Liqaye Posted January 22, 2004 Somaliweyn.(Washington,January 21,2004)Washington: Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka maraykanka qaybta qaabilsan waaxda socdaalka ayaa waxay soo saartay bishani aynu ku jiro ee January 16-keedii baaq ay u dirayso dhammaan dadka maraykanka ah ee ku sugan waddanka Jibouti inay ka feejignaadan falal argagixiso oo lagula kaco, Warbixintani ay qortay waaxda socdaalka ee wasaaradda Arrimaha dibadda ee maraykanku waxay tibaaxday in ay heleen warar lagu kalsoonyahay oo sheegaya in Al-qaacida si weyn uga shaqayso Jamhuuriyadda Jibouti ayna qorshaynayso sidii ay weeraro ugu qaadi lahayd dadka maraykanka ah ee ku sugan waddanka Jibouti, xarumaha maraykanku ku leeyahay Jamhuuriyadda Jibouti iyo weliba goobaha kiniisadaha ah ee ay ku cibaadaystaan dadka maraykanka ah ee socdaalka ku yimaadda Jamhuuriyadda Jibouti, warbixintani oo lagu qoray bogga Websiteka ee waaxda arrimaha Dibadda ee dalka maraykanku waxay uga digtay dadka maraykanka ah ee u safraya Jamhuuriyadda Jibouti inay feejignaan dheeraad ah qaatan, lana soo xidhiidhan goobaha ugu dhaw ee safaarad maraykan ah ku taallo, ugu danbaytii waxay waaxda Socdaalka ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka maraykanku (State Department) ugu baaqaysa dhamaan shacabka maraykanka ah ee u safraya Jamhuuriyadda Jibouti inay soo wacaan telephone kani: +253-35-39-95 oo ah Safaaradda maraykanku ku leedahay Jamhuuriyadda Jibouti. Waa markii labaad ee sidani oo kale dawladda maraykanku uga soo saartay warbixin ay u dirayso muwaadiniinta maraykanka ah inay ka foojignaadan safarkooga Jamhuuriyadda Jibouti, lama garan karo waxa wakhtigani kelifay digniintani balse sida laga warqabo waxaa ku sugan Jamhuuriyadda Jibouti tiro kooban oo ah ciidanka bedda ee dalka maraykanka iyo weliba shaqaale kooban oo u shaqeeya keliya Safaaradda maraykanka ee ku taalla Magaalada Jibouti ee xarunta Jamhuuriyadda Jibouti. N.B: Warbixintani oo ku qoran afka Ingiiriska waxaad ka heli karta bogga internetka ee waaxda arrimaha dibadda ee dalka maraykanka ama guji Links kan: http://www.travel.state.gov/djibouti_announce.html Waxaa soo turjumay: MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA) KARACHI, PAKISTAN. Quote Share this post Link to post Share on other sites