee Berbera ayaa la sheegay inay kacsan tahay, kadib markii ay magaaladaas ilaa xalay ku qulqulayeen xoolo ay leeyihiin ganacsatada ka soo horjeedda heshiiska Daahir Riyaale iyo Al Jaabiri iyo ciidamo wata hub culus oo xukuumaddu kaga hortegayso in xoolahaas laga dhoofiyo dekedda Berbera.

 

Ciidamo wata tikniko iyo Tawaangi oo ka baxay magaalada Hargeysa xalay iyo urur tawaangi ah oo fadhiyey jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera ayaa xalay gaadhey magaalada Berbera, waxa kale oo ciidamo la dhigay koontaroolada waddooyinka gala Berbera. Waxaana ciidamadaasi dul degeen xeryaha xoolaha lagu nasiyo ee duleedka Berbera, iyada oo xeryahaasna ay ku soo qulqulayaan xoolo gaadhaya kumanaan neef oo ay wataan ganacsatada ka soo horjeedda heshiiska kootada ee Al Jaabiri.

 

Wararku waxay sheegayaan in ammaanka Dekedda aad loo xoojiyey, isla markaana konteennar lagu xidhay xooluhu ka soo galaan dekedda xalay, iyada oo dekedda agagaarkeedana lagu arkayey tawaangi.

 

Mid ka mid ah ganacsatada xoolaha ayaa saxaafadda u sheegay inay magaalada Berbera u dhaadhiciyeen ilaa 9,000 oo neef oo adhi ah oo ay doonayaan inay dekedda ka dhoofiyaan, haatanna ay ku jiraan xeryaha adhiga ee magaalada Berbera.

 

Dadweynaha magaalada Berbera ayaa dareensan in ganacsataduna ay haystaan xoog ciidan oo inkasta oo aan la arkin, ay doonayaan inay isticmaalaan haddii xukuumaddu xoog ku horjoogsato.

 

Wararkii ugu dambeeyey ee Berberana waxay sheegayaan in xoolo door ahi ay ku jiraan xeryaha, ciidamaduna ay dul deggan yihiin.

 

 

 

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this