Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Interior Minister is Back

Recommended Posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Dalka Ku Soo Laabtay

 

Hargeysa(Qaran)- Hargeysa: Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland,Mudane Cabdilaahi Ismaaciil Cali [Cirro],ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabtay,ka dib markii dhawaan Cisbtaal ku yaala Pretoria ee Koonfur Afrika uu ku guulaystay qaliin lagaga sameeyay xidida wadnaha.

 

 

 

Wasiirka Daahikhiliga Somaliland,oo sababahaasi Caafimaad ugu maqnaa muddo bil iyo dheeraad ah,waxa saaka dhabada diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa,si diiran ugu soo dhaweeyay wasiiro,Salaadiin,Saraakiil ka tirsan Haa’yadaha Dawlada iyo Shaqaalaha iyo Madaxda Wasaaradiisa.

 

 

 

Mudane Cabdilaahi Ismaaciil Cali[Cirro],oo Saxaafada ugu waramay qolka nasashada ee Madaarka,ayaa ka hadlay xaaladaiisa Caafimaad,oo uu xusay in ay aad u wanaagsan tahay,waxana uu yidhi “Ilaahay ayaa mahad leh,anigoo caafimaadkaygu xun yahay ayaan halkan {dalka] ka tagay,maantana anigoo Caafimaadkaygu wanaagsan yahay dalka igu soo celiyay,waxana aan aad ugu mahad celinayaa Madaxweynaha JSL,oo aad hawshayda caafimaad aad uga hawlgalay,oo amar ku siiyay Wakiiladeena Addis-ababa iyo Koonfur Afrika inay arrinta caafimaadkayga u hawl-galaan,waxa oo aan iyagana u mahad celinayaa oo aad iigu hawl-galay Wakiilka Somaliland ee Ethiopia,oo ii sii diyaariyay ilaa dhakhtarkii,sidoo kale isaga afba kuma koobi karo wanaagii uu ka gaystay caafimaadkayga,Wakiilka Somaliland ee South Afrika waxana aan leeyahay waa nin qiimo leh oo Dalka halkaas u jooga”.

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland,oo muuqaalkiisu aad u wanaagsanaa waxa uu u mahad-celiyay Wasiiradii,Salaadiintii iyo dadkii madaarka ku soo dhaweeyay.

 

 

 

 

Omar Mahamed Faarax

Qarannews

Hargaysa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadhwanaag 2007-10-14 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Cali [Cabdilaahi Cirro] ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday,kadib markii lagu soo guuleystay qaliin dhinaca Wadnaha lagaga qalay oo uu tagay Dalalaka Ethiopia iyo Koonfur Afrika, kaas oo qaatay muddo bilo ah.

 

Wasiirka oo saxaafada ugu Waramayey qolka nasashada ee Egal Inrternational ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay qaliinkii lagaga sameeyey dhinaca Wadnaha inuu aad u wanaagsan yahay Caafimaadkiisu.

 

Waxaana Wasiirka Arrimaha Gudaha ku soo dhaweeyey dhabaha Dayuuradaha Wasiiro tiro badan,Xildhibaano,iyo dadweyne aad u tira badan.

 

“Ilaahay ayaa mahad leh aniga oo Caafimaad xun ayaan halkan [Hargeysa] ka tagay maantana aniga oo Caafimaad qaba ayaan dalka ku soo noqday”ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada arrimaha Gudaha Cabdilaahi Ismaaciil Cali [Cirro] oo sheegay inuu Xaruunkii uu qaliinka u tagay uu ka ladnaaday.

 

Wasiirka Wasaarada arrimaha Gudaha Somaliland Md.Ismaaciil Cali [Cirro] waxa uu u mahadnaqay Cidkasta oo ka qeybqaaday sidii looga daweyn lahaa Xaruunka dhinaca Wadnaha kaga soo booday, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan mahad naqayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo aad uga hawl-galay hawshaydii Caafimaadka, oo amar ku siiyey Safaarada Adis Ababa iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya Koonfur Afrika Prof Iqbal oo aanan mahadnaqiisa Af ku soo koobi karayn sidii uu uga hawlgalay arrimahaygii, waxan leeyahay Waa qof qiimo leh oo Somaliland halkaa u jooga.”

 

Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali [Cirro] waxa uu u mahad-celiyey dadweynihii ku soo dhaweeyey Geg-gada Diyaaradaha ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa, ee isugu jiray Wasiirada, Salaadiinta, Xildhibaano iyo dadweyne tira badan oo ee ka kala yimi qeybaha kala duwan ee bulshada

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this