Sign in to follow this  
Koora-Tuunshe

Somali parliament to debate on PM's road map for peace

Recommended Posts

Barlamanka oo dood yeeshay

13 Apr 13, 2008 - 8:57:16 AM

 

 

 

Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ayaa waxay maanta kulan xasaasi ah ka yeesheen dib u heshiisiinta ay ku baaqday Xukumadda uu hoggaaminayo Ra'iisul Wasaaraaha Somalia Nuur Cadde.

 

Fadhiga Barlamanka uu maanta ku yeeshay Baydhabo oo uu shir gudominayay Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa ka qaybgalay in ku dhow 140-mudane, iyadoo mudanayaasha maanta fadhigaas xaadirayna ay is dhaafsadee doodo kulul.

 

Xildihbanada ayaa waxay ku kala aragti duwanayen ajandaha dib u heshiisiinta ee ay waddo xukumadda uu hoggaaminayo Nur Cadde, waxana mudanayasha qaarkood ay dhalliileen dib u heshiisiinta.

 

C/rashiid Xiddig oo ka mid ah xildhibaannadii maanta doodda kulul ka jeediyay Baarlamaanka ayaa wuxuu sheegay in ajandaha dib u heshiisiinta ee la horkeenay uu yahay mid aan sharci ahayn, isagoo sheegay in sharciga uusan soo gaarsiin Wasiirka dib u heshiisiinta.

 

"Sharcigan waxaan ku caddeyn inay soo ansixiyeen golaha Wasiirrada iyo in kale, sidoo kale qoraalkan waa mid uu soo saxiixay Ra'iisul Wasaaraha Somalia, waxaana meeshaas ka cad inuusan waxba ka ogeyn Wasiirka dib u heshiisiinta, sidaa daraadeed waxaan qabaa inuusan ahayn mid sharci ah" ayuu yiri Mudane Xiddig oo codsaday in dib loogu celiyo DF, ayna soo ansixiyan golaha wasiirrada.

 

Fikir ka duwan midkaan ayaa waxaa qaba xildhibaan Geescadde oo hadal uu jeediyay ku sheegay in dowladdu ay tahay mid dib u heshiisiineed, sidaa daraadeedna ay tahay in la taageero dib u heshiisiinta oo aan hadal la gelin.

 

Shekh Aadan Madobe oo soo dhexgalay fadhiga ayaa sheegay in xildhibannadu ay haystaan muddo 10-casho ah, ayna kaga soo baaraandagaan qoraalkaan ku saabsan dib u heshiisiinta, dabadeedna mar kale laga doodi doono.

 

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horeeyay oo ay ka doodaan ajande ku saabsan dib u heshiisiinta, waxaana lagu wadaa in fadhi kale looga doodo sharcigaan.

 

Garowe Online, Baydhabo

Share this post


Link to post
Share on other sites
CapeTown   

Asmara - Saxaafada Soomaaliya ayaa dadaal balaaran ugashay sidii ay uheli lahayd qodobo dhawaan lasheegay in ay wada gaareen dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & Isbaheysiga Dibu xoreynta ee dalka Soomaaliya ,ayadoo markaasina lugula balamay Kooxahaasi in aysan Saxaafada wax war ka siin Qodobadan ay kala qaadeen ilaa ay Golayaashooda kala tashanayaan.

 

Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa Wakiilka Ban Ki Moon uqaabilsan Arimaha Soomaaliya ka soo qaaday Qodobo ka kooban 6 Qodob ,kaasoo ay uga hadlayaan xaaladaha siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya & Sidii ay ku dhici lahaayeen wada hadalo dhexmara dawladda Faderaalka & Kooxaha fara badan ee ka soo horjeeda.

 

Qoraalkan oo ay AllPuntland ka soo xigatey Qaar ka mid ah Kooxaha Siyaasadda ee dalka Soomaaliya ,ayay diiday kooxda laga helay in lagu xuso in laga helay ,balse dhawaan ayaa lafilayaa in ay Dhinacyadu hor dhigaan Madaxdooda Qodobadan.

 

War laga helay Dhinaca dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay Raysalwasaare Nuur Cadde & Madaxweynaha Yuusuf arimahan ka wada hadleen ,isla markaana ay si wanaagsan uga wada hadleen iskuna raaceen ,inkastoo laga soo shegayo kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya in aysan isku raacsaney.

 

Qodobadan ayaa kala ah.

 

1- In Isbaheysiga dib u xoreynta uu Xukumadda Federalka KMG Soomaaliya la galo wado hadalo aan sharuud lahayn si loo hergeliyo hindisaha Qaramadda Midoobe ee awood qeybsiga dowlada.

 

2- In xabad joojin laga hergeliyo dalka wada hadalada ka hor ,lana abuuro jawi wacyi gelineed oo lala kaashanaya odayaasha dhaqanka iyo Warbaahinta dalka si bulshada looga dhaadhacsiiyo inay taageeraan Ciidamadda Nabad ilaaliyaasha AMISOM.

 

3- In Ciidamadda Itoobiya ka baxaan dalka Soomaaliya xilliyada ugu haboon ee dowlada federalka iyo Isbaheysiga dib u xoreynta dhaqan geliyaan hindisaha heshiiska awood qeybsiga dowlada,lana soo dhameystira Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM.

 

4- In awood qeybsiga dowlada laga madaxbaneeyo Madaxtooyadda iyo baarlamaanka marka laga reebo xubnahii hore uga tirsanaa baarlamaanka ee garabka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

5- In Dowlada iyo Isbaheysiga soo magacaawdaan ergada la isla garto ee uga qeybgalayo wada hadalada si loogu gudbo magacaabista gudi isugu jira labada dhinac iyo beesha Caalamka oo qiimeyn ku sameeyo dhibaatooyinka bini-aadamnimada ka baxsan ee Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho laga bilaabo 28 December 2007 ilaa 28 December 2008.

 

6- In Soomaaliya doorashooyin madaxbanaan oo beesha Caalamka ay goob joog ka tahay laga hergeliyo sanada 2009,cidii ka hortimaadana loo aqoonsado qaswade jibiyay qodobada heshiiska Numberkiisa la xusi doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this