Sign in to follow this  
General Duke

Somali National troops get ready......+ Min Aydeed

Recommended Posts

Jowhar:Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo hawlgalladooda bilaabi doona xilli dhow kadib marka uu tabobarku usoo gabo gaboobo.

- Tuesday, September 27, 2005 at 15:25

 

Jowhar(AllPuntland)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee fariisinka kumeel gaarka ah u ah DFKGS ayaa sheegaya inuu soo gabo gaboobi doono waqti dhow tabobar u socda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee kusugan magaalada Jowhar.

 

Warar aan ka helnay saraakiil ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in carbiska usocda ciidanka xoogga dalka uu yahay mid aad u heersareeya , marka uu soo gabo gaboonana ay ku xigi doonaan hawlgalladii dalka.

 

Ciidanka ayaa hawlaha ay qaban doonaan lagu sheegay inay sugaan nabad galyada dalka oo dhan , inay hubka ka dhigaan malleeshiyaadka hubaysan iyo inay ilaaliyaan ammaanka dawladda Fedderaalka ah ee Soomaaliya.

 

Wali waxaa soconaya aqbalaadda is qorista ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaasoo ka kala imaanaya gobollada dalka Soomaaliya .

 

Ciidamada ku sugan xerooyinka Waajid iyo Gen: Daa'uud ee magaalada Jowhar ayaa haatan u muuqda ciidan u diyaara awaamiirta dawladda Soomaaliya.

 

Qab qabashada burcadda dadka ku laaya waddooyinka iyo magaalooyinka ayaa lagu sheegay inay kamid noqon doonto hawlaha ugu wayn ee ay ciidanku qaban doonaan.

 

Sida ay sheegeen madaxda dawladda Soomaaliya ciidankan ma weerari doonaan cidna hase ahaatee waa kuwo soo celinaya kala danbayntii iyo xasiloonidii dalka.

 

Arimaha kusaabsan ciidamada waxaa bar bar socda taabbo galinta maamullada kala duwan ee dalka ayadoo maamullo buuxa ay ka jiraan degmooyin hoostaga gobollada Puntland, Sh/dhexe, Hiiraan , iyo Bakool ayadoo dawladduna ay wali ku dadaalayso inay maamulkeeda hoos keento gobollada kale ee kamadax bannaan.

 

 

 

CCC Farayaamo

 

Allpuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Eng: Xuseen Caydiid " Shacabka Soomaaliyeed waa u dhan yihiin inay ka hortagaan dadka cadawga ku ah jirintaanka Dawlad Soomaaliyeed".

- Tuesday, September 27, 2005 at 15:26

 

Muqdisho(AllPuntland)- Wasiirka arimaha gudaha ahna raysulwasaare kuxigeenka DFKGS Eng: Xuseen Maxamed Caydiid ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan raalli ka noqonaynin is bahaysiyada iyo kulamada lagu dibin daabyaynayo ammaanka shacabka iyo danta qaranka Soomaaliyeed.

 

 

 

Xuseen Caydiid oo saxaafadda u waramayay ayaa sheegay in shirkii Balcad ka dhacay ee halka maalin socday uu ahaa shir qado lagu bixinayay ee uusan ahayn shir ay wax kasoo bexeen.

 

 

 

Wuxuu xusay go'aankii ay qaateen beelaha Muddullood ee daga gobolka Shabeellada dhexe inay horseedday inaan shirkaasi wax guulo ah kasoo bixin iyo wax ajanda ah toonna.

 

 

 

Wuxuu xusay in dalka ciddii colaad hurinaysa loo jeedo oo ay yihiin shaqsiyaad yar yar hase ahaatee aysan ahayn dadka xumaantada wada hogaamiye kooxeedyada dalka Soomaaliya oo dhan..

 

 

 

Xuseen Caydiid wuxuu sheegay in madaxwaynaha Soomaaliya iyo Raysulwasaarihiisuba ay ku baaqeen nabadgalyo iyo xasilooni inay guri walba u garaacayaan taasoo muujisay yididiilo wanaagsan.

 

 

 

Wuxuu sheegay in dawladda Fedderaalka ah ee Soomaaliya ay dalka oo dhan ka hawlgalayso isla markaana magaalada Muqdisho ay kawaddo hawlihii loogu talo galay .

 

 

 

Wuxuu xusay inuu kaalin wax ku ool ah ku jiro guddoomiyaha gobolka Banaadir Md: Cadde ayna kawada shaqeeyaan qaabka horumarinta dawladda.

 

 

 

Su'aal lawaydiiyay Xuseen Caydiid oo ahayd waxa ka jira sheegashada Cabdi Qaybdiid uu sheeganayo inuu yahay taliyaha ciidanka booliska ayuu ku sheegay wax aan sal iyo raad lahayn.

 

 

 

Hadallada Xuseen Caydiid ayaa kusoo beegmaya xilli ay leeyihiin shir albaabadu u xiran yihiin hogaamiye kooxeedyada kusugan magaalada Muqdisho.

 

 

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this