General Duke Posted August 26, 2009 Dagaal dhexmaray askarta DF 26 Aug 26, 2009 - 6:00:53 AM Ugu yaraan 7-qof oo isugu jira askar iyo rayid ayaa ku dhintay dagaal Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho ku dhexmaray ciidamo kawada tirsan Dowlada Somalia, waxaana ku dhaawacmay tiro ka badan 12-qof. Askarta dagaalku u dhexeeyay ayaa kala ahaa ciidamo dhawaan la dhisay oo loogu talogalay sugida amaanka Muqdisho iyo qaar ka mid ilaalada Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka Max'ed Ibraahim Xaabsade. "Dagaalku wuxuu bilowday xili ay dadku ku badan yihiin Isgoyska KM4, waxaan arkay geerida geerida 7-qof oo isugu jiray askartii dagaalamay iyo dad rayid ah, 12-qof oo kalena waxaa loo qaaday Isbitaalada" ayuu yiri ruux goobjooge ah. Ciidanka dowlada ee loogu talogalay amanka oo ah booliis u tababaran sida Milateriga [PM] ayaa la sheegay inay ilaalada wasiirka ku amreen inay hubka dhigaan taasoo keentay inay diidaan, dagaalna uu qarxo. "Booliiska loogu talogalay inay sugaan amaanka Muqdisho, waxay amar u haystaan inay dilaan cid walba oo diida inay hubka dhigto" ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Somalia Col. C/llaahi X. Bariise oo saxaafada la hadlay dhismaha ciidankaas kadib. Xaabsade ayaan ka hadlin dagaalka ay galeen ilaaladiisa, iyadoo la sheegay in intii ka hartay hubka laga qaaday, loona taxaabay xabsiga, waxaana Magaalada Muqdisho haatan laga mamnuucay in hubka lala dhexmaro. Dhanka kale, ciidamo ka tirsan kuwa dowlada ayaa xalay toogasho ku dilay 3-qof, dhaawacna u geystay 11-qof oo kale degmada Xamarjajab, kadib markii ciidanka lagu weeraray bam gacmeed. Dadkan ayaa ka mid ahaa dhalinyarada degmadaas, waxaana arintan si xoogan uga hadlay maamulka Gobolka Banaadir iyagoo ku tilmaamay inay tahay mid naxariisdaro ah oo lagula kacay dad rayid ah. Gaadiidka gurmadka deg-dega ah ayaa xaqiijiyay inay xalay gaarsiiyeen dadkaas Isbitaalada Muqdisho, waxaan qaar dadkas ka mid ah ay qabaan dhaawacyo halis ah, iyadoo kooxihii bamka ku weeraray ciidanka ay baxsadeen. GAROWE ONLINE Quote Share this post Link to post Share on other sites